Dastuurku waa heshiis bulsho oo u baahan ka qaybgal loo dhan yahay, kuma sii jiro dastuur dal burbur kasoo kabanaya oo u baahan heshiis siyaasadeed iyo hannaan loo dhan yahay; waana mabda’a uu ku dhisan yahay dastuurka KMG-ka ah ee dalku leeyahay, waxaana qeexaya qodobada (132, 134, 137, iyo 142) kuwaas oo qeexaya in tubta kaliya ee wax looga beddeli karo dastuurka ay tahay in loo maro wadaxaajood dhab ah iyo is-qancin dhex marta dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada, iyo qaybaha bulshada. Haddaba, waxaan halkaan kusoo gudbinayaa faham kooban oo ay tahay inaynu ka ogaanno jidka qardo jeexa ah ee kooxda Xasan Sheekh usoo martay wax-kabeddelka halka dhinac ah ee lagu sameeyay Dastuurka KMG-ka ah, qoraalkayguna wuxuu xoogga saari doonaa xusuusin ama dib-u-eegis kooban oo ku saabsan hannaankii (Process)-kii loo soomaray, wax-kabeddelka halka dhinac ah.
𝘼𝙧𝙧𝙞𝙢𝙖𝙝𝙖 𝙨𝙞𝙮𝙖𝙖𝙨𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙡𝙖 𝙞𝙨𝙠𝙪-𝙢𝙖𝙧𝙞 𝙡𝙖’𝙮𝙖𝙝𝙖𝙮 𝙖𝙝 (𝘾𝙤𝙣𝙩𝙚𝙣𝙩𝙞𝙤𝙪𝙨 𝙄𝙨𝙨𝙪𝙚𝙨) 𝙤𝙤 𝘿𝙖𝙨𝙩𝙪𝙪𝙧𝙠𝙪 𝙆𝙈𝙂-𝙠𝙖 𝙪 𝙮𝙖𝙝𝙖𝙮
Tan iyo 2012-kii, kadib markii la ansixiyay dastuurka KMG-ka ah, waxaa taagnaa doodo la isku hayey oo dib loogu dhigay in Soomaalidu heshiis siyaasadeed ka gasho, kuwaas oo ka maarmi waayay heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay (Political Consensus). Waxayna kala yihiin: Wadaagga iyo Astaynta Awoodaha (Power Sharing), wadaagga Khayraadka (Resource Sharing), Nidaamka Maaliyadda (Fiscal Federalism), naqshadda Amniga iyo Ciidanka, Hannaanka Garsoorka, Astaynta Awoodaha heerarka Dawladda, Su’aasha Somaliland iyo Maqaamka Caasimadda. Waana sababta dastuurka KMG-ka ah ee 2012-kii uu u noqday “Kumeel-gaar”, maadaama 9-kaas qodob laga gaari waayay heshiis siyaasadeed.
𝑯𝒆𝒔𝒉𝒊𝒊𝒔𝒚𝒂𝒅𝒊𝒊 𝑵𝑪𝑪-𝒅𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝒉𝒂𝒍𝒌𝒂 𝒂𝒚 𝒌𝒂 𝒔𝒉𝒊𝒅𝒂𝒂𝒍 𝒒𝒂𝒂𝒅𝒂𝒏𝒂𝒚𝒆𝒆𝒏
Haddaba, Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Damul-jadiid oo diidmo soo jireen ah ka qaba nidaamka federaalka ee lagu soo dhisay Mbagathi, dastuurkeedana lagu dejiyay wadaxaajoodyadii Garoowe 2012-kii kuwaas oo ka duulaya falsafaddii Gaetano Mosca oo ay geed-fadhi ugu yihiin Sanbaloolshe iyo Fiqi, taasoo ah (The strong set the state, law and rule – Kuwa adkaaday ay yihiin kuwa u yeeriya sharciga iyo nidaamka dawladnimo inta kale) ayaa isagoo ka qoomameynaya 4-tii sano ee hore ee uu xukunka joogay inuu dhaqaajin waayay doodaha (Contentious issues), wuxuu dib-u-doorashadiisii 15-kii May 2022 la yimid gorgortan siyaasadeed (Political Bargaining) ku dhisnaa inuu isagu keensado heshiis siyaasadeedyada, madaxda dawlad goboleedyaduna helaan muddo kordhin aan xad laheyn, taasoo ay ogolaadeen hoggaamiyayaashii Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland, taasina ay keentay ka bixitaankii Puntland ee fadhiyadii NCC-da oo ku dhisnaa wada-oggol ay marag u aheyd in hannaanku uusan ahayn mid loo dhan yahay. Bilihii December (2022), April (2023) iyo May (2023) waxay wada gaareen Madaxweyne Xasan iyo hoggaamiyayaashii 4-taasndawlad goboleed heshiisyadii NCC-da ee uu Xasan Sheekh gundhigga uga dhigtay farataysiga dastuurka, halkaasna uu ku bilaabay afartii cutub ee ugu horreysay. Madaxweynaha iyo kooxdiisa farsamadu waxay doodihii ka afduubteen guddiyadii dastuurka, una qaabeysteen xulasho awood badan u qoondaynaysa dawladda Muqdisho, awoodo yaryarna u reebaysa dawlad goboleedyada iyo dawladaha hoose, iyadoo meel la iska dhigay xulashooyinkii awood-qaybsiga ee qaab-dhismeedyada baahsan iyo daadegsan, kuwaas oo isku dheellitirayey awoodaha dalka, kana mid ahaa doodihii wadaxaajood-yadoodu socdeen mudadaas tobanka sano ah, kuwaasoo ay guddiyada baarlamaanka iyo wasaaradaha dastuurka heer dawlad goboleed gacanta ku hayeen.
