Home Editorial Puntland haddii ay ka go’ayso Soomaaliya yaa go’aanka leh?

Puntland haddii ay ka go’ayso Soomaaliya yaa go’aanka leh?

Doodda ku saabsan mustaqbalka Puntland iyo xiriirka ay la leedahay Soomaaliya waa dood u baahan in si qotodheer loo galo, lagana fogaado in arrin masiiri ah lagu koobo hadalka xukuumad ama koox siyaasadeed oo xilligaas talada haysa.

Waxaan qabaa in ugu yaraan saddex su’aalood oo waaweyn la is weydiiyo:

1. Haddii Puntland ay Soomaaliya inteeda kale ka go’ayso, yaa xaq u leh in ay go’aankaas gaarto?

Puntland ma aha hanti ay leedahay xukuumad, madaxweyne, xisbi ama koox siyaasadeed. Puntland waxaa leh shacabka deggan dhulkeeda, waxaana taariikhdeeda aasaasiga ah lagu dhisay wadatashi iyo is’afgarad. Dastuurka Puntland  qodobkiisa 3aad faqradda 1aad iyo 2aad wuxuu si cad u sheegayaa in awoodda ay leeyihiin  shacabka, isla markaana aan qof ama koox gaar ahi awoodda dowladnimo si gaar ah ugu adeegsan karin. Waxa kale oo uu sheegayaa in Puntland ay qayb ka tahay Soomaaliya, ayna xil ka saaran tahay hirgelinta Soomaaliya federaal ah.

Sidaas darteed, haddii maalin la keeno go’aan ah in Puntland ay Soomaaliya ka go’do, ma noqon karto arrin xukuumad markaas joogta ama koox siyaasadeed oo keliya ay go’aan sankarto. Waa arrin taabanaysa jiilal, dhul, dad, dhaqaale, amni iyo mustaqbal siyaasadeed, sidaas darteed waxay u baahan tahay wadatashi aad u ballaaran iyo oggolaanshaha shacabka.

Dastuurka Puntland laftiisa wuxuu xusayaa in haddii mowqifka Puntland laga beddelayo qodobadaas, arrintu u baahan tahay in Golaha Wakiilladu 2/3 ku ansixiyo, dabadeedna afti loo qaado. Haddii xitaa baarlamaanku uu codkaas aqlibiyadda leh ku meel mariyo go’anku ma dhameeystirna ilaa afti dadweyne laga qaadayo sida Ku cad dastuurka puntland.

2. Puntland-ta Soomaaliya ka go’aysa waa Puntland-tee?

Su’aashan waa in si dhab ah la isku weydiiyo.

Puntland waxaa lagu dhisay shir iyo is’afgarad dhex maray gobollo iyo bulshooyin kala duwan.  Shan gobol iyo degmada Buuhoodle maanta 5tii gobol ee 1998kii Puntland wada dhistay si run ah oo xaqiiqo ah u ma wada jiraan oo isku dood ma aha? Waa su’aal kale iyaduna. Dastuurka Puntland wuxuu xusayaa in Puntland 1998 lagu aasaasay wadatashi iyo is’afgarad gobollo ku bahoobay dhismaha maamul, iyadoo himiladii aasaaskuna ahayd in ay qayb ka noqoto Soomaaliya federaal ah sida Ku cad dastuurka.

Sidaas darteed, haddii maanta la yiraahdo “Puntland ayaa Soomaaliya ka go’aysa”, waa in marka hore la is weydiiyo: yaa matalaya Puntland oo dhan? Dadka ku nool dhammaan gobollada iyo degmooyinka Puntland ma isku aragti bay ka qabaan? Bulshooyinka kala duwan ee Puntland deggan ma isku raacsan yihiin? Sidaaan wada ognahay Soomaaliya maamulada ka jira oo dhan ilaa dowladda faderaalka ah maamulkeedu wuxuu Ku dhisan yahay awood-qaybsiga 4.5 ama qabaail dowladnimadda inta isku aamini waayay iskuna afgaran waayay reero u qeeybsaday. Xuduudaha la sheeganayo ma yihiin kuwo dhammaan dadka ay khusayso ay isku raacsan yihiin? Ololaha ah in Puntland laga jaro Soomaaliya  yaa xiiso gooniya u haya yaa calankaas lulaya, qabaailka Puntland wada deggan isku dareen maka yihiin doodda mise reer gooniya ayaa riixaya oo qaba dodda? Dhammaan su’aalahan lama dhaafi karo.

Ma aha wax sax ah in go’aan taabanaya mustaqbalka dhammaan dadka Puntland lagu saleeyo aragtida hal koox, hal reer, ama xukuumad xilligeeda joogta. Haddii go’aan noocaas ahi dhab ahaan miiska yimaaddo, waa in dadka ay khusayso loo oggolaadaa in ay si xor ah oo muuqata uga tashadaan.

3. Haddii Puntland Soomaaliya ka go’do, maxay heli doontaa oo aysan maanta heli karin iyadoo Soomaaliya qayb ka ah?

Tani waa su’aasha ugu muhiimsan.

Puntland waxay tan iyo 1998 lahayd maamul, baarlamaan, xukuumad, ciidan, nidaam canshuureed iyo hay’ado u gaar ah. Warbixinnada cilmiga ah ee Puntland asaaskeeda laga qoray waxa lagu tilmaamaa in Punland ay ahayd maamul iskiis isu maamlayey (Semi-autonomous ) tan iyo 1998. Waa xilligii dowladda dhexe aanay jirin ama daciifka ahaydba.

Sidaas darteed, haddii dhibaatadu tahay in Puntland aysan horumar ku filan gaarin, su’aashu ma noqon kartaa  oo keliya “Xamar ayaa hormarka inagga hortaagan waa suaal u baahan in dadka reer Puntland si dhabb ah isu weydiiyaan?

