Xaflad Lagag Hadlayo Arimaha Maxjarka Oo Bosaso Kadhacday
Xaflad lagaga war bixinayo howlaha Maxjarka meesha ay marayan iyo Shirkada somali Livistoc oo soo Bandhigtay Ajandayaal lagu horumarin karo xoolaha somaliyeed
Xaflad lagaga war bixinayo howlaha Maxjarka meesha ay marayan iyo Shirkada somali Livistoc oo soo Bandhigtay Ajandayaal lagu horumarin karo xoolaha somaliyeed,
Xafladan ayaa waxa ka soo qaybgalay dhamaan gacansatada Puntland xafladan ayaa waxa ugu horayn lagu soo dhowayay Mikrifoonka Gudomiyaha .Shirkada Somali Livestoc ,Mr:Cumar Ismaciil Waabari Gudoomiyaya ayaa ka warbixiyay howlaha Maxjarka isagoo shegay uguna hambal yeeyay dhamaan gacansatada inuu gabagaba yahay maxjarka dhowaana lagu dhawaaqi doono furitaankiisa
Gudoomiyaha ayaa soo bandhigay sida loo horumarinkaro xoolaha somaliyeed isagoo xusay in xoolaheenu ay yihiin xoolaha aduunka ugu qaalisan hadana wuxuu sheegay inay dhibaato inaga haysato sida aynu u xanaanayn lahayn taasoo mararka qaybtood xoolaha marka la iibgeeyo aad ku arkayso suuqyada caalamka inay yihiin xoolaha ugu miisaanka yar taasoo ay sababayso in uusan qofku ku xisaabtamin miisaanka neefka ee uu ku xisaabtamo mar uun halagaa gato Taasina waxay sababtaa in xoolihii uu ku qasaaro qof kii maadaama uusan xanaanayn
Gudoomiya ayaa xusay inay aduunka laga isticmaalo qaabab badan oo xoolaha loo xanaaneeyo oo ku dayasho mudan Gudmooyaha ayaa shegay inay nooc kamida xanaanayta xoolaha ay ka sameeyeen Gudha Deegaanada Puntland Gaar ahaan Magaalada Qardho qaabkaas oo loo yaqaan Faam lagu xanaaneeyo xoolaha marka ay safarka soo galanaan kadibna neefkii oo nastay helayna cuno waxtarleh loo raro dalka dibadiisa taasoo faaidada koowaad u ah neefkaga oo yeesha miisaan bilicdiisuna ay noqoto mid aad u fiican adig oo helay faa iido dheeri ah waayo neefkaga ayaa ah mid qof waliba uu ku riyaaqayo marka uu arko
Gudooyiha oo hadalkiisii sii wata aya ugu baaqay dhamaan ganacsatada reer Puntland inay iskashadaan oo ay fiiriyan danta guud inta uu qof waliba fiirin lahaa danaha gaarka ah Gudoomiyaha ayaa xusay in lala shaqeeyo maamulka Puntland laamahiisa amaanka isagoo sheegay inaynu wax ku nahay dalkeena hadii aan Burburino waan la bur buraynaa hadii aan dhisanana waxaan ku yeelanaynaa haybad iy cisi
Sikastaba ha ahaatee waxaa kaloo hakaas hadalo koob kooba ka yiri Gudoomiye ku xigeenka shirkada somli livistoc Mr:Maxamed Faarax isagoo sheegay in aynu xolaha u dhaqono qaabkii aynu ka soo garnay awoowa yaasheen taasoo dhalisay in xoolaheenu ay noqdaan xolaha aduunka ugu miisanka yar isagoo xusay in xoolaha loo baahan yahay inaynu usamayno cuntadii ay cuni lahaayeen kuna siino goob ay kunasan karan oo leh Biyo iyo masaaxo waasac ah Mr:Maxamed Farax ayaa xusay in ay jiraan dhaqaalo la aan hadana dadaalku inuu yahay mid fiican hadii aynu hindisno in xoolaha aynu usamayno xolaha faamam waawayn oo aynu iska kaashano waxaan ku talaabsan karnaa taabo horumar ah
Waxaa kaloo isana halkaas hadal kooban ka yiri Mr:Burhaan Boqor Muuse oo sheegay in maanta ay tahay maalin far xadeed maadama ay ganacsatadii oodhan isugu yimaadeen goob qura iyagoo kala qaadanaya warbixin horumar ah Mr:Burhaan Boqor ayaa xusay in had iyo goor loo bahan yahay inay gacansatadu Gacmaha is qabsadaan taasina waxay keeni kartaa horumar wayn oo aynu gaar siino wadankeena ,
Waxaa kaloo Bosaso somalia halkaas ka hadlay dhanka odayaasha ,Ahmed Cabdi Xabeeb isagoo umahad celiyay Shirkada Somali Livistoc oo shegay inay tahay shirkad had iyo jeer ku howlan horumarinta deegaanada Puntland loona baahan yahay in lagu daydo
Ahmed Yaasiin Saalax



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment