Caddayn Kooban: Kiisaska Khilaafka Nasabka iyo Meesha DNA-du ka Gasho
(Kiiska taagan si toos ah ugama hadlayo, mana aha go’aan laga gaaray dadka kiiska ku jira.)
Maalmahan waxaan arkayay dad badan oo ku doodaya: “Maxaa la isku waalayaa? Maxaa DNA loo dalban la’yahay?”— Kiiska Gaalkacyo ka taagan ee Wiilka ay isku haystaan labada qoys.
Si arrintan loo fahmo, waxaa muhiim ah in la ogaado in kiisaska khilaafka nasabku aanay dhammaantood isku mid ahayn. Xukunka fiqhigu wuxuu ku xiran yahay xaaladda guurka, waqtiga uurku suuragal noqday, iyo caddaymaha jira. DNA-du waxay wax ka tari kartaa xaqiijinta aabbaha bayoolojiyeed, laakiin ma aha in kiis kasta oo nasab lagu murmo si toos ah DNA loogu xukumo.
Guud ahaan, waxaa jira laba xaaladood oo waaweyn oo doodaha noocan ahi ku wareegaan.
1. Xaaladda koowaad: Waladul-firaash (الولد للفراش)
Tani waa xaaladda uu ilmuhu ku dhasho guur sharci ahaan nasabkiisa u sugaya ninka, iyadoo la buuxiyey shuruudaha fiqhiga ee ilmaha loogu nisbayn karo ninkaas.
Nabigu ﷺ wuxuu yiri:
«الْوَلَدُ لِلْفِرَاشِ، وَلِلْعَاهِرِ الْحَجَرُ»
Macnaha: “Ilmuhu wuxuu raacayaa firaashka guurka, sinaystahana wax xuquuq nasab ah kuma laha sheegashadiisa.”
Waxaa wariyey al-Bukhaari (6818) iyo Muslim (1458). https://dorar.net/h/UxMY8sLu
Sidaas darteed, haddii haweeney guur sax ah ku jirto, ilmuhuna buuxiyo shuruudaha nasabka, waxaa jira xukun sharci ah oo ilmuhu ugu raacayo ninka guurka leh. Xukunkani kuma xirna oo keliya in ninku qirto ilmaha ama uu diido; haddii uu nasabka diidayo, waxaa jira habraac gaar ah oo fiqhi ah oo ay ka mid tahay li’aan (اللعان), marka shuruudihiisu jiraan.
Haddii nin kale uu ilmaha sheegto, isagoo ku andacoonaya inuu xiriir galmo la yeeshay haweeneyda, sheegashadiisa keliya laguma burin karo nasabka sharci ahaan u sugnaa ninka guurka leh. Waxaa taas saldhig u ah xadiiska kor ku xusan.
Halkan waxaa kale oo muhiim ah in la kala saaro laba arrimood: xukunka zinada iyo xukunka nasabka. Labadoodu waa laba mas’alo oo kala duwan. Sidoo kale, haddii ilmo aan nasab ahaan loogu nisbayn ninka falka galmada sameeyey, waxaa jira axkaam kale oo ku saabsan aabbanimada, dhaxalka iyo xiriirka qaraabonimo oo u baahan faahfaahin gaar ah.
2. Xaaladda labaad: Khilaaf ku saabsan laba guur
Xaaladdani way ka duwan tahay tii hore. Waxaa dhacaya in laba nin mid kastaa sheegto inuu haweeneyda guursaday, ama ay muran ka galaan guurkii hore, furniinkiisii iyo guurka dambe.
Markaas waxaa loo baahan yahay in la baaro:
- Guurkee ayaa markii hore dhacay?
- Guurkii hore ma dhammaaday, furniinkuna ma dhacay si sharci ah?
- Haweeneydu ma dhammaysatay ciddadii loo baahnaa ka hor guurka dambe?
- Ninka labaad ma ogaa inay haweeneydu weli guur ku jirto ama ay ciddadii ku jirto?
- Goorma ayay galmo suuragal ahi dhacday, goormase ilmuhu dhashay?
Laba guur oo is khilaafsan laguma xallin karo sheegasho keliya; waa in la caddeeyo xaaladda sharci ee mid kasta.
Haddii guurka labaad si ogaal ah loogu galay guurkii hore ama ciddadii aan dhammaan
Haddii la caddeeyo in ninka labaad uu ogaa in haweeneydu weli xaas tahay, ama ay ciddadii ku jirtay, arrintu waxay yeelanaysaa xukun ka duwan guur uu qofku u galay isagoo aan ogayn xaaladda dhabta ah.
Haddii guurkii hore weli sharci ahaan nasab u sugayo, xeerka waladul-firaash ayaa muhiim noqonaya. Hase yeeshee, waa in marka hore la caddeeyo guurka saxda ah, xaaladda ciddada iyo suurtagalnimada in ilmuhu ninkaasi ka dhasho.
Haddii ninka labaad uusan ogayn xaaladda guurka
Halkan waxaa soo geli karta mas’alada وطء بالشبهة (galmo shubho ku dhacday), taas oo ah galmo uu qofku u galay isagoo haysta shubho sharci ama khalad macquul ah oo ku saabsan xalaalnimada xiriirka.
