Friday, April 3, 2026
HomeEditorialXUKUUMADO XEERARKII LAGU DOORTAY LA DIRIRSAN

XUKUUMADO XEERARKII LAGU DOORTAY LA DIRIRSAN

Dal weliba markii uu dhexda ka istaago burbur nidaam iyo dawladnimo la’aan raagta, oo kuwii dirirayna ay kala adkaan waayaan, waxaa qasab ah in la helo nidaam bulshadaa bayhoofka ah loogu dhisi karo dawladnimo ay heshiis ku yihiin.

21 sano oo ciidan u talinayey dalka, Soomaalidu waxay barqo cad lumisay dawladnimadii ay askartu maamulaysay. Kadib waxaa dhacay dagaal sokeeye oo Soomaalidu si xun isugu xasuuqday, illaa dalku markii u horreysay yeeshay hoggaamiye kooxeedyo qabiil oo Soomaalida si gurracan isugu sii baabi’iyey.

Dagaalladii sokeeye waxay sabab u noqdeen qax iyo kala aamin bax bulsho, taas oo dhashay in qof walba uu dib ugu noqdo degaankii qabiilkiisu degganaa.

Kadib markii ay hanaqaad noqon waayeen wadahaladdii u socday Soomaalida 1991-2000, ayna dhismeen Somaliland oo leh waan ka go’nay Soomalidda inteeda kale iyo Puntland oo noqotay dowlad goboleedkii ugu horreeyey ee u joogsaday baadigoobka Soomaalidii kale.

Dawladdii Madaxweyne Abdiqasim ee Carta lagu soo dhisay waa ay socon weyday, oo waxaa banjariyey hoggaamiye kooxeedyadii oo aanan shirarkii Carta qayb ka ahayn, islamarkaana lahaa awoodda rasmiga ah ee gudaha dalka.

Mar kale, burburkii kadib, waxa ay Soomaalidu ku heshiisay qaadashada nidaamka Federaalka, iyadoo dawladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ay noqotay dawladdii koowaad ee ku dhisanta nidaamka Federaalka ah (TFG).

Qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo laga maqlo ‘Federaal’ waxaa laysla qirsan yahay inuu ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda, mudane Soobbe oo sidoo kalelahaa ereygii caanka ahaa ee “Federaal Fadaanee”.

Macnaha Federaal waxaa lagu koobaa, nidaam daadejin oo adeegyada dawladnimo loo dhaweynayo bulshadda, maamul daadejintuna ka bilaabanayso dowladda dhexe, kadib dawlad goboleedyada illaa dawladaha hoose.

Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaliddu ku heshiisay 2012-kii, qodobkiisa 1-aad ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay tahay Jamhuuriyad Federaal ah.

Dawladdii koobaad ee lagu dhisay dastuurkii 2012, waxaa madaxweyne ka noqday Xasan Shiikh Maxamuud isagoo nasiib u yeeshay inuu hoggaamiyo dawladdii koowaad ee aan ku-meel-gaar ahayn – burburkii kadib.

Shaqooyinka laga sugayey waxaa u mudnaa hirgelinta nidaamka Federaalka oo ay ku hoos jiraan dhammaystirka dawladaha xubnaha ka noqonaya dawladda Federaalka, dhammaystirka sharciyada iyo heshiisyada awood-qaybsiga dawladda dhexe iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka ah.

2016-kii, dawladda Fededaalku waxa ay dhammeystirtay dhismaha dawladaha xubnaha ahoo waxaa xilligaa dhismay Jubaland, Koonfur galbeed, Galmudug (inkasta oo loo arkayey in aanan la waafajin dastuurkii 2012) iyo Hirshabeelle.

Xukuumaddii jirtay tallaabo badan uma qaadin sidii looga heshiin lahaa dhammaystirka dastuurka si loogu qeexo sharciyadda iyo arrimaha heshiiska u baahan oo ay ugu horreeyaan awoodaha dawladda dhexe iyo dawladdaha xubnaha ah.

Dawladdii la doortay 2017-kii ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo waxay ku dhisnayd aragtidda kala adkaanshaha iyo loo joojin maayo, taasoo si weyn uga soo horjeedda nidaamka Federaalka ah iyo dal raba inuu hannaan dimuquraadi ah u guuro.

Shan sano oo ay xukunka hayeen waxaa markii koowaad si ku talagal ah Jubaland looga jaray gobolka Gedo, iyadoo dawladda Federaalka ah la wareegtay badi degmooyinka gobolka Gedo. Sidoo kale, waxay dawladdii Farmaajo si weyn u diiddanayd in hay’adaha dawladda la federaaleeyo, mashaariicda iyo adeegyadda dawladnimadana lagu dul dhiso hannaanka Federaalka, taasoo tusaale ay u ahayd sidii loo siyaasadeeyey shahaado-siinta ardayda dugsiyadda sarre kaga baxay Puntland iyo mashaariicdii ku wajahnayd PL iyo SL.

Markale 2022, waxaa dib loo doortay Madaxweyne Xasan Shiikh oo ay ahayd markiisii labaad ee xukunka, dad badan oo aan ku jiro waxay u arkayeen dib u doorashadda Madaxweyne Xasan fursad maadaama lays lahaa 4 Sano oo uu Madaxweyne ahaa iyo 5 Sano oo uu mucaarad ahaa wax badan ayuu ku biirin doonaa hanaanka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Filan-waa iyo wax lala yaabo ayey dadka Soomaaliyeed ku noqotay in MW Xasan Shiikh u jihaystay beddelidda dastuurkii Soomaalidu heshiiska ku ahayd, iyo inuu qaatay jidka burburinta hannaanka Federaalka maadama uu is-hortaag ku sameeyay doorashooyinkii dawladaha xubnaha ah, lana siyaasadeeyey markale mashaariicdii ku wajahnayd PL, JL iyo SL.

