Home Uncategorized Faallo: Isburinta Miisaaniyadda Dowladda Puntland Ma Faham la’aan baa mise Siyaasad Jahwareerin...

Faallo: Isburinta Miisaaniyadda Dowladda Puntland Ma Faham la’aan baa mise Siyaasad Jahwareerin Bulsho.

Saddexdaan sano ee isku xigta, miisaaniyadda Puntland iyo boqolleyda koror ee lagu sheegay warbixin miisaaniyadeedka waa isburinayaan. Khaladaadka muuqda ee ku dhexjira waa kuwa aan la iska indha tiri karin, sababta oo ah waxa ay taabanayaan kalsoonida maaliyadeed iyo daahfurnaanta dowladda.

Xukuumaddu waxa ay sheegtay in miisaaniyadda 2024 ay korodhay 3 boqolkiiba, tan 2025 ay korodhay 18 boqolkiiba, tan 2026 na ay korodhay 16 boqolkiiba. Laakiin marka aad isbarbardhigto warka ay sheegeen iyo tirooyinka rasmiga ah ee la soo bandhigay, xisaabtu isma keenayso. Haddii 2024 ahayd 387.5 milyan doolar, koror 18 boqolkiiba ahi waxa ay ka dhigeysaa miisaaniyadda 2025 ku dhowaad 457 milyan, ee ma aha 466.8 milyan. Haddii 2025 ahayd 466.8 milyan, koror 16 boqolkiiba ahi waxa ay ka dhigi lahayd miisaaniyadda 2026 in ka badan 540 milyan, halka ay iyagu soo bandhigeen 315.7 milyan. Farqiga u dhexeeyaa waa mid aad u weyn oo burinaya xeerka aasaasiga ah ee dajinta miisaaniyadaha.

Dowlad kastaa marka ay sheegto koror miisaaniyadeed, waxaa loola jeedaa in kororka miisaaniyadda cusub laga xisaabiyay wadarta guud ee miisaaniyaddii sanadkii hore la ansixiyay. Qaabkaas oo ah heerka caalamiga ah ee la isku raacsan yahay. Miisaaniyadda Puntland xeerkaas ma raacin sida muuqata, taas oo dhalinaysa laba fasiraad.
Waxaa suurtagal ah in Wasaaradda Maaliyaddu adeegsanayso tirooyin qarsoon (undisclosed baselines) oo aan la shaacin, iskuna dhex milayso miisaaniyadda la ansixiyay (approved figures) iyo tan dib loo eegay (revised figures) ama ay kala wareejinayaan saadaasha (projected) iyo xaqiiqda (actual) iyaga oo aan bulshada lala wadaagin. Ama waxa ay soo bandhigayaan koror boqolley ah oo siyaasad ahaan iyaga u wanaagsan, balse aan ku salaysnayn xaqiiqada rasmiga ah.

Arrintani ma aha khalad farsamo. Waa arrin khusaysa daahfurnaanta miisaaniyadda iyo isla xisaabtanka.
Marka dowladdu sheegato koror dakhliga gudaha ah halka miisaaniyadda guud ay ka muuqato hoos u dhac ama aysan is-waafaqsanayn, waxa ay muujinaysaa in ay jiraan fashil la xiriira is–ku–dubarridka xogta gudaha wasaaradda(internal coordination failures) ama isku dey lagu dhisayo sheeko siyaasadeed oo aan xisaab ahaan saxsanayn.

Miisaaniyad lagu kalsoonaan karo waa mid cad, isku xirnaan leh oo dib loo raaci karo, xisaabteeduna sax tahay. Laakiin tani waa miisaaniyad aan lahayn xog la isku halleyn karo, kana maran daahfurnaan iyo isla xisaabtan, sidoo kalena ay ka muuqato in si weyn loo siyaasadeeyay oo sawir been ah bulshada la tusayo, lagana akhrisan karo faham la’aan ku saabsan qaybaha miisaaniyadda

Waxaa muuqata in Madaxtooyadii ay qorayso in miisaaniyaddu korodhay sanadkaan 16% madaxdii wasaaradduna ay qorayaan in dakhliga gudaha oo qura uu kordhay 16% ee aysan miisaaniyadda ahayn. Waa kala hadal xafiisyadii dowladda dhexdooda ah.

Haddii dowladdu ay rabto in ay sheegto koror, waa in ay muujisaa sida tirooyinkaas loo xisaabiyay. Haddii kale, waxa ay dhaawacaysaa kalsoonida bulshada iyo habka maaliyadeed ee dowladnimada.

W/Q: Abdirahman Abshir
Ka faallooda dhaqaalaha iyo siyaasadda

Exit mobile version