Faaiidooyinka uu ku soo kor dhiyay dalka Saleebaan Aljabiri iyo Hagardaamoyinka Abuu Yasir + SAWIRO
Waxaa wayadan dame aad moodaa Ganacsatada Reer Puntland inay noqonayaan ul iyo diirkeed kagadaal markay la kulmeen dhibaatooyin badan oo ka soo wajahay Ajaanibka ay badeecadaha
Waxaa wayadan dame aad moodaa Ganacsatada Reer Puntland inay noqonayaan ul iyo diirkeed kagadaal markay la kulmeen dhibaatooyin badan oo ka soo wajahay Ajaanibka ay badeecadaha is dhaafsadaan,
Hadaba waxaa maanta kulan wayn oo lagaga arinsanayo arimaha Xoola dhoofinta iyo Badbaadada Danaha shacbiga reer Puntland lagu qabtay Hoolka shirarka ee Hotel Paanarama .
Ujeedada shirkan ayaa waxaa ugu horaan ka hadlay Gudoomiyaha Shirkada Somali Livestoc Mr:Cumar Ismaaciil Waabari .isagoo sheegay in ujeedka shirkan uu yahay in lasoo ban dhigo dhibaatooyinka soo wajaha Ganacsatada markay uqaadaan xoolaha dalka dibadiisa taasoo hadii qof waliba uu soo bandhigo dhacdo soo martay lagula talin karo mid uu kaga gaashaanto wuxuu kaloo sheegay mr Cumar Ismaaciil hadii kulamada noocan ah ay noqdaan kuwa mar waliba qabsooma waxaa lagaarayaa horumar wax walba oo khasaara ahna waa laga gaashaman karaa Mr Cumar ismaaciil Waabari ,wuxuuna ka war bixiyay dhacdoo yin fara badan oo ka soo maray Ganacsigiisa Xoola dhoofinta Taasoo mudan in la xuso dhibaato iyo faa iido si loogu waana qaato ,
wuxuu kaloo sheegay Ganacsade Saleebaan Aljabiri inuu noqday Ganacsadaha ugu waxtarka Badnaa Ganacsatada Ajaanibka ah ee soo maray Gobolada Puntland Taasina waxa cadaynaya 2006-2008 Wuxuu qaadanayay Xoolo isagoo ku qadanayay By kaash wuxuu kaloo maal galin ku sameeyay Gobolada Punltand haday noqoto dhisada maxjarka, iyo samaynta farm, Lagu nasiyo Xoolaha wuxuu u faa iideeyaya reer Guuraaga oo xoolaha lagaga soo qaadi jiray dayn iyagoo markuu saleebaan Aljabiri uu bilaabay latacaamulka Ganacsatada Reer Puntland ay ka yaraatay dayntii lagaga qaadi jiray Xolaha ,wuxuu sababay xoolaha oo ka xirnaa Saudi Arabia sababa siyasadood awgeed inuu furo oo geeyo saudi Arabia,
Wuxuu kaloo shegay inay jiraan Ganacsato doonaysa inay lugooyaan Ganacsigeena oo doonaya inaynaan waxba faa iidin isagoo sheegay inay jiraan dad badan oo ka cabanaya Ganacsade Laugu Magacaabo Abuyasir oo noqday mid si wayn isha loogu hayo Guud ahaan Somalia
Waxaa kaloo ka hadlay Suldaan Abshir :isagoo xusay inay jiraan dhibaatooyin ka soo wajahay Ganacsade Abuyasir isagoo ku booriyay in hadii cid lala tacaamulayo aan la tacaamulno Saleban Aljabiri ,
Waxaa kaloo hadala koob kooba ka yiri ,Mr Kaliil Mohomed Jamac ,oo ka war bixiyay habkii foosha xumaa ee uu ula dhaqmay Ganacsatada Abu yasir ,
wuxuu rartay doonoyo ay ka mid ahaayeen ,Looshaar ,Anwari ,Alfatxi,wuxuu ku qatay doonyahaas dhamaatood Cala nef $50 Geela $300 oo foob ah isagoo doonaya inuu raytka ku kiciyo ,
Waxaa kaloo kahadlay,Mr Maxamuud Salaad ,isagoo sheegay inuu ay jiraan dhibaatoyinka laga soo sheekeeyay lana doonayo in aan samaysano wixii aan uga hortagi lahayn ,
hadaba shacbiga reer Puntland sideebay u arkaan midawga Ganacsatada ?
Mar aan la dhexmaray mikrafonkan shacbiga ayaa waxay isku raaceen inay tahay Guul u soo hoyatay Ganacsatada Reer Puntland hadayba meel uga soo wada jeesanayaan qofkal hagardaamada ugaysta ,
Hadaba Gabagabadii shirkan ayaa waxa soo Gunaanaday mid ka mida odayaasha dhaqanka, isagoo kula taliyay inay ka diktoonaadan qofkii dhibaateeyay oo aysan mar labaad ku dhicin tii shalay ku dhacday lana soo dhoweeyo qof waliba oo dan u wada Shacbiga reer Puntland ,
Bosaso somalia
Ahmed Yaasiin Saalax



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment