Home English News Fadeexad: Madaxweyne Xasan Sheekh oo sir qaran kashifay, isagoo bannaanka keenay ujeedka...

Fadeexad: Madaxweyne Xasan Sheekh oo sir qaran kashifay, isagoo bannaanka keenay ujeedka qarsoon ee kaarka Aqoonsiga Qaranka!

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dhaleeceyn kala kulmay baraha bulshada kadib markii uu ku baaqay in kooxda hubaysan ee Alshabaab ay qaataan kaarka aqoonsiga qaranka isaga oo xusay in ay yihiin muwaadiniin xaq u leh in ay qaataan kaadhka aqoonsiga.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa xusay in ay jiraan qaar ka mid ah kooxdan oo kaarka ka qaatay magaalada Muqdisho isaga oo soo jeediyey in inta kalena loo ogolaado in ay qaataan oo ay haystaan kaarka aqoonsiga Soomaaliya maaddama oo ay yihiin muwaadiniin xaq u leh.

Arrintaan ay falanqeeyeyaasha amniga ku sheegeen mid khatar gelinaysa farsamooyinka sirdoon ee lagula la dagaallamo argagixisada.Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli dowladda federaalku ay dardargalisay ballaarinta Hay’adda NIRA.

The Daily Somalia ayaa ogaatay in iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan si gaar ah Hay’addaha NIRA Somalia iyo Hay’adda NADRA ee Pakistan uu salka ku hayo khibrad wadaag la xiriira in Dawladda Pakistan ay ka caawiso Soomaaliya sida ay Dawladda Pakistan uga guuleysatay kooxaha xagjirka ah iyadoo la isticmaalayo Aqoonsiga Qaranka.

Dhanka kale Hay’adda sirdoonka Pakistan ee ISI ayaa la rumeysan yahay inay hayso xog aad u faahfaahsan oo ku saabsan Al-Qaacida, iyadoo Al-Shabaab loo arko mid ka mid ah laamihiisa ugu firfircoon. Iskaashigan ayaa ka caawiyey dowladda Soomaaliya in la daba-galo maleeshiyaadka, la aqoonsado shabakadaha, lana kormeero dhaq-dhaqaaqyadooda.

Qaar ka mid ah saraakiisha amniga ayaa nidaamka aqoonsiga u arkayey qalab lagu ogaado xubnaha laga shakiyo ee Al-Shabaab, iyadoo la adeegsanayo khariideynta xogtooda, dhaq-dhaqaaqyadooda iyo xiriirkooda.Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin faahfaahinta buuxda ee iskaashiga ay la leedahay waddamada kale, iyadoo shirweynaha shalay ka furmay ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socda hay’adda NADRA ee Pakistan. Mareykanka, Bangiga Adduunka iyo deeq-bixiyeyaasha kale ee caalamiga ah ayaa taageeray dadaalka Soomaaliya ee casriyeynta nidaamka aqoonsiga muwaadiniinteeda.

Falanqeeyayaal Amni oo ay warbaahinta The Daily Somalia la xiriirtay ayaa nala wadaagay walaaca ay ka qabaan sirtaan Madaxweynaha Qaranku kashifay iyagoo aaminsan in ay ku dhiirri-gelin karto maleeshiyaadka Alshabaab inay ay ka fogaadaan iska diiwaangelinta NIRA, taas oo adkeyn karta howlaha sirdoonka.

Exit mobile version