Waxyaabaha fajacisada leh waxaa kamid ah habka loo qoondeeyay 123-da awoodood ee u dhexeeya heerarka dawladda, iyadoo intii ugu muhiimsaneyd si u ku talo gal ah loogu leexiyay dhanka dawladda dhexe. Inta aynaan gaarin doodihii xasaasiga ahaa ee Maaliyadda, Khayraadka iyo Awood qeybsiga, tusaale cad waxaa u ah hannaanka loo qoondeeyay Awoodaha Waxbarashada, taas oo ka mid ahayd qodobbada ugu xasaasisan ee ay isku hayeen heerarka dawladdu. Wasiir Faarax Cabdulqaadir, oo isagu qayb ka ahaa guddiga farsamada ee soo dhiraandhiriyay wax-ka-beddelkan, kana afduubtay guddiyadii dastuurka ee sharciyadda u haystay, wuxuu qaatay go’aan lagu boobayo awoodihii ay xaqa u lahaayeen dawlad goboleedyada; wuxuu awoodda oo dhan isugu geeyay Muqdisho, gaar ahaan lixdii qodob ee laf-dhabarta u ahaa adeegga waxbarashada: Maamulka Deeqaha Waxbarasho, Dejinta Manhajka, Imtixaanaadka, Bixinta iyo aqoonsiga Shahaadada Iyo Tababarka Macallimiinta. Tani ma ahan oo keliya farsamo maamul, balse waa tusaale nool oo muujinaya sida loogu tuntay mabaadi’da Federaalaynta Adeegga Bulshada, loona doonayo in talada dalka oo dhan lagu soo koobo hal xafiis si lamid ah Dawladdii Milatariga.
𝙆𝙖 𝙗𝙞𝙭𝙞𝙩𝙖𝙖𝙣𝙠𝙞𝙞 𝙋𝙪𝙣𝙩𝙡𝙖𝙣𝙙 𝙚𝙚 𝙉𝘾𝘾-𝙙𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙈𝙖𝙬𝙦𝙞𝙛𝙠𝙚𝙚𝙙𝙖 𝙖𝙖𝙣 𝙞𝙨𝙗𝙚𝙙𝙙𝙚𝙡𝙞𝙣
Puntland guul siyaasadeed ayey u aheyd inay iska diidday saxiixidda heshiisyo awoodihii oo dhan la isugu geeyay Muqdisho. Sida lagu caddeeyay heshiisyadii ugu horreeyay ee Astaynta Awoodaha, December 2022, Madaxweynaha Puntland ayaan saxiixin, kuwii ka dambeeyayna ka qeybgalin waana go’aan badbaadinaya doodda Puntland in dhammaan heshiisyadii siyaasadeed ee ay wada galeen Villa Somalia iyo madaxdii 4-ta dawlad goboleed ay Puntland bannaanka ka joogtay. Isla markaan Puntland mawqifkeeda heshiisyadii NCC-da ay soo saartay June 2023, mawqif uu saldhig u ahaa Dastuurka Puntland.
