Home | Wararka | "LAALUUSH BIXIN MAYNO", "XILDHIBAANNA CODKIISA GADAN MAYNO" W.Q. MUSHARAX Prof. FARJAC

"LAALUUSH BIXIN MAYNO", "XILDHIBAANNA CODKIISA GADAN MAYNO" W.Q. MUSHARAX Prof. FARJAC

Font size: Decrease font Enlarge font
image Farjac

Markaanu niri eraygaa ayaa xataa qurbe joogtii wax garadka ahayd nala yaabtay. Su'aalaha nala weydiiyey waxaa ka mid ahaa: "Sidee bay ku dhacaysaa in aad maamulka hunguriyaysaan hadaydaan lacag bixinayn?"

Markaanu niri eraygaa ayaa xataa qurbe joogtii wax garadka ahayd nala yaabtay. Su'aalaha nala weydiiyey waxaa ka mid ahaa: "Sidee bay ku dhacaysaa in aad maamulka hunguriyaysaan hadaydaan lacag bixinayn?" "meeqa cod baad ka heleysaan xildhibaanada daacada ah?"-"Meeqa xildhibaan baan laaluush qaadan oo aad isku halayneysaan?".

Hadii musharax gato codadka xildhibaanada oo uu ku guuleysto jagada madaxtooyada Puntland maxaa imaanaya? Jawaabtayadu waa: Waxaan idiin sheegayaa wax aad ogtihiin oo ah:

·         Waa in uu lacagtii uu ku gatay madaxweynanimada soo celiyaa.

·         Hadii ay jeebkiisa ka timid waa in uu la soo noqdaa isagoo xadaya xoolaha ummadda.

·         Hadii ay dadka lacagta leh ay u siiyeen si ay wax uga helaan markuu taliskiisu qabto, waxaa cad in loo abaalgudayo dadkii lacagta codadka lagu gatay bixiyey. Ama qandaraas la sii, ama ganacsi geligii aan loogu soo geli Karin la sii—wax kastaba abaal gudku ha ahaadee waa mid ka go'an xoolaha ummadda.

·         Hadii uu ka soo amaahsaday dad kale waa in uu u celiyaa. Taasina waa in ay ka timaado xoolaha ummadda. Hadaba tuug cusub waxaa dhaama kuwa haatan jooga oo wax badan meel dhigtay sida madaxa maamulka Puntland u sheegay. "aniga waa dhergey, hadaanaan dadka wax u qabanaa ee ha la idoorto".

Waa naga su'aal: Ruuxa bixiyey laaluush si uu u noqdo madax, ma dadweynaha buu wax u qabanayaa mise kuwa lacagta soo siiyey? Hadaba way cadahay in ay tahay arrintaasi "Kud ka guur oo qanja u guur". Ma sidaas baa lagu wadayaa, mise waxbaa laga bedelayaa?" Aqoon yahanow, indheer garadow wax ka dheh. Maantay Puntland kuu baahan tahay. Issin iyo oday dhaqameedow wax ka qabo. Bulshadoy wax sax, ama iska daawo haadaanta hooyadeen Puntland lagu taqan-taqaynaayo. Xildhibaanow ka dhiidhiya erayada la idin soo yiri "Caaqiladiinii ha idin soo celiyaan, markaas lacagtiina noogu imaada". Xildhibaanow sharaftaadii soo celi.

Shirar badan khuudbooyinkii aanu ka akhrinay waxaanu ku baaqnay oo aanu ballan qaadnay in aanaanu bixinayn laaluush oo aanaanu gadanayn codadka xildhibaanada beelaha. Waxaa nalaku dooranayaa kartida, wax qabadka, aqoonta iyo qorshaha aanu u wadno Puntland oo gaarsiinaya nabad waarta, horuumar dhaqan dhaqaale iyo bulsho.

Waxaanu aaminsannahay in  hadii ay xildhibaanadu gadayaan codadkooda, musharaxa ka gata codka uu yahay dembiile aaney ka daacad ahayn in uu keeno horuumar, hase yeeshee arkay sida looga hodmay madaxtinimada Puntland. Xildhibaanka gadaya codka beeshiisana uu yahay  dembiile. Waa in uu sharcigu qabto oo la soo saaro maxkamad xildhibaankii lagu helo. Waa in uu waayo xildhibaanimada, beesha uu ka socdana waa in ay ku weydo kursigaas ay ku lahaayeen baarlamanka. Waa in musharaxa lagu helo in uu gadanayo codka xildhibaanka la qabto oo la xiro, maxkamadna la soo taago. Musharaxaasi waa in laga tirtiro musharaxnimada. Labadooduba waa tuugo.

Hadaba hadii aynu xaaramayno gadashada codadka, waxaan filayaa in ay soo galaan musharaxiin hor leh oo leh kartida lagu maamulikaro laguna maareynkaro Puntland. Waxaan hubaa in ay beelwalba leedahay aqoon yahanno xirfadaha loo baahan yahay wata, hase yeeshee arkay in aaney lahayn dhaqaalaha wax lagu kala gadanayo. Waxaa soo baxaya musharaxiin u soo hanqal taagaya sidii ay ku toosin lahaayeen dhibaatada manta ka taagan Puntland.

