Itoobiya, tan iyo 2015-kii waxay ku jirtay xiisado siyaasadeed iyo rabshado ciidan; qulqulatooyinka qowmiyaduhuna waxay ahaayeen kuwo xiriirsan oo marba heer joogay. Dagaalladu maalinba weji bay lahaayeen, maantana waxay maraysaa in TPLF iyo jabhado kale oo degaanno kala duwan ka jiray ay samaysteen isbahaysi ulo-badan ah oo ka dhan ah dawladda uu hoggaamiyo Abiy Axmad. Taa oo sawir cad ka bixinaysa sida uu u burburay heshiiskii Nabadda ee Pretoria (2022) oo u dhexeeyay Abiy iyo TPLF.
Toddoba kooxood oo hubaysan iyo kuwo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin TPLF, Fano, ONLF iyo OLA ayaa isla alkumay isbahaysi cusub oo loo bixiyay EPFAS. Waxay ku dhawaaqeen ujeeddo mid ah oo ah inay xukuumadda Abiy Axmed xilka ka tuuraan.
Khubarada falanqaysa arrimaha Itoobiya iyo shabakadaha ka faallooda arrimaha gobolku, waxay tilmaameen in Ereteriya ay doorkan gadaal ka taagan tahay isbahaysigan cusub, iyadoo siinaysa taageero dhaqaale iyo sahay millateri oo ay ulo-badantu ku gaadho yoolkeeda weyn.
Maadaama xoogagga isbahaysigu ay ku fidsan yihiin gobollo kala duwan oo dalka Itoobiya ah, waxay awood u leeyihiin inay isku waqti gobollo kala duwan ka furaan dagaal safmar ah oo daaliya awoodda dawladda. Inkasta oo marar kala duwan la arkay sheegashooyin dhahaya ulo-badantu waxay ku qalabaysan tahay daroon, misana lama xaqiijin karo oo waxaa hubaal ah in la’aantooda awoodda cirku ay ka dhigtay kuwo u nugul weerarrada cirka ee har iyo habeen ku socda.
Guusha ugu weyn ee ay xoogagga mucaaradku ku taamayaan waa in ay isku dhereriyaan laamida dheer ee xiriirisa Maqalle illaa Addis Ababa, balse waxaa hanaqa gooyay duqaymaha daroonta oo ay dawladdu raaxada uga qaadday gulufyadii la soo tubay tubta dheer. Sidaa darteed, waxaa muuqata, dawladda Abiy oo haysata taageerada diblomaasiyadeed ee dawladihii kal hore ku qaybsanaa, oo lagu daray awoodda gaarka ah ee duqeymaha cirka, iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) oo lagu qalabeeyay farsamooyinka casriga ah in ay si fiican u banjarin karto niyadda isbahaysigan harjadaya iyo xulafooyinka taagtadaran ee dabada ka taagan.
Meesha labaad ee ay rabshadaha jabhadahani ku fidi karaan waa jidka isku xira Itoobiya iyo Jabuuti oo ah halbowlaha dhaqaale ee dowladda Itoobiya. Muhiimaddiisa sarreysa ayaa jidkan mar walba ka dhigta mid ay adag tahay in mucaaradku gacanta ku dhigo. Sidaa awgeed, tabarta jabhaduhu waxay kusoo ururaysaa dagaal gorille iyo madax-adayg ay ugu dambaynta iyagu ku wiiqmaan.
Ciidamada TPLF iyo kuwa Fano ayaa qaaday weeraro baahsan oo ay kula wareegeen garoomada diyaaradaha waaweyn ee Maqalle, Aksum, iyo Shire, iyadoo ay joogsadeen dhammaan duulimaadyadii gobolka. Dawladda federaalka ahina markiiba waxay bixisay jawaabo adag, iyada oo adeegsanaysa duqeymo dhanka cirka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu garaacay degaanno kala duwan oo Amxaarada iyo Tigree ku yaal.
