Subaxdii arbacada, 23 September 2026, waxaa dagaal culus dib uga bilowday Waqooyiga Itoobiya gaar ahaan gobolladda Tigray, Canfarta iyo Amxarada. Si aad u fahanto, marka hore aynu isla eegno isbeddallada dhacay wixii ka dambeeyay heshiiskii “Pretoria agreement November 2022” kaas oo lagu joojiyay dagaalkii hore ee labada sano socday oo u dhexeeyay TPLF iyo dawladda dhexe oo wadata isbahaysigeedii.
Heshiiskii Pretoria ee uu Ururka Midowga Afrika (AU) dhexdhexaadiyaha ka ahaa qodobbada ugu muhiimsanaa waxa ay ahaayeen;
1. In dawladda dhexe ay xayiraadda saran ka qaaddo gobalka Tigray, ayna oggolaato in gargaar bani aadantinimo la gaarsiiyo gobalka.
2. In TPLF ku wareejiso dawladda dhexe hubka waaweyn ee gacanteeda kujira.
3. In Tigray laga dhiso maamul kumeel gaar ah loona dhiibo xubin kamid ah TPLF inta doorashooyinka guud la gaarayo.
4. In hay’addihii Federalka dib loogu celiyo gobalka si ay dib ugu bilaabaan adeegyadii ay bixin jireen.
Heshiiskaas labada dhinac ee TPLF iyo xukuumada Abiya midina kuma faraxsanayn, hase yeeshee labada dhinacba waxa ay ka arkayeen heshiiskaas dan waqti gaaban ah, maadaamoo dhinac walba uu ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan dhaawac weyn kasoo gaaray dagaalkii labada sano socday ee ay galeen, dhinac walbana uu u baahnaa nafis iyo fursad uu dib isugu habeeyo. Muddada afarta sano ah ee kasoo wareegtay heshiiskii Pretoria, marna dhinacyadu si dhammaystiran uma hirgelin qodobadii lagu heshiiyay oo dhan, dhinac walbana wuxuu kan kale ku eedaynayey in aanu daacad ka ahayn hirgelinta qodobbada heshiiska.
Awood ahaan Military Itoobiya marka la is barbar dhigo sannadihii 2021/22 iyo haddeer oo 2026 ah, waxaa la rumaysanyahay in Ciidanka Difaaca Itoobiya (ENDF) uu hadda ka xoog weyn yahay wareegii hore ee dagaalladii Tigray. Waxaa muuqatay in xukuumada Abiy Axmed oo mar walba maanka ku haysay in aanay ka fursan doonin weji labaad oo dagaal oo ay la gasho TPLF ay waqti badan galisay dibudhiska ciidanka ENDF kadib heshiiskii xabbad joojinta ee Pretoria. Waxa uu aad u dhisay tirada iyo qalabka ciidanka. Tusaale ahaan, waxa ay Itoobiya xoojisay awooddeeda soo saarida hubka fudud, rasaasta qoryaha fudud iyo madaafiicda, taas oo meesha ka saaraysa dhaqaalihii kaga bixi lahaa soo iibsashada hubkaas iyo caqabadihii ka qabsan lahaa soo dhoofinta hubkaas. Sidoo kale Itoobiya waxa ay hormarisay soo saarida diyaaradaha Drones-ka ah oo isugu jira kuwa loo isticmaalo is qarxinta iyo kuwa loo isticmaalo sahanka.
Dhanka TPLF oo keli ku ahaa dagaalkii 2021/22 ay lagaleen ciidanka ENDF iyo isbahaysigii Amxaarada iyo Eritrea, waxaa la sheegaa waxyaalaha jabkooda keenay in ay ka mid ahaayeen; in aanay helin isbahaysi gudaha Itoobiya ah oo la dagaal gala, sidoo kale in ay dawladda dhexe ka horyimaadeen iyaga oo aana iska xallin cadaawadii dariskooda (Sudan iyo Eritrea) ee ay abuurteen markii ay xukunka Itoobiya haysteen, taas oo keentay in dalalkaasi ka xirtaan xuduudihii dibada ee ay usoo mari lahayd taageerada shisheeye. TPLF oo arrintaas cashar ka baratay kana faa’iidaysanaysa xiriirka xumaaday ee Amxaarada iyo xukuumada Abiy Axmed, xariirka xumaaday ee Itoobiya iyo Eriteria iyo sidoo kale Sudan oo Itoobiya ugu ciil qabta taageerada ay sheegtay in ay Jabhada RSF usoo marto dhinaca Itoobiya, waxa ay TPLF ilaa xad hagaajisay xariirka ay la leedahay dhinacyadaas oo ay aad u kala fogaayeen wejigii hore ee dagaalka.