Madhabka Shaaficiga ahi wuxuu xaaladahan ku eegaa duruufaha gaarka ah, waqtiga galmada, muddada uurka iyo suurtagalnimada in ilmuhu mid kasta ka dhasho. Sidaas darteed, ma aha in si guud loo yiraahdo ilmaha waxaa iska leh ninkii guursaday markii hore ama kii dambe; waa in faahfaahinta la hubiyaa.
Tusaale ahaan, haddii labada ninba ay jireen waqtiyo uurku suuragal ka ahaa, taariikhaha guurka, galmada, furniinka iyo dhalashada ilmaha ayaa muhiim noqonaya. Muddada ugu yar ee uurka ee fiqhiga Shaaficiga ahi aqoonsan yahay waa lix bilood, iyadoo laga xisaabinayo waqtiga ay suurtagal noqotay galmada guurka. Laakiin xisaabtan keliya laguma go’aamin karo kiis kasta iyadoo aan la hubin dhammaan duruufaha.
3. Haddii nasabku muran galo, maxaa la samaynayaa?
Madhabka Shaaficiga ahi wuxuu aqoonsan yahay habka qaafiyada (القافة), oo ah qof khibrad u leh aqoonsiga xiriirka nasabka iyadoo la eegayo astaamaha jidheed iyo isu ekaanshaha.
Imaam al-Nawawi wuxuu Rawdat al-Taalibiin kaga hadlay xaaladaha ay laba qof ilmaha sheeganayaan iyo sida qaafiyada loogu noqon karo marka shuruudahaasi jiraan. https://www.islamweb.net/ar/library/content/95/2226/
Sidaas darteed, haddii labada ninba ay leeyihiin sheegasho nasab oo fiqhi ahaan suuragal ah, ayna jiraan xaalado qaafiyada loo noqon karo, qaafiyadu waxay ka mid noqon kartaa hababka lagu kala saarayo.
DNA-du halkaas ayay ka geli kartaa doodda casriga ah. Waxaa jira culimo iyo hay’ado fiqhi oo baaritaanka DNA-da u arka caddayn cilmiyeed oo la barbar dhigi karo qaafiyada, marka ay jiraan shuruudaha ku habboon. Hase yeeshee, tani macnaheedu ma aha in DNA-du si toos ah u baabi’in karto nasab sharci ahaan hore u sugnaa ama ay beddeli karto habraacyada gaarka ah ee shareecadu u dejisay kiisaska qaarkood. https://islamqa.org/shafii/darul-iftaa-jordan/227729/
4. Haddaba, maxay doodda labada nin ku taagan tahay?
Haddii aan tusaale ahaan u bixino labada nin Yuusuf iyo Cali, dooddu waxay noqon kartaa sidan:
Yuusuf wuxuu leeyahay: “Anigaa ahaa ninkii hore ee guurka saxda ah lahaa. Ninka labaad ayaa xiriir aan sharci ahayn la yeeshay haweeneydayda. Sidaas darteed, ilmuhu wuxuu raacayaa xeerka waladul-firaash.”
Cali, oo ah ninka labaad, wuxuu leeyahay: “Anigaa ahaa ninkii guursaday, ama guurkii hore ayaa dhammaaday. Yuusuf wuxuu guursaday haweeneyda iyadoo ciddadii aanay dhammaan, ama waxaa jiray xaalad aanan ka warqabin. Sidaas darteed, waa in la baaro taariikhaha iyo suurtagalnimada nasabka, waxaana laga yaabaa in la gaaro marxalad DNA loo baahdo.”
Labadaas sheegasho midkoodna keligiis ma caddaynayo xaqiiqda. Waxaa loo baahan yahay in la baaro dukumentiyada guurka iyo furniinka, ciddada, taariikhaha galmada iyo dhalashada, iyo dhammaan caddaymaha kale ee khuseeya.
Gunaanad
Su’aasha ah “Maxaa DNA loo dalban la’yahay?” jawaabteedu ma aha in DNA-du aanay qiimo lahayn, mana aha in mar kasta la dalbado. Marka hore waa in la ogaadaa nooca khilaafka, nasabku inuu hore u sugnaa iyo in kale, iyo habka caddayneed ee fiqhigu u oggol yahay xaaladdaas.
Haddii xaaladdu tahay mid nasabku hore ugu sugnaa ninka guurka leh, DNA-du si toos ah ugama gudbi karto xeerka waladul-firaash. Haddii se ay jirto xaalad dhab ah oo laba ninba nasabku uga suuragal yahay, shuruudaha qaafiyada iyo caddaymaha kale la buuxiyey, DNA-du waxay yeelan kartaa kaalinteeda iyadoo la raacayo aragtida fiqhi ee la qaato.
Ugu dambayn, sababaha shareecadu guurka iyo shuruudihiisa u adkaysay waxaa ka mid ah ilaalinta nasabka, xuquuqda ilmaha iyo kala caddaynta xiriirka qoyska. Sidaas darteed, arrimahan waa in lagu wajaho aqoon, caddaalad iyo taxaddar, ee aan lagu degdegin xukun ama eedayn.
Runta Alle ayaa og. Alle ha waafajiyo culimada iyo dadka ku hawlan kiisaska adag xaqa, hana dhowro xuquuqda ilmaha iyo dhammaan dadka ay arrintani khusayso.