Judhii hore, jugta weerarrada qabsashada ahi waxay ka socotay degaanka Tigreega, iyo qaybo ka mid ah gobolka Amxaarada, mar dambe waxaynu aragnay in awoodda ulo-badantu ay si xooggan ugasoo foocantay dhanka Canfarta, kadib markii la arkay hal maalin oo isbahaysigu qabsaday saddex degmo oo Canfarta ka tirsan. Maalintaa warbaahinta badankeed waxay ka dhigaysay in isbahaysiga garbihiisa TPLF iyo Canfartu ay degaannadaa qabsadeen, balse xogaha rasmiga ahi waxay caddeeyeen in garabka Canfarta oo quraata ay dhulkaa qabsadeen. Arrintanina waxay muujinaysaa loollanka mar walba ka aloosan xuduudaha gudaha qowmiyadaha Itoobiya.
Si kasta oo colaaddu ay uga hurayso furimo kala duwan, misana waxaa jirta in Abiy Axmad uu goostay in uu kala dhantaalo isbahaysigan ulo-badanta ah ee gudaha ka abuurmay. Sida ay xogaha qarsooni sheegayaan, Abiy Axmad wuxuu dadaal dheer ugu jiraa sidii uu u midayn lahaa awoodda Oromada, gaar ahaan madaxdoodii hore iyo xubnaha xagjirka ah mucaaradka ah ee isaga diiddan, si uu ugu qanciyo badbaadinta fursadda taariikhiga ah ee qowmiyaddiisu ku heshay hoggaaminta kursigii ay waa ku hamiyi jireen gaaristiisa. Si arrinkani u dhaqaaqo, xoguhu waxay sheegayaan in uu u habarwacday illaa shan ka mid ah madaxwaynayaashii Oromada oo qaarkood dibadjoog ahaa muddooyinkii dambe. Abiy, wuxuu madaxdaa ka dalbaday in ay gudaha soo galaan oo ay wadahadallo wax-ku-ool ah la galaan jabhadaha Oromada, iyo in ay la gorgortamaan oo ay ka keenaan waxa ay u baahan yihiin oo cad. Dhab ahaanshiyaha warkan waxaa la dareemay kolkii la arkay ulo-badanta garabkoodii Oromada oo ka gaabsaday dagaallada socda iyo furimihii ay ahayd in Abiy lagu furo. Sidoo kale, tan iyo maalintii isbahaysigan lagu dhawaaqay waxaan arkaynay in Jawar Maxamad uu dhankiisa ka dhimay culayskii badnaa ee uu muddaba ku hayn jiray xukuumadda Abiy Axmad.
Sidoo kale, Abiy Axmad wuxuu haystaa Imaaraadka Carabta oo ka dhigtay saaxiib weyn oo Geeska Afrika u jooga. Markii uu xukunka yimidba qulqulatooyin dagaal baa ku furmay, dabadeed sarrifka suuqa madow ayaa cirka isku shareeray, maadaamaa dhaqaalihii dowladdu uu furimaha aadayo. Kadib Imaaraadku waxay Abiy siiyeen xirmo dhaqaale oo dhan 3 bilyan oo doollar (oo ay ku jirtay 1 bilyan oo si toos ah loogu shubay Bangiga Dhexe ee Itoobiya si loo xakameeyo dhibaatada sarrifka suuqa madow), halka 2-da bilyan ee kale ay aadday mashaariic waaweyn oo ka hirgalay degaanno kala duwan: sida mashaariicda tamarta qorraxda oo ay shirkadda Masdar ka hirgelisay Addis Ababa, degaanka Oromiya iyo kan Amxaarada; mashruuca jidka ganacsiga iyo sahayda saadka ee Waddada Berbera–Addis Ababa iyo dekedda qallalan ee Modjo oo ay maamusho shirkaddooda DP World; maalgashiga beero waaweyn oo ku yaalla degaannada Gambeellaha, Oromiya iyo Benishaangul-Gumuz; iyo dib-u-habaynta muuqaalka iyo goobaha dalxiiska ee magaalada Addis Ababa sida Unity Park, Friendship Park, iyo Entoto Park.