Intaa waxaa dheer in Madaxweyne Xasan Shiikh isku dayey in gobollo ka jaro dawlad-goboleedyaddii dhisnaa si uu u samaysto maamulo cusub oo isaga taabacsan taasoo aan u hiillinayn hanaanka Federaalka dalka, islamarkaa ku saf ah markii ay joogto diidmada dastuurkii 2012.

MW Xasan waxa uu duullaan ku qaaday Jubaland, iyadoo si weyn loo xasuusto fadeexaddii Raaskambooni, mar kale maanta dawladda Federaalka ah waxay duullaan ku tahay Koonfur Galbeed oo hoggaankeedu sheegeen inaysan taageersanayn dastuur beddelka ayna isu diyaarinayaan qabashadda doorashada hoggaanka maamulkooda.

Waxaa cajiib ahayd warqaddii kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha dalka, 22 March, taas oo dhigaysay in Koonfur Galbeed uusan ka jirin maamul sharciyad haysta, sidaas darteedna dawladda Federaalku ay si toos ah ula shaqaynayso dawladaha hoose ee magaalooyinka Koonfur galbeed. Si lamid ah, sida ay wasaaradda waxbarashada federaalku ay muhsharaadka u siiyo iskuulaad ay ahayd in ay maamulladu gacanta ku hayaan.

Warqaddaasi waxay si rasmi uga hor imanaysaa qodobka koowaad ee dastuurka Soomaaliya oo dhigaya in dalku Federaal yahay. Mar kale, warqaddu waxay u markhaati furaysay dadkii iyo siyaasiyiintii cod dheer ku sheegayey in Madaxweyne Xasan Shiikh uu si weyn u rabo dawlad dhexe, islamarkaa kana soo horjeedo heshiiskii Soomaalida ee Federaalka ah.

Xaqiiqaddu waa in la galayo firaaq dastuuri ah marka la gaaro 15 May 2026, maadama ay sharciyaddu ka dhammaanayso Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, horayna ay uga dhammaatay hogaanka KG, Hirshabeelle iyo Galmudug. Waana arrin ugub ah in badi dawladaha xubnaha ah ay bilaa sharciyad ku fadhinayaan hal mar, taasoo dhaawici karta dibu-heshiisiintii iyo dawlad-dhiskii dhutinayey 30-kii Sano ee lasoo dhaafay.

Maxaa ka run ah doodda dad badan ku celceliyaan ee ah ma jiraa nooc Federaal oo Soomaalidda ku habboon?

Ururka caalamiga ah ee “Forum of Federations”, kaas oo xaruntiisu tahay dalka Canada ayaa sheegay in 2 bilyan oo qof oo u dhiganta 40% dadka ku nool caalamku ay ku nool yihiin nidaamka Federaalka ah, mid walbana lama mid aha nooca Federaal ee kan kale, sababtoo ah, si weyn ayey ugu kala duwan yihiin isirka, diimaha iyo qaab nololeedka bulsho ahaaneedba.

Habka ismaamul ee Soomaalidu waxa uu kasoo bilaabmay talo geed hoostii taal, oo leh isimo dhaqameed, xeer-beegti illaa guurti ku dhisan habka qabaa’ilka. Nidaamka Federaal ee Soomaalidu haysataana wuxuu ku dhismay sida dastuurku qabo in labo gobol iyo wixii ka badan oo ku heshiiya inay dhistaan maamul goboleed ay noqonayaan dawlad xubin ka ah dawladda Federaalka ah.

Dalka maanta waxaa ka jira 5 maamul goboleed oo xubno ka ah dawladda Federaalka, kuna dhismay rabitaanka bulshooyinka, waana goob wanaagsan oo laga jaanqaadi karo maamul daadejinta iyo dhismaha dawladnimo wada-gaarta Soomaalidii ay colaadaha sokeeye dhexmareen ee aanan weli loo samayn dib-u-heshiisiin qaran.

Arrinta Somaliland, waa xaqiiqo u baahan in laga galo wadahadal iyo dhab u heshiisiin ay Soomaalidu u dhan tahay balse aan u baahnayn in isbaaro loogu dhigto nidaamka E-Visaha iyo in laga hor istaago mashaariicdii ay xaqa u laahaayeen taasoo ahayd siyaasaddii ay ula macaamileen Madaxweyne Farmaajo iyo MW Xasan Shiikh.

Madaxda koonfureed waxaa maskaxdooda raadayn badan ku yeeshay nadaamkii kelitaliska ahaa ee Maxamad Siyaad, af ahaan waa ay dhibsadaan, ficil ahaan se waa ay waafaqsan yihiin. Qofka Xamar jooga waxaa u sawiran Soomaali salad qura ugu jirta iyo nidaam xoog leh oo Xamar wax ka yeeriya. Halka mucaaradku ay markasta u taagan yihiin dastuurka midka guuleystaa ka abaado markii uu isla helo kursiga iyo dhaqalaaha ummadeed ee aanan cidi ka xisaabin.

Gabagabo, dal ku jira dib-u-heshiisiin iyo dawlad-dhis sida Soomaaliya oo kale wuxuu u baahan yahay in dhismaha dawladnimo loo dhan yahay, taasoo kor u qaadaysa aaminaadda iyo kalsoonidda bulshadu ku qabto dawladnimada.

Mohamed Abdullahi Ali (CiilTire).

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments