Todobo dal oo deris la ah ama ku dhow Soomaliya, kuwaas oo kala ah: Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, DRC & South Sudan, ku biiristooda waxaynu ka faa’iidaynaa:
• Maalgashi xor ah.
• Ganacsi Xor ah.
• Isu socod xor ah.
• Shaqo helid badan.
• Daryeel caafimaad oo aan laga helin Somalia.
• Qaxootiga Somalida oo dalalkaas hadda jooga waxaa is bedelidoona “status” kooda.
• Waxaa aad kor ugu kacaya lacagta Soomaaliya loo soo diro (Remittances), waayo macaash badan bay Soomaalidu ka helidoontaa ka ganacsiga dalalka EAC.
• Waxaa kor u kacaya miisaanka Diblomaasiyadda Somalia ee Caalamka.
• Waxaa kor u kacaya maalgashiga Somalia gudaheeda.
• Waxaa aad kor ugu kacaya ardada wax ka barata Jaamacadaha dalalka EAC.
• Waxaa kor u kacaya amniga Somalia oo ka dhalanaya is-weydaarsiga xogta iyo isu hiilinta dalalka EAC.
• Waxaa shacabkeenu dareemi doonaan Faa’iidooyin hadda ka dhashay qaadista xayiraadaha xuduudaha sida shucuubta North America iyo Midowga Europe.
Isku soo duub; go’aankani waa taariikhi, waa Masiiri, waana dhaxal lagu xusuusan doono Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamud.
Dahir Mire Jibreel Ph.D.