Qalab iyo Gawari Lagu wareejiyay Ciidamada Boliska Puntland
Xaflad Lagu wareejinayo Maamulka P.L Deeq Babuur iyo qalab Bolis ayaa lagu qabtay Hotell Banarama + Sawiro
Xafladan ayaa waxa si wada jir ah u soo agaasimay Ganacsatada reer Puntland iyadoo looga golahaa in lagu wareejiyo Boliska Puntland qalab ay soo gadeen Ganacsatada qalabkan ayaa waxa lagu xoojinaya sugida amaanka Mamgaalada Bosaso
Xafladan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane :Maxamuud Muusa xirsi iyo Wasiirka Amniga :C/laahi siciid Samatar iyo Talyaha Ciidanka Boliska P.L Gen:Gaani iyo Wasiirka :Waxbarashada Maxamuud Bile Dube iyo wasiirka :Dakadaha iyo khayraadka Bada :Ahmed Siciid Awnuur iyo
Wasiirka Ganacsiga C/Samad Yuusuf Abwaan iyo Gudoomiyha Gobolka: Dr Muuse Yuusuf Faroole iyo duqa Magaalada Bosaso :C/risaaq Xareed Xafladan oo aan loo kala harin ayaa waxa ka dhex muqanayay isimada Gobolka oo ay hogaaminayaan Ugaas Xasan ugaas yaasiin iyo Beeldaaje Faarax Beldaje waxaa kaloo ka soo qayb galay Bulshada qaybaheeda kala duwan qudbadihii xaflada ayaa waxaa si wayn loogu amaanay Ganacsatada iyo qof waliba oo gacan ka gaysta howlaha amaanka lagu sugayo
Xafladan ayaa waxa furayay Mid ka mida Ganacsatada ,Ganacsade Faarax Xaaji Mire ayaa waxa uu sheegay deeqdan waxay ay ka kooban tahay iyo deeqadan waxa ay doonayaa in wax lagaga qabto Faarax Xaaji Mire ayaa waxa uu sheegay in ay wareejinayaa qalab ka kooban Gawaari iyo isgaarsiin iyo dirays Gawarida ayay tiradoodu dhantahay 10 Gaari Todobo yar yar iyo sadex waawayn dirayska tiradiisa 1000 dirays ah iyo iyo 1000 kabood iyo 500 oo koofiyadood iyo 1000 suun iyo laba radio stion iyo labaatan foneeye nooca gacanta lagu qaato ah
qalabkan ayaa waxa ay sheegeen ganacsatadu in ay u baahan yihiin in loo dhiibo dad iyagu khibrad shaqo u leh oo aan la samayn sidii waayadii hore la arki jiray in qalabka loogu deeqo Boliska uu noqdo mid aan cidna laga xigin oo ku burburi jiray sadex Bilood Gudohood
Waxa kaloo ka hadlay dhinaca maamulka P.L Wasiirka Amaanka C/laahi siciid samatar oo sheegay in uu Balan qaadayo in deeqdan ay wax wayn kaga badali doonaa amaanka Magaalada Bosaso qalabkan ayuu sheegay wasiirka in loo dhiibi doono dad masuula oo aysan dhici doonin qaabkii wayadii hore wasiirka ayaa waxa kaloo uu sheegay qalabkan in lagaga howlgali doono Bosaso oo kaliya Maadaama aytahay Bosaso meesha ugu wayn ilaha dhaqaale ee Buntland Wasiirka ayaa sheegay in wixii dame loo qaybin doono Gobolada intooda kale Wasiirka ayaa Gabagabadii u mahad naqay Ganacsatada wuxuu usheegay inaysan intan kalya ku ekayn igarab istaaga laamaha amaanka ay mar waliba Garab istaagan mar walibana ay ubaahan yihiin Ganacsatada isagoo shegay inay yihiin Ganacsatu Lafdhabarta Dawlada
Waxaa isaga halkaas ka soo jeediyay Madaxwayne Cade Muuse ,Isagoo umahad celiyay Ganacsatada Madaxwanaha ayaa sheegay in Puntland ay wax wayn iska badaleen lixdii bilood ee ugu dameeyay lixdaas Biloodna la shaqayn jiray Habeen iyo maalinba iyadoo muuqaalka Magaalooyinka uu yahay mid xasiloon xoogaaga yarna la dhamayn doono wakhtiyada soo socda hadu ala idmo
dhinca isimada ayaa waxaa halkaas qudbad ka soo jeediyay Ugaas Xasan ugaas Yaasiin isagoo sheegay in maamulka looga baahan yahay inuu hantidan lagudoonsiiyay uu dhaqaalaysto waxna kaga qabto howlaha loogu tala galay Ugaaska ayaa sheegay in Puntland waagii hore loo aqoon jiray hoygii sharafta umada somaliyeed hadan la doonayo in lagu soo celiyo sidii ay waagii hore ahaan jirtay laamaha amaanka ayuu umahad naqay ugaasku isagoo sheegay in amaanka wax wayn laga badalay bilihii la soo dhaafay ugaska aya hadalkiisii ku soo afjaray duco iyo ala kacabsi iyo in lagu xirnaado alaah
Markii ay dhamaadeen qudbadihii ayaa waxa la soo aaday Dekeda Magaalada Bosaso halkaas oo ay diyaar ku ahaayeen Gaadiid kii iyo qalabkii loogu deeqay Boliska P.L markii la soo garay Goobta uu Gaadiidku yaalo ayaa waxa halkaas algu gudoon siiyay Wasiirka Amaanka C/laahi Siciid Samatar qaabkii iyo Gaadiidkii halkaas oo ay gob joog ka ahaayeen dhamaan Ganacsatada iyo isimada Dawlad Goboleedka Puntland
Ahmed Yaasiin Saalax
Bosaso somalia



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment