Home | Wararka | MAXAAD KA TAQAANAA DEEGAANKA HAYLAAN IYO QABRIGA DAAROOD? [DAAWO SAWIRO]

MAXAAD KA TAQAANAA DEEGAANKA HAYLAAN IYO QABRIGA DAAROOD? [DAAWO SAWIRO]

Font size: Decrease font Enlarge font
image Qabrigii Daaroow ismaaciil

haylaan:- Deegaanka Taariikheed ee ku magac dheer Haylaan oo degmada Badhan wax yar oo aan ka badney 30km dhinaca Galbeed kaga beegan

haylaan:- Deegaanka Taariikheed ee ku magac dheer Haylaan oo degmada Badhan wax yar oo aan ka badney 30km dhinaca Galbeed kaga beegan ayaa waxaanu ku tagney booqasho aanu ku baareyney dhul taariikheedkaas ay ku abtirsadaan beelaha Daarood ee geiyaga Soomaaliyeed.

Haylaan markaad aad u dhowaatid waxaad arkeysaa bur bur ay reebtey socodka waqtiga iyadoo aad arkeysid taalooyin bur burey oo aad ku arkeysid buuraha gaa gaaban ee ku teedsan deegaanka Haylaan.






Buurtan dusheeda waxaa ahaa saldhig ciidan oo taariikh reebtey


Buuro yar yar dushooda waxaad kaloo ku arkeysaa saldhigyo ciidan oo dadkii berisamaadka degenaa ay reebeen iyadoo aan ku aragney goobtaa xerooyin loogu talo galey fardaha iyo goobo cibaado masaajido ahaan jirey.






Waa buurta dusheeda oo sida aad arkeysaan saldhig ciidan ahaan jirtey


Dhulka Haylaan waxaad kaloo ku arkeysaa xabaalo aad u tiro badan oo sida dadka weriya taariikhda ay sheegeen iney xabaalahan yihiin dadkii ku dhamaadey dagaalo ka socon jirey goobahan oo u dhexeeyey dadkii kasoo farcamey Cabdiraxmaan Ismaaciil [Daarood]












Qabriga Daarood Ismaaciil waxa uu ka jiraa dhismahan
Qabrigii Daarood Ismaaciil


Dhulka Haylaan waxa uu yahay dhul ku yaala goob aad u istaraatiji u ah iyadoo buuraha gaa gaaban dushoodana ay ku haboon yihiin ilaalada cadow dulaanka ah.






Albaabka Qabriga Daarood..


Goor aanu u guda galney inaanu su'aalo ka weydiino taariikh xifdiyaasha goobta ku sugnaa waxay noo sheegeen in dhulkani ay degi jireen dadka loo yaqaano Gala oo hada ku sugan xuduudaha Koonfur Galbeed ee dalka Ethiopia ay la leedahay Kenya iyo Sudaan.








Taalo taariikheed ay reebeen ciidankii Daarood Ismaaciil


Gala waxay ahaan jireen dadka laga kiciyey dhulka waa sida ay sheegeen taariikh yahanada isla markaana ay noo raaciyeen in Daarood Ismaaciil oo guulo kasoo hooyey la dagaalanka qabaailka Gala kadib markey ku gacan sayreen iney Islaamaan oo diintas Islaamka soo galaan.








Geedkan hoostiis ayuu Daarood ku hoos geeryooday, goobta ay dhagxaantu taalona waa goobtu ku nafwaayey.


Taariikh yahanadu waxay intaa ku dareen in Daarood la la heley falaadh isagoo rabey inuu bad baadsho hal irmaan oo ka gashey god biyo galeen ah kuna yaaley geed hoostii sidaad sawirka kore ku arki doontaan.








Waa goobtii uu Daarood ku nafwaayey sida ay sheegeen dadka taariikhda haya


Naftu kama bixin e waxaa intaa ku dareen in geedka agtiisa ay naftu kaga baxdey isla markaan ciidankiisii oo buurta u dhow joogey ay usoo gurmadey oo isla markaa cadowgii dileen kadibna aaseen meydkii Daarood.








Waa Qabrigii Doonbira Dir


Goobta Qabriga Daarood waxaa u dhow qabrigii Doonbira Dir oo ahayd hooyadii dhashii Daarood ee hada ku farcamey daafaha inta ay Soomaalidu degto, qabrigeediina waa kan ku muuqda sawirka.








Waa Qabrigii Doonbira Dir


Haylaan waxay u baahantahey baaritaano cilmiyeed iyadoo isla markaana laga heli doono taariikh isla markaana loo bad baadsho umada Soomaaliyeed maadaama ay meeshu tahay goob taariikheed.


LaasqorayNET/Boocame


Hayland

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
3.25