Markale aan ku celiyo: "anigu gadan mayo codadka xildhibaanada". Sow la iiguma jawaabin "Hadii aadan gadan hayn codadka xildhibaanada -Sideebaad ku helaysaa wax ku doorta? Hadey taa taagan tahay "gata codadkiina, hana ka hadlina meeshii la gaarsiiyo hooyadeen Puntland".

Way badantahay inta aanu ugu baaqnay beelaha Puntland in beel walba ee xildhibaan soo gelineysa golaha, marka ay soo dhisayso Xildhibaan uu noqdo mid ay soo xuleen aqoon yahannada, culumaa-u-diinka,  indheer garadka,ganacsatada,  ururka haweenka, ardayda dugsiyada sare/dhexe iyo jaamacadaha, odayaasha wax garadka ah, qurba joogta iyo ururada bulshada dhammaantood ee beeshaas. Markaa ka dib in loo gudbiyo Issinka beesha. Hawsha xildhibaanku qabanayo waa sharci dejin. Waa shaqa u baahan aqoonta shuruucda iyo maskax. Hadaba jifa walba way garaneysaa aqoon yahannadooda inta ku soo takhasustay sharciga, ama soo baratay qawaaniindejinta iyo kuwa bartay qawaaniinta wadanka hore ugu degsanayd. Waxaynu dooneynaa in aan wax bedelno oo aynu ka guurno musuq-maasuq, cadaala darro, dib u dhac dhaqan dhaqaale. Hadaba ha soo galaan wejiyo cusub oo u badan aqoon yahanno aan ogolaanayn in loo hoos geliyo sharci qalad ah, iyo wax aan dani ugu jirin Puntland.

Hadaba waxaan aad uga codsanaynaa qaybaha bulshooyinka ee soo xulaya xildhibaanada in ay ka doodaan, falanqayaan, lafaguraan,  oo ay isla meel dhigaan dadka u noqonaya xildhibaanada, uuna qoofku noqdo qof baarlamaanka wakiil uga ah beesha danteeda iyo danta reer Puntland.

Waxaan idinka codsaneynaa in jilal cusub (new generation) la soo xulo. In ay noqdaan dad aqoon u leh sharciyada iyo sharci dejinta.

Hadii taasi hirgasho oo dadka la keenayo ay noqdaan (Insha Allah way noqonayaane) kuwa ay bulshooyinka beeluhu soo xulaan, waxaa hubaal ah in ay dooran doonaan madax weyne aqoon leh, karti leh, daacad ah oo wadanka  gaarsiinaya nabad, horuumar.iyo barwaaqo.

Waxaan marka ka codsanayaa indheer garadka iyo aqoonyahannada beelaha, dibadda iyo gudahaba in ay ka soo qayb galaan baratanka madax weynanimada iyo maamul wanaagga Puntland. Inta haatan ku fekereysa in aanay haysan lacag ay ku bixiyaan laaluush, waxaan u banaynay jidkii ka xirnaa. Aqoon yahanow, wax garadow, indheer garadow, daacadow soo dhowow. Waan ognahay in aad wax weyn u qaban karto wadanka. Bal adiguna shirka imow, badarka iyo buushadana hala kala saaro. Aqoontaada iyo garaadkaaga ha la dhuuman.

Waxaan raja ka qabnaa in musharaxiinta kalena nagu soo biirto, ayna soo saaraan baaq kan la mid ah. Waa in la adkayo sharciga wadanka oo musharaxii lagu ogaado in uu gadanayo codadka xildhibaanada laga joojiyo, lagana fariisiyo musharaxnimada, loona taxaabo xabiska.

Aan idiinku celino hadii aad ilowdeen "Annagu bixin mayno laaluush, mana gadaneyno codadka xildhibaanada". Xildhibaanada soo gelidoona waxaa saran xil gooni ah oo laga filayo in ay taariikhda baal dahab ah ka galaan iyagoo ka badbaadinaya Puntland bohosha ay ku sii socoto.

Aad baanu uga soo horjeednaa in musharaxiintu ay magaalooyinka la wareegaan Technicals iyo ciidamada beelaha ay ka soo jeedaan. Hadii musharaxu u baahan yahay in wax la yeelo, waa in ay dawladu ku qaybisaa dad ilaalinaya. Ma aanu aaminsanin in ciidamo beeleed ay ilaaliyaan musharixiinta ayna la dhex ordain technicals magaalooyinka. Aad baanu uga soo horjeednaa arrintaan, waxaana filaynaa in musharaxiinta kalena nagu soo biiraan.

Wararka nagu soo duulaya oo khatarta leh waa musharax aan ciidama beeleed qabin madax kama noqon karo Puntland. Taasi xageebay kaga taal dastuurka aynu qoondaysanay? Waxaanu aaminsannahay in jiritaanka ciidamo beeleedku khatar ay gelineyso Puntland.

Hadaanu qabano maamulka, ciidan beeleedku waxay ku biirayaan ciidanka Puntland. Ciidan beeleed nin haysan karaa ma jiridoono. Hadii ay ciidan beeleedyadu ay midaysan lahaayeen, manta Las Caano lama haysteen.

W.Q. Prof. Farjac

Farjac@gmail.com

www.farjacforpuntland.com

www.puntlandforchange.com

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0