Madaxweynaha Puntland waxa uu ku ammaanan yahay in uu si adag u difaacay dooddii soo-jireenka ahayd ee Puntland, isaga oo diiday xulashooyin horseedaya awoodda oo hal meel la isugu geeyo (centralization) iyo dawlad dhexe oo dalku dib ugu celisa nidaamkii keligii-taliska ahaa. Haddana xukuumaddiisu waxay dusha u ridanaysaa eedda ah in ay ka gaabisay soo bandhigidda qoraal cilmiyeysan oo ku aaddan nuxurka dhabta ah ee doodaha la isku-mari la’yahay iyo xulashooyin awood qeybsi oo awood siinaya Dawlad-goboleedyada. Aamusnaanta Xukuumaddu waa midda dhalisay in qeybo kamid ah dadka reer Puntland aysan faham badan ka haysan doodahaas wax caadi ahna u arkaan Dastuurka cusub ee Xasan Sheekh, kaasoo awoodihii oo dhan ka xayuubiyay dawlad-goboleedyada, wiiqayna tiirarkii nidaamka federaaliga ah, waana halka ay Soomaalidu ka tiraahdo: “Nin hullaab xumi inuu wax qarsanayaa la moodaa.”
Maadaama, badi reer Puntland si waafi ah ula socon xogaha hoose iyo doodaha farsamo ee u dhaxeeya labada heer ee dawladood, waxaa muuqata in mabaadi’da guud ee ay Puntland soo bandhigto aysan ku filnayn qancinta qaybaha kala duwan ee bulshada. “Xalaal barqaa la quutaa”, waxaa lagama maarmaan ah in Puntland ay fagaare la timaaddo dooddeeda dawlad-dhiska dalka, si hufanna usoo bandhigto meel-istaaggeeda sharci/farsamo ee 9-ka arrimood ee la isku mari la’yahay (Contentious Issues).
𝙒𝙖𝙭-𝙠𝙖-𝙗𝙚𝙙𝙙𝙚𝙡𝙠𝙞𝙞 4-𝙩𝙖 𝘾𝙪𝙩𝙪𝙗 𝙞𝙮𝙤 𝙂𝙤’𝙖𝙖𝙣𝙠𝙞𝙞 𝙋𝙪𝙣𝙩𝙡𝙖𝙣𝙙 𝙚𝙚 𝙈𝙖𝙧𝙘𝙝 2024
Maamulka Xasan Sheekh wuxuu markii ugu horreysay u bareeray wax-ka-beddelka halka dhinac ee Dastuurka, March 2024 isagoo kusoo daray cutubbo cusub, halka wax laga beddelay 45 qodob iyo 97 faqradood, waxaana wax looga beddelay kalfadhi lagu xusuusto inuusan guntamin kooramkii dastuuriga ahaa ee loo baahnaa si go’aan masiiri ah loo gaaro, waxaana hareeyay buuq iyo sawaxan. Marka lagasoo tago habraaca loo maray waxaa si adag uga hortimid Puntland oo qaaddacday aqoonsiga 4-taas cutub oo ka digtay cawaaqibka ka dhalan kara in dalku yeesho dastuur aan loo dhammeyn. Waxaa iyaguna si lamid ah uga horyimid siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, kuwaas oo dhammaantood u arkayay in farataysiga dastuurku uu yahay tallaabo dhaawacaysa xasilloonida siyaasadeed iyo sharciyadda dawladnimada.
Inkastoo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah (Samatabixinta) labo garab u kala jabeen, waa mudan tahay in la sheego iskudaygii iyo kaalinta RW hore Cumar Cabdirashiid oo ka tirsanaa garabkii ka go’ay Samatabixinta aadna ugu ololeeya in dalka lagu ilaaliyo nidaamka baarlamaaniga ah ayaa keenay in Xasan Sheekh uu ka tanaasuliyo qaar kamid ah qodobadii halista ahaa ee heshiisyada NCC-da, kuna qanciyay in nidaamka dalku uu sii ahaado barlamaani, iyadoo dib loo soo celiyay doorkii Ra’iisul Wasaaraha, madaxweynahana ay doortaan xildhibaannada labada aqal, taas oo muujineysa in Xasan Sheekh looga adkaan karay doodaha uusoo dhoodhoobtyay oo dhan, haddii wadahadal sax ah lala geli lahaa, inkastoo jawwi noocaas ah uusan jirin oo Madaxweynuhu waqti lumis iyo kala fur-fur ka dhex bilaabay Mucaaradka iyo Maamulladaba.
𝙆𝙖𝙡𝙖-𝙝𝙖𝙖𝙙𝙠𝙞𝙞 𝘼𝙭𝙢𝙚𝙙 𝙈𝙖𝙙𝙤𝙤𝙗𝙚 𝙞𝙮𝙤 𝙑𝙞𝙡𝙡𝙖 𝙎𝙤𝙢𝙖𝙡𝙞𝙖
Isbeddelkii xagjirka ahaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo salka ku hayey in gebi ahaanba laga guuro nidaamka barlamaaniga ah, isagoo soo bandhigay nidaam madaxtooyo oo leh madaxweyne iyo ku-xigeen, baabi’inta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, doorasho hal deegaan doorasho (Single Constituency), muddo kordhin hal sano ah, hal guddi doorasho iyo in dalku yeesho labo xisbi oo kaliya ayaa horseeday Kala-haadkii Axmed Madoobe iyo Villa Somalia, taasoo keentay in Axmed Madoobe isaga baxo madashii NCC-da, is-doorashadiisii kadibna isu beddeshay xisbiga Madaxweynaha ee JSP, taasoo markale lumisay sharciyaddii ay ku dhisneyd ee “wadar-ogol”
Waxaa haatanna soo ifbaxay in hoggaamiyayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo iyaguna kamid ah saxiixayaashii heshiisyada NCC-da ay ka gaabsadeen Dastuurkan cusub taasoo muujinaysa inay garowsadeen inay dhexfadhiyaan dabin dastuuri ah oo loogu talagalay in lagu wiiqo awoodda dawlad-goboleedyada.
𝑨𝒇𝒅𝒖𝒖𝒃𝒌𝒂 11-𝒌𝒂 𝑪𝒖𝒕𝒖𝒃 (𝑭𝒆𝒃-𝑴𝒂𝒓𝒄𝒉 2026)
Ugu dambayn, wax-ka-beddelka kow iyo tobanka cutub ee dambe ee Dastuurka KMG-ka ah waxa uu ku sifoobay sharci-darro iyo habraac-xumo, qeybinta, doodista iyo codeynta ayaan midna marin xeer hoosaadyada golaha. Waxaana si isku duuban uga horyimid Puntland, Jubbaland, hoggaamiyayaashii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo ay weheliyaan mudanayaasha labada aqal ee matala maamuladaas oo gabi ahaanba qaaddacay fadhigii gacanta loogu taagay. Xilliga lagu soo beegay ansixintan ayaa kashifaysa ujeedka dhabta ah; waxa ayna kusoo beegantay xilli xil-haynta madaxweynaha ay ka dhiman tahay labo bilood oo keliya, tan baarlamankana hal bil, taasoo xaqiijinaysaa in ujeedka koowaad ee loogu feegaarayo Dastuurka KMG-ka ah uu yahay muddo-kordhin furan inuu inuu helo madaxweynuhu, sida uu ku dhawaaqayba Aadan Madoobe-in xil-haynta Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku eg-tahay May 2027!.
Marka laga yimaado maqnaanshaha heshiis siyaasadeed, xeer-hoosaadka fadhiyada wadajirka ah auaa dhigaya in si kooramku u buuxsamo ay lagama maarmaan tahay joogitaanka ugu yaraan 220 Mudane (184 Xildhibaan iyo 36 Senator), waxaana fadhigii lagu ansixiyay 11-ka cutub ka maqnaa 20 Senator iyo 112 Xildhibaan, taas oo ka dhigan in “Dastuurka Xasan Sheekh” uusan helin tiradii sharciyeed ee uu ku ansixi lahaa.
𝗚𝘂𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱
Dastuurka Xasan Sheekh waa dukumiinti aan lahayn aqbalaad sharciyeed iyo mid bulsho midna, maadaama aan la marsiin hannaankii farsamo ee guddiyada madaxabannaan, habraacyadii doodda iyo akhrinta baarlamaanka, wadatashi dhab ah oo shacab iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay midna, ayna usii dheer tahay inaan labada marba la buuxin kooramkii cod-bixinta ee uu dastuurku qeexayo; iyadoo ay jiraan cutubyo iyo qodobbo cad-cad (sida 132, 134, 137, iyo 142) oo qeexaya in tubta kaliya ee wax looga beddeli karo dastuurka ay tahay in la maro wadaxaajood dhab ah iyo is-qancin dhex marta dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada, iyo qaybaha bulshada.
Soomaaliya oo kasoo kabanaysa colaado sokeeye oo muddo dheer soo jiitamayay, khibradna u leh fawdo iyo dawlad la’aan waxaa hubaal ah in geeddi-socodka (process) loo marayo dhismaha qaranka uu ka muhiimsan yahay natiijada la rabo. Mana jiro Dastuur ama go’aan ka hirgali kara deegaannada Soomaalida haddii aan loo helin heshiis siyaasadeed, wada-ogol iyo is-qancin dhab ah. Haddii la isku dayana in la dhaqan-geliyo waxay burburinaysaa midnimada iyo kalsoonidii daciifka ahayd ee lagu dhisayey Jamhuuriyadda Saddexaad oo dadka soomaaliyeed amaamudayeen 30-kii sano ee u dambeysay.
Ahmed S. Mohamed (Sarsarrey