Tuesday, March 18, 2025
HomeEditorial๐Š๐ฎ ๐ญ๐š๐ค๐ซ๐ข๐Ÿ๐š๐ฅ ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐š๐ง๐ญ๐ข ๐ช๐š๐ซ๐š๐ง!

๐Š๐ฎ ๐ญ๐š๐ค๐ซ๐ข๐Ÿ๐š๐ฅ ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐š๐ง๐ญ๐ข ๐ช๐š๐ซ๐š๐ง!

Iyadoo weli kalfadhigii 2aad ee Barlamaanku aanu furmin, xildhibaanadu badi fasax iyo jiida hore ee dagaalka kooxaha nabad-diidka ku kala maqan yihiin, abaaro kululna dalka ay ka jiraan, dhowaanna xukuumadda #DanQaran ay ku dhawaaqdey in 20% gunnada Golaha Wasiiradda iyo 5% mushaaraadka dhammaan shaqaalaha rayidka ee joogtada ah iyo kuwa aan joogtada aheynba laga jaraayo muddo 3 bilood ah si loo dardergaliyo howlaha dib u xoreynta dalka, 29ka bishan October, 2022, magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo argagaxiso oo sababay khasaare naf, maal iy hantiba leh, ayaa waxaa nasiib daro aad u weyn ah in Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya uu diyaarsadey qorshe u gaar ah oo ku takrifal maaliyadeed ah, taasoo la rabo in lagu lunsado lacagta Guddiyada kale duwan ee Golaha Shacabka loogu talo-galey in ay ku shaqeeyaan oo bishii dhan $42,000.00 (Afartan iyo laba kun oo Doolar).

Guddoonka Barlamaanka waxa uu Wasaaradda Maaliyadda ka dalbadey toddobo bil (7 months) lacagtii Guddiyada Golaha Barlamaanka (laga soo bilaabo Janaayo 2022 ilaa July 2022) oo qiyaastii dhan $300,000.

Guddoonka oo daboolaya ku takhrifalkan maaliyadeed wuxuu sumad uga dhigey in uu jiro shir ay yeelanayaan labo guddi oo ka tirsan dhowr iyo todobka guddi ee Golaha shacabka ah oo kala ah (Guddiga Joogtada & Guddiga Xeer-Hoosaadka), shirkooduna ka dhici doono mid ka mid ah caasimadaha Dowlad-goboleedyada (Garowe, Puntland).

Waxaa xusid mudan, haddii Guddiyada Golaha Shacabku shirayaan waxay weligoodba kulmadooda ku qabsan jireen Gudaha Xarunta Villa Hargeisa, oo kharashka ku baxa aanu ka badnayn $50 (Konton Dollar) oo shaah, kafee iyo biyo oo ah maalinta ay shiraan.

Sidaas darteed, ma ahan sabab macquul ah ama wax la akhbali karo in diyaaraddo & hoteelo loo kireysto, maalmo loo fadhiyo iyadoo lagu shiri karo xaruntooda Villa Hargeysa, kharashkaasna haddii guddiyada laga wareejinaayo loogu deeqi karo gurmadka iyo taakhuleynta waxyeeladii Zoobe 2.

Sidoo kale, haddii Guddiyaddu Golaha shirayaan waxa dhaqanku yahay (Good Practice) in marka hore kalfadhiga labaad ay guddiyaddu dhexdooda is bartaan maadaama maalintii kalfadhiga 1aad la xirayey (25kii August) la dhamaysitrey dhismaha guddiyada oo xitaa wali xildhibaanada isku guddi ah aanay is aqoon sababtoo ah waa la kala fasax tagay.

Ma jirto baahi sharci ah oo ay hadda shirar u qabsadaan inta Golahu xiran yahay; iskaba dhaafe in ay Goboladda ku qabsadaan si magacooda lacagtan loogu been xalaaleysto.- #Guddiga_Joogtada wax ay soo qabanayaan ma jirto sababtoo ah Shuruucdii Ajendaha loo sameyn lahaa wali waxay la jirtaa R/Wasaaraha.

Sida dhaqanku yahay waxuu R/Wasaaruhu soo gudbiyaa kalfadhiga labaad markuu furmo ee shaqa Goluhu bilaabmo.

Marka la soo gudbiyo Guddiga hal maalin ayuu Villa Hargeisa u fariistaa uu kala hormariyaa.- #Guddiga_Xeerhoosaadka waxy qabanayaan ma jirto sababtoo ah marka laba kalfadhi Xeerhoosaadkii jirey lagu shaqeeyo ayaa haday ciladi soo baxdo dhawr qodob laga badalaa.

Mar haddii aan wali kalfadhigii labaad ee shaqadu bilaabmaysey la guda galin waa sheeko qayra sharci waxa Guddiga loo geeyo Puntland.

Xataa marka dib loo eegayo Xeerhoosaadka waxaa lagu dhex shaqeeyaa Villa Hargeisa sababtoo ah wax badan uma baahna.Haddaba, waxaan xildhibaanada Guddiyada kala duwan ee Golaha Shacabka iyo guud ahaan Dowladda rabaa in aan la wadaago in arrintaan ay ku baraarugaan, isla markaasna gutaan waajibkooda qaran lana yimaadaan isla xisaabtan dhab ah.

Ugu dambeyntii, waxaana Madaxweynaha JFS, R/Wasaaraha XFS iyo Hantidhawraha Guud ee Qaranka ka codsanaynaa in ay joojiyaan ku takhrifalkaan maaliyadeed ee qaawan sida ugu dhaqsiyaha badan, si wadajir ahna looga hortago boobka hantida qaranka.

W/Qoray: Xildhibaan Saadiq Cabdullaahi Cabdi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments