Gunta ama jirida hoose ee ay kasoo farmacmaan caqbadaha aynu aragno ee Puntland waa horuweynta siyaasada oo si caam ah u fashilmay iyo wacyiga bulshada oo aad u hooseeya. Puntland waxaa ka jira caqabado tiro badan oo isbiirsaday kuwaas oo si toos ah u saameeyey nidaamka dowliga ah iyo horumarka bulshada. Caqabadahaas waxaa ka mid ah: hubka xad-dhaafka ah ee gacmaha beelaha ku jira ama hada iyo kow sii galaya, khilaafka mala awaalka ah ee isimada, furfurka bulshada ku socda, wacyiga hooseeya ee bulshada oo aad hoos ugu dhacay, shaqo la’aanta, iswaaga horuweynta (elite-ka), musuqmaasuqa iyo eexda, cadaalad darada baahsan, iyo nuglaanshaha hay’adaha dowliga ah. Dhammaan caqabadahani waa kuwo si cad inooku muuqda oo isku xiran oo isna xoojiya; asalka ama jirida ay ka farcamayaanse, waxaa macquul ah in ay in badan bulshada ka qarsoon yihiin. Anigu, shakhsi ahaan waxaan qabaa in ay kasoo farcamaan, Horuweynta siyaasada oo fashilantay iyo bulshadii oo iswaa mu dhacay.
Aan ku horeeyo, Elite-ka siyaasadeed ee Puntland oo aan sadex kooxood u kala qaadayo.
- Kooxda koowaad; waa Madaxweynayaashii u kala danbeeyey jagada sare ee PL oo noqday kuwo aan aragti xanbaarsanayn. Waxaa ay noqdeen hogaamiyayaal kaliya ka fakara danahooda siyaasiga ah iyo kuwooda dhaqaale, hogaamiyayaal ku suntan eex, qaraabo kiil iyo musuq baahsan. Waxaa ay kusoo baxeen oo yeesheen dabeecadaha, hogaamiyayaal aan isku kalsoonayn, taas, waxaa laga fahmi karaa sida ay isagu hareereeyaan dad guulwadayaal u ah oo aan runta u sheegi karin, miiskana u saari karin waaqaca bulshadu la nooshahay, taas oo ku keentay in go’aamadoodu ka fogaadaan xaqiiqada dhulka ka jidha. Xulashooyinkooda aadka u liita, waxaa ay PL ugu kacday qiime sare, maadaama oo habdhaqankooda sugnaansho iyo kalsooni la’aanta ah uu hogaankii umada ka fogeeyey, jiilal aqoon ahaan iyo karti ahaanba u diyaarsanaa, taas oo abuurtay hoos u dhac weyn oo dhanka siyaasiyiinta khibrada leh marka PL loo eego dhulka kale ee Soomaalida. Adigu, raga fursad sare helay, hab hogaamintooda aan kalsoonida lahayn, waxaa lagu sifeyn karaa wixii uu caalimkii siyaasada ee Niccolo Machiavelli ugu yeeray “The Trap of Flattery”. Nidaamka hada jooga ayaa ugu sii fog dhankaan aynu ka hadlayno.
- Kooxda labaad waa koox is huwan oo siyaasada iyo nidaamka dowliga ah u aragta macaash ama baayacmushtar ribix laga raadiyo. Dhowr goor oo ay siyaabo kala duwan u heleen fursado ay nolosha dadka wax kaga badeli kareen, waxba ma ayan kordhin, kaliya, waxaa ay ku mashquuleen hanti la tabco. Kooxahaan, siyaasad ahaan, waa kooxo galaangal badan oo sifo ay u gaaraan yoolkooda, aan maalin qura ka nasan shaqada ay tahay in ay qabsadaan si ay u xaqiiniyaan yoolkaas. Ma lahan aragti dowladnimo nooc ay tahayba, kaliya waxaa ay sancayn yaqaaniin oo ku xeeldheeryihiin, ka faa’iidaysiga cadiifadaha bulsho, sida tan qabiilka oo ah kaar ay ku dhuuntaan oo ku ugaar tagaan. Waayadan danbe, iyaga oo abaabulan oo isku xiran ayey saldhigteen Xamar oo Xasan oo xilkii ka dhamaaday ayey kala shaqayeen, dastuurkii baadilka ahaa, burburinta nidaamka Federaalka, maleeshiyaadkii aan nidaamiga ahayn ee uu PL ka qornayey, furfurka bulshada PL, kala goynta PL iyo doorashada Xasan isku tolayo. Intaas oo dhan, waxaa ay u falayaan, waa helida macaash dhaqaale iyo kursi yar oo aan macno sii ridan lahayn. Waxaa ka mid ah, PSF, Aaranjaan, PDG iyo kuwo maalmahan Bosaso ka qaylinayey. Waa jirid xididaystay oo u baahan in la xidido siibo, sifo caqbadaha kale ee PL xal loogu helo.
