Hordhac:
Daraasadan waxa ay soo koobaysaa natiijada daraasad ballaaran oo sagaal bilood socotay oo la xiriirta shaqo la’aanta Dhalinyarada Puntland ka jirta. Waxa aan daraasadan xooga ku saari doona u kuur gelidda shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada Puntland. Ujeedada laga leeyahay waxa weeye in la helo maxsuul natiijo dhal ah oo lagaga go’aan qaadan karo sidii wax looga qaban lahaa aafada shaqo la’aaneed ee saamaysay dhallinyarada Puntland. Waxa aan warbixintaan kusoo bandhigaynaa natiijooyinka soo baxay & talooyin dhawr ah oo la xiriira sida xal loogu heli lahaa aafada shqaqo laanta saamaysay puntland.
Natiijooyinka & Talooyinka soo baxay:
Dhallinyarada shaqooyinka ay ajaanibta kala wareegeen.
Waxaa kamid sida daraasaddu muujinayso howlaha soo socda:
- Noocyada kala duwan ee dhismaha
- Duminta gurayaha, masaajida iyo goobaha dib loo cusboonaysiinayo
- Shaqooyinka la xiriira tignoolajiyada &macluumaadka ( Information technology).
- Shaqooyinka Hay’adaha
- Huteelada
- Macalinimada & Caafimaadka
- Waxsoosaarka Beeraha
- Gaadiidka Magaalooyinka ka dhex shaqeeya
- Tima jarayaasha
- Shaqooyinka la xiriira xamaaliga iyo dejinta ama rarista gaadiidka
- Baalashka
Heerka Shaqo la’aanta dhalinyarada Puntland
Heerka shaqo la’aanta ee dhallinyarad Puntland ee darasadan ka qayb gashay waxa ay muujinaysa ifafaalo walaac leh oo aan la dhawran akrin, daraasaddu waxa ay bidhaamisay in ( 77.85% ) dhallinyarada ka qayb gashay daraasad ay shaqo la’aan yihiin, iyaga oo baadi goob Dheere ugu jiray sidii ay shaqo ku heli lahaayeen.
Waa marxalad aan indhaha laga qarsan karin oo qarka u saran in ay isu bedesho aafo bulsho (Social Crisis) taas oo horseedi karta xaalado ay khatari ka dhalan karto hadii aan si cilmiyaysan loo wajihin oo aan xeel dheerayaasha arimaha dhaqaalaha iyo bulshadu aanay hoga tusaalayn xalal suurtagal ka dhigaya in xal loo helo arimaha shaqo la’aanta ee haysta dhallinyarada Puntland.
Sababaha keenaya shaqo la’aanta dhalinayarada Puntland.
Dhallinyarada ka qayb qaadatay daraasadan waxa ay xuseen in qodobada hoose ay gundhig u yihiin shaqo laʼaanta dhalinyarada reer Puntland ay ka mid yihiin:
B. 21% Waxa ay xuseen in hab qorista shaqo ee aan cadaalada iyo sinaanta ku dhisnayn ( Unfair recruitment practice ) ay keentay shaqo la’aanta dhallinyarada
T. 11% waxa ay sheegen in wadanka oo aan lahayn wershado wax soosaar oo dhallinyarada fursad shaqo siin lahaa ay sababeen shaqo la’aanta dhallinyarada ku habsatay
J. 18% Waxa ay tilmaamaysa in Musuq-maasuqa ( High level corruption) oo ah tusiyaha labaad uu yahay aafada labaad ee ugu weyn ee abuurtay shaqo la’aanta baahsan ee saamaysa dhallinyarada
X. 7% Waxa ay muujiyeen in korarka dhallinyarada sanad walba ka qalin jebinaya jaamacadaha iyo isu dheelitirnaanta la’aanta fursadaha shaqo ee ka jira suuqa ay gundhig u tahay shaqo la’aanta
KH. 8% Waxa ay ku war bixiyeen in kala duwanaansho la’aanta kuliyadaha cilmiga ee labarto (University Faculties) ay sababtay in dhallinyaradu ay noqdaan baaga muundo.