Waxaa sidoo kale loo baahan yahay in Puntland gudaheeda la iska weydiiyo:

Maxaa laga qabtay waxbarashada?

Maxaa laga qabtay caafimaadka?

Maxaa laga qabtay biyaha iyo korontada?

Maxaa laga qabtay waddooyinka?

Maxaa laga qabtay shaqo’abuurka iyo dhaqaalaha?

Maxaa laga qabtay hay’adaha dowliga ah iyo islaxisaabtanka?

Maxaa laga qabtay in awoodda dowladdu gaarto dhammaan bulshada?

Maxaa laga qabtay khayraadka Puntland iyo sidii shacabka looga faa’iideyn lahaa?

Ma la joogaa xiligii bulshadda Puntland ay si dhab ah isu weydiin lahaayeen waxa ay xukumadihii kala danbeeyay ee Puntland soo maray ay ka qabteen baahiyaha asaasiga ah ee nololeed ee muwaadinka si dhab ah u taabanaya noloshiisa? Inta aan xamar ku heeysano ee ah inay xamar doonayso inay nidaamkii faderaalka ahaa ay duminayso oo awodihii oo dhan ay rabto in Xamar lagu soo koobo taas oo ah xaqiiqo laga arkay rajiimyadii kala duwanaa ee faderaalka soo maray. Intaas oo dhami waxay ka jiraan Puntland. Garoowe waxay ay Xamar ku haysato oo dhan iyada ayaa magaalooyinkii kale ee Puntland ku haysa. Iyada ayaan doonayn inay kamadax banaanadaan dagmooyinka kale ee Puntland iyada ayaa doonaysa inay awoodda inta ay Xamar kasoo qaadato rabta in ay Fiillada Garoowe  ku haysato. Marka suaalo badan oo dhab ahaantii aytahay inaan si dhaba isku weeydiino ayaa inala gudboon in aynu wax iska weydiino.

Waxa jira waxyaabo badan oo gudaha Puntland looga baahan yahay in dib loo eego. Haddii hay’adihii Puntland iyo xukuumadihii kala dambeeyay ay Ku fashilmeen  dhismaha hay’ado xooggan, oo kala madax banaan adeegyo bulsho oo ku filan, islaxisaabtan iyo horumar dhaqaale, markaas waa muhiim in mas’uuliyadda gudaha la aqoonsado, oo gudaha isla xisaabtan iyo kacdoon wax isweeydiin ahi ay ka bilaabmato ’ halkii dhammaan dhibaatooyinka loo aanayn lahaa xiriirka Federaalka.

Sidoo kale, federaalka laftiisa waa in la dhaliilaa marka uu ku guuldarraysto shaqooyinkii loo igmaday oo ay ugu weynayd ilaalinta wadajirka iyo midnimada ummadda, qaybinta awoodda,, amniga iyo adeegyada si caddaalad ah. Dastuurka Federaalka Soomaaliya wuxuu dhigayaa in xiriirka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ku dhisnaadaan iskaashi, wadatashi, qaybsi kheyraad oo caddaalad ah iyo midnimo qaran. Qodobka 54-na wuxuu dhigayaa in awoodaha iyo khayraadka la isla garto lana wada xaajoodo.

Markaa Puntland iyo Xamar labadaba waa in la la xisaabtamaa.

Haddii Puntland ay leedahay cabashooyin siyaasadeed, dhaqaale ama dastuur, waa in la soo bandhigaa, lagana raadiyaa xal siyaasadeed oo cadaalad ah. Laakiin haddii jawaabtu noqoto “Soomaaliya waan ka go’aynaa”, waa in marka hore la caddeeyo waxa go’aankaas lagu gaadhayo iyo waxa uu shacabka Puntland u soo kordhinayo.

Midnimada Soomaaliya

Midnimadu ma aha in Puntland ay awooddeeda iyo xuquuqdeeda ka tanaasusho. Sidoo kale federaalnimadu ma aha in Xamar ay maamul-goboleedyada ugu taliso wax kasta.

Waxa loo baahan yahay waa Soomaaliya federaal ah oo awoodaha la isku raacsan yahay, khayraadka si caddaalad ah loo qaybsado, dowlad-goboleedyadana ay leeyihiin awood dastuuri ah, halka Dowladda Federaalka ay ilaaliso danaha qaranka ee wadajirka ah.

Sidaas darteed, haddii maanta la doonayo in himiladaas laga baxo, ma aha in hal xukuumad ama koox siyaasadeed ay tiraahdo “waan go’aynaa.” Waa in shacabka Puntland oo dhan ay helaan fursad ay ku ogaadaan waxa ay kala dooranayaan: Soomaaliya federaal ah oo dib loo saxo, mise waddo kale oo aan cawaaqibkeeda si buuxda loo hubin.

Ugu dambayn, waxaan qabaa in Puntland ay xaq u leedahay in ay si adag u difaacato danaha dadkeeda, laakiin isla markaana ay tahay in ay si daacad ah u eegto waxa iyada gudaheeda ka qaldan.

Su’aashu ma aha oo keliya “Maxay Soomaaliya inteeda kale Puntland u qaban weyday?”

Su’aashu waa: “Maxay Puntland iyadu awood u lahayd in ay qabato, balse aan weli la qaban?”

Haddii labada su’aalood si daacad ah looga jawaabo, markaas ayaa la heli karaa dood dhab ah oo ku saabsan mustaqbalka Puntland iyo Soomaaliya.

W/Q: Cabdicasiis Maxamuud Ciise (Fiimto)

Exit mobile version