Intaa oo keliya ma ahan ee Imaaraadku waxay si kalfuran Abiy dowladdiisa ugu qalabeeyeen diyaaradaha iswada ee duqeymaha cirka geysta, kuwaa oo sabab u ahaa guushii uu ka gaaray dagaalkii TPLF ee 2021-kii, oo ahaa fagaare uu ku waayay garabka dowlado badan oo Itoobiya ku saf ahaa. Guulaha waaweyn ee uu gaaray iyo garabka adag ee ay Imaaraadku u yihiin ayaa u horseeday in maanta ay xukuumaddiisu haysato garbihii diblomaasiyadda oo idil. Haddii shalay Maraykan ku saf ahaa TPLF, maanta waxaynu aragnaa in safiirka Maraykanku uu si cad ganafka ugu dhuftay hawlgalka isbahaysiga ulo-badan. Taa oo Abiy u saamaxaysa in uu si xarrago leh u muujiyo in isagu uu dowladnimo horumarsan u rabo dadkiisa, isbahaysiga ulo-badanna ay keliya xabbad iyo colaad wadaaminayaan oo aysan ku socon raad lagu gaari karo dhabbo dowladnimo.
Dhinaca kale, safarkii uu Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed bishan Sebteembar ku tagay Jabuuti, wuxuu salka ku hayey dhagax-dhigga mashruuca dhuumaha shidaalka ka qaadaya Jabuuti kadibna geynaya Itoobiya, oo ay ku baxayso lacag dhan $660 milyan oo doollar. Mashruucan oo dhulka dhex-maraya ayaa xulaya masaafo dhan 120 km, waxaana wadajir u fulinaya dowladda Itoobiya (iyada oo loo marayo Ethiopian Investment Holdings) iyo shirkadda Dangote Group ee uu leeyahay bilyaneerka reer Nayjeeriya ee Aliko Dangote. Ujeeddada ugu weyn ee Abiy safarkaa u galay ayaa ah in Itoobiya ay si jaban oo ammaan ah ku hesho sahayda shidaalka ee laga soo dhoofiyo dekedda Jabuuti, in la baabi’iyo kharashkii qaaliga ahaa ee ku bixi jiray kumanaanka booyadood ee shidaalka ku safrin jiray jidka dhulka ah, iyo in la sii adkeeyo isbahaysiga dhaqaale iyo midka amni ee marinnada xiriiriya labada dowladood. Balse waxaa kale oo safarka ku qarsoonaa in Abiy Axmad uu Geelle kala hadlay sidii loo kala goyn lahaa xiriirka gargaar ee ka dhexeeya Canfarta ku filiqsan saddexda dal, gaar ahaan sidii Canfarta Itoobiya looga ilaalin lahaa gurmad uga yimaada dhanka kuwa Jabuuti.
Ugu dambayn, Abiy Axmad, wuxuu isu diyaarinayaa in uu si qumman ugu saldhigto dawladnimo uu qolfoofteeda isagu rakibtay, mucaaradkiisuna waxay yaqiinsadeen in aanan keli keli lagu wajihi karin boqorkan koraya, sidaa awgeed bay u tunteen ulo badan oo ay mar quraata ku garaacaan; laakiin, xirfaddiisa ciidan oo sarraysa, taageerada aanan go’in ee uu helayo, iyo hal-abuurkiisa siyaasadeed oo ka baaluqsan habfakarka kuwa diiddan darteed, waa suurtagal in uu la noolaado gufaacooyinka mucaaradka, balse waa ay adag tahay in uu si fudud ku liico ama in hannaankiisu uu shafka dhulka ku dhufsado.
W/Q: Barkhad Abdulkadir
Falanqeeye Arrimaha Siyaasadda Aftika iyo Bariga Dhexe,