D. 3% Waxa ay sheegen in dhallinyrada oo aan helin maaligelin ay ku hirgeliyaan hal abuurkoda ganacsi ay sabab u tahay shaqo la’aanta dhallinyarada dhexdeeda ah
R. 12% Waxa ay muujiyeen ka hortag la’aanta shaqaalaha shisheeyaha ah ee haya shaqooyin ay dhallinyarada PL qaban karaanin ay dhaliyeen in dhallinyaaro badan ay noqdaan shaqo la’aan.
S. 7% Waxa ay sido kale muujiyeen indhallinyarada oo ay ku yartahay xirfadaha hal abuurka ganacsiga iyo xirfadaha horumarinta nolosha ay kalifeen in dhallinyaradu ay noqdaan shaqo la’aan.
SH. 7% Waxa ay ku war bixiyeen in Maqnaanshaha maalgashiga caalamiga ah ee qaybaha wax soo saarka dalka oo door fiican ka qadaan laha shaqa abuurka dalka
DH. 6 % ayaa sheegay in maqnaanshaha barashada farsamada gacanta noocyadeeda kala duwan ay sabab u tahay in dhallinyarao badan oo shaqo gal ah ay noqdeen shaqo la’aan.
Cawaaqibta ka dhalatay dhibaatooyinka shaqo la’aanta Dhalinyarada Puntland.
Shaqo la’aanta dhalinyarada puntland waxaa ka dhashay dhibaatooyin badan oo ay wajaheen dhalinyarada, waxaana kamid ah dhibaatooyinkaas qodobada soo socda:
- Sare u kaca dhallinyarada ku biirtay burcad badeedka.
- Sare u kaca dhallinyarada isticmaasha maandooriyayaasha.
- Sare u kaca dhallinyarada waddanka dibaddiisa u tahriibta.
- Ka qayb qaadashada dagaalada u dhexeeya qabaa’ilka & kooxo diimeedyada ishaya.
- Muruq, maskax guur iyo niyad jab soo wajahay dhallinyarada.
- Sare u kaca xanuunada dhimirka ee dhalinyarada shaqo laanta ah
- Hoos u dhaca is qorista Waxbarashada niyad jab ka yimid shaqo la’aanta awgeed.
Talo soo jeedin tixgelin mudan:
- Hagaajinta Tayada waxbarashada si loo awood siiyo ardayga in uu abuuri karo xal samata bixin kara baahiyaha bulshadiisa/da & nafsaddiisa oo ay ugu horayso shaqo-la’aanta.
- Dowladda puntland Waa in ay raadiso maalgeli isku dheellitiran si dhallinyarada loogu abuuro mashaariicda waarta isla markaanna leh shaqo abuur.
- In Dowladda Puntland ay ka shaqayso siyaasadaha & shuruucda ka caawinaysa in dhallinyaradu helaan shaqooyin fursadahooda loo simanyahay loona soo bandhigay si daah furnaan leh.
- Kordhinta wax soo saarka Dowladda Puntland oo ah meelaha ugu badan ee shaqo abuurka u sameen kara dhallinyarada 60%.
- In Dowladda Puntland ay smayso Sanduuqa hormarinta Dhallinyarada Puntland si uu uga qayb qaato shaqo laanta baahsan ee jirta isla markaanna u noqodo caawiyaha hal-abuurka dhallinyarada.
- In laga taageero dhallinyarada helitaanka xarumo lagu kobciyo xirfadaha la xiriira Tiknoolojiyadda & hal abuurka si ay uga qayb qaadato shaqo abuurka dhallinyarada Puntland.
- Xoojinta dalladaha dhallinyarada si loo sahlo isku xernaanta & iskaashiga dhallinyarada dhaxdooda ah.
Qaabaynta & Hirgalinta Xeerarka Shaqaalaysiinta si dhallinyarada ay u helaan nidaam shaqaalaysiin loo siman yahay ((Equal Employment Opportunity).
Waxaa diyaarshay Daraasaddan; Mohamed Ahmed Yusuf (Cagey), Bare sare oo kuso dhex jiray waxbarashada sare 10ki sano ee u dameeyay, waxna ka qora arimaha dhaqaalaha iyo bulshada, waxa uu sido kale soo maamulay shirkado kala duwan, waxana uu la shaqeeyay Hay’adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ba.