- Kooxda saddexaad waa dad aqoon iyo niyad wanaag leh oo jecel horumarka Puntland, balse aan lahayn dhiiranaan siyaasadeed oo ay si firfircoon ugaga qeyb qaataan tartanka iyo loolanka awooda. Inkasta oo ay leeyihiin karti, mabda’a iyo faham siyaasi ah, hadana ka fogaanshaha masraxa siyaasadda ayaa ka dhigaya kuwo aan saameyn weyn ku yeelan jihada PL u socota iyo nolosha dadkooda. Waa ikhyaar, wanaag la jecel PL, aan hubo in ay hogaamin ka wanaagsan tan labadaas kooxood la imaan lahaayeen, laakiin dhibkood waa in aysan si dhab oo ka go’anaansho leh kursiga sare u raadinayn. Adigu, waxaa ay ku sifaysan yihiin, gentle leaders kii uu sheegay caalim Machavelli. Ma rabaan in kolka kursiga la doonayo, in ay “Beast”mode ku raadiyaan, mar kasta waa iska ” Nice Man”. Halkaasna, waxaa umada kaga luma fursad ay kaga soo kaban kari lahaayeen, hogaan xumada ku habstay. Ikhyaartaas, waxaan ka xusi karaa, Proff. Abdirisaq Osman Jurrile, Ali Hajji Warsame, Abdulahi Ahmed Jama (Ilkojiir), Farah Ali Shire, Abshir Huruuse, Bashiir Amaan, Dr. Abdiqadir Hashi, Abdi Farah Juxa oyo ikhyaarta kale ee anan wada xusi karin hada laakiin dhamaantood wada ah hogaan u qalmay in PL ay mar figta sare ka hagaan. Sidaas ayey kooxdaasina, qeyb uga noqonayaan, jirida iyo gunta hoos ee ay kasoo farcamayaan caqbadaha PL ragaadshay.
- Wacyiga bulshada oo hooseeya. Bulshada Puntland guud ahaan waa bulsho xariir ah oo gob ah oo nidaam jecel oo ixtiraama sharciga, balse wacyi ahaan aad ayaa aad hoos ugu dhaceen. Elite-ku siyaasiga ah ayaa si joogto ah u adeegsada, waa ay kala qaybiyaan oo xaafad xaafad ayey tuhun u kala dhex dhigaan. Waxaa muxaafid iyo mucaaridba ay u samaysteen, kuwo afxun oo aan qiyam lahayn oo ay u maalgeliyaan, kaliya in ay bulshada ugu kala qeybiyaan, tuulo tuulo, si ay u helaan gabaad ay ka galaan, eedahooda maamul xumo iyo waxqabad la’aan. Xitaa dhacdooyin caadi ah baa loo buunbuuniyaa sifo looga jeediyo howlaha muhiimadaha leh, tusaale, wiilal Soomaali ah oo iska lugaynaya oo iyagu qorshahooda wata, ayaa looga dhigay, howl muhiim ah, ilaa tuulo waliba qorxda isu dhoobtay, si ay usoo dhoweeyaan, waa tusaale, yar oo ku tusaya heerka wacyiga bulshada la gaarsiiyey. Kee muhiimad u leh ama ay ahayd in ay u yeelato, ma in ay dowlada warsadaan, wax ay ugu qabteen canshuurtoodu mise in qorxda isu tumaan soo dhoweynta dhalinyaro, bogagooda SM u rabay saxiibo ku xirma. Natiijada taban ee ka dhalatay, hooseynta wacyiga bulsho, waa badan tahay, waxaase, u mudan, madaxda oo ay u noqotay gabaad qabyaaladeed oo ay ku dhuuntaan, isla xisaabtanka oo meesha ka baxay, iyada oo la caadiyeeyay aragti liidata oo la dhaho “Boowe shan sano buu sharciyad haystaa” oo u dhigan yaan ju’ loo oran hogaamiyaha xilka haya. Waciygaas liita ee bulshaduna, waxaa uu nqoday, jirid kale oo ay kasoo farcanto caqbadaha PL la daalaa dhacayso.
Gunaanad
Caqbadaha guud ahaan, lama xalin karo, hadii aanan si toos ah loo abaarin, halka ay kasoo askumayaan. Waxaan qabaa in loo baahan yahay, in nidaamka dowliga ah lala dabo istaago, xisaabin joogto ah, in kooxda bilaa mabda’a ah laga shaqeeyo sidii loo xidido siibi lahaa, in kooxda sadexaad lagu dhiirgeliyo in ay kor soo maraan oo si dhiiran oo geesinimo leh ugu qumaan, u istaagida hogaaminta PL, sifo niyad wanaagood loo tijaabiyo sidoo kalena, aqoonta iyi khibradooda looga faaiidaysto. Ugu danbayna, in kor loo qaado, wacyiga bulshada oo lagu jiheeyo in ay gutaan waajibkooda muwaadinimo sidoo kalena, ay u istaagaan helida xaqooda dastuuriga ah ee ogaanshaha meesha habtidood la geliyo, macanaha, in ay dowladdan la xisaabtamaan oo muujiyaan in aysan raali ka ahayn sida hada hogaanka dowladdu wax u wado.
Kacdoon Bulsno oo xoogan waa lama huraan.
W/Q: Idiris Mohamud Sh. Hamud
