Home | Wararka | Xoogag katirsan Ururka Al-Shabaab oo gaaray degmada Buur Hakaba,iyo Abu Mansuur oo lagu eedeeyay in ay gowraceen taliyihii Ciidamada ee Manaas

Xoogag katirsan Ururka Al-Shabaab oo gaaray degmada Buur Hakaba,iyo Abu Mansuur oo lagu eedeeyay in ay gowraceen taliyihii Ciidamada ee Manaas

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Dhalinyaro aad u hubeysan oo la sheegay in ay yihiin Al Shabaab ayaa la wareegay degmada Buur Hakaba ee gobolka Bay,xilli ay soo baxayaan fajac ku aadan meydka taliyihii ciidamada Milatariga Manaas oo la helay isagoo gowracan.

Dhalinyaro aad u hubeysan oo la sheegay in ay yihiin Al Shabaab ayaa la wareegay degmada Buur Hakaba ee gobolka Bay,xilli ay soo baxayaan fajac ku aadan meydka taliyihii ciidamada Milatariga Manaas oo la helay isagoo gowracan.

Xoogaga Al Shabaab ayaa gudaha usoo galay Buur Hakaba xalay mana jirin quwad ka hortagtay si ay isaga caabiso iyadoona inta badan deegaankaasi aysan ka howlgalin ciidamo katirsan dawladda Federaalka Somaliya.

Waxaa ay isku balaariyeen xoogaga Alshabaab deegaano kala duwan oo kamid ah Buur Hakaba iyagoona difaacyo dhigtay wadooyinka kala duwan ee degmadaasi laakin lama soo sheegin cid ay qabteen ama ay dileen.

Arrimahasi ayaa soo baxaya xilli afhayeenka Ururka Al Shabab ahna hogaamiye katirsan ururkaasi Abu Mansuur loo jeedinayo eedeymo ah in ay gowraceen taliyihi ciidamada dawladda ee xerada Manaas kaasi oo meydkiisa la helay isagoo madaxa ka go'an.

Waxaa lagu eedeeyay Abu Mansuur in isaga uu laha amarka gowraca sarkaalkaasi kadib marki ay gacanta ku dhigeen xoogaga Al Shabaab oo xoog ku galay xeradaasi dhawan markii ay weerar ku qaadeen,Abu Mansuur waxa uu hore ugu hanjabay in uu gowraci doono askarta dawladda hadii ay gacanta ku dhigaan.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0