Sida ay sheegtay Africa Intelligence bishii May 2026 magaaladda Port Sudan waxaa isugu yimid hoggaamiyayaal Millateri iyo kuwa siyaasaddeed oo ka kala socday dawladdaha Sudan iyo Eritrea si ay isugu keeneen qaar kamida Jabhadaha ku kacsan xukunka RW Abiy. Ujeedka kulanka ayaa daarnaa in dibuheshiisiin loo sameeyo jabhadaha Itoobiya, sidoo kale in laga shaqeeyo sidii loo midayn lahaa awooda ciidan ee Jabhadaha si ay xukunka uga tuuraan RW Abiy. Ma jirin wax warbixin ah oo ay xilligaas baahiyeen kooxaha Port Sudan la isugu keenay. Waxaa loo badinayaa in muddadaas ay socdeen wadahadallo hoose oo lagu xallinaayay khilaafyadii hore ee dhex yaalay jabhadaha la isu keenay. Kadib wadahadalo bilo qaatay, ugu dambeyn 20-kii September 2026, todoba Jabhadood oo ay TPLF hoggaaminayso ayaa ku dhawaaqay isbahaysi loo bixiyey “Ethiopian Peoples’ Forces Coalition for Survival”. Isbahaysigaas inta la ogyahay 4 kamid ayaa ciidamo hubaysan ku haysta gudaha Itoobiya, kuwaas oo kala ah Tigray, Amhara, Canfarta iyo Oromada, halka saddex kale oo ay ONLF-ta Soomaalidu ku jirto ay yihiin kuwa iska magac-u-yaal ah oo aanan hadda lahayn ciidan hubaysan.
Si guud, Itoobiya waa dawlad weyn oo ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan xooggan, markastana ku tiirsan dawladdo waaweyn oo ay saaxiibo yihiin, sidaas darteed marna lama fili karo in si fudud ay xukunka ula wareegaan isbahaysiga jabhadaha cusub. Sidoo kale jabhadaha waxaa shaqo badan uga baahan ilaalinta jiritaanka Isbahaysigooda amaamudka ah, maadaamoo aanay jirin ilaa hadda ujeedo midaysan oo ay leeyihiin (Manifesto) oo dhaafsiisan in xukunka ay ka tuuraan RW Abiy, sida nooca dawladdeed ee ay dhisi doonaan haddii ay xukunka qabsadaan, qaabka ay wax u qaybsan doonaan IWM. Dagaallada cusub ee qarniga 21aad (New wars) badanaa kooxaha jabhadaha ah (Non-State Insurgency) guulaha ay gaaraan waxa ay ku xiranyihiin laba arrimood: U diyaarsanaantooda dagaal waqti dheer socda (Endurance of Conflict), iyo taageerada dibadeed ee ay helaan.
Haddii uu sii socdo dagaalka hadda bilowday xaalkuna uu isu rogo dagaal weyn buuxa waxa ay dhinacyada ciidanka qaranka Itoobiya iyo kuwa Isbahaysiga Jabhaduhu aad isugu hardin doonaan gacan ku haynta marinada muhiimka ah, maadaamo ay Itoobiya tahay waddan buuraley ah, wadooyinkuna kooban yihiin. Sigaar ah marinka halbowlaha ah ee waddada Jabuuti iyo Itoobiya, labada Isgoys (Dese iyo Weldiya) ee ay isugu yimaadaan waddooyinka isku xira galbeedka iyo bartamaha Itoobiya sida aad Map-ka ka arki karto.
Si kooba, hardanka dagaal ee kasoo cusboonaaday Itoobiya cidda guuleysan karta waxa ay ku xirnaan doontaa; taageerada shisheeye ee dhinacyadu helaan, helitaanka iyo isticmaalka hubka casriga ah sida Drones-ka iyo sida uu miro dhal u noqdo isbahaysiga Jabhadaha Itoobiya.

W/Q: Mustafa Awale Ahmed