Wednesday, September 18, 2024
HomeEditorialDaraasad: Urur diimeedyadu waa saamiley muhiim ka ah Ururrada Bulshada Rayidka ah...

Daraasad: Urur diimeedyadu waa saamiley muhiim ka ah Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya!

Doorka Ururrada diinta ee siyaasadda Soomaaliya oo ah warbixin cusub oo ay wada qoreen Somali Public Agenda & Machadka Rift Valley waxaa lagu falanqeeyay ururrada kala duwan ee diinta ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya iyo guud ahaan mowqifkooda iyo doorka ay ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed. Waxay warbixintu soo bandhigeysaa aragtiyo cusub oo ku saabsan sida dowladda Soomaaliya ay ula falgeli karto kooxaha diinta, waxayna soo jeedinaysaa talooyin ku saabsan sida jilayaasha dibadda ay uga fogaan karaan aragtiyada taban oo ku saabsan ururrada diinta kuwaasoo inta badan saameyn togan ku leh guud ahaan qeybaha kala duwan ee siyaasadda, dhaqaalaha iyo nolosha bulshada Soomaalida.

Warbixintu waxay qeexaysaa in bur-burkii Dawladdii Milatariga kadib urur diimeedyadu ay saameyn weyn ku yeesheen arrimaha siyaasadda, gaar ahaan lagasoo bilaabo 2009-kii inay gaareen heer Madaxweyne-nimo.

Warbixintu waxay u sababeynaysaa isbeddeladaan Afar sababood oo kala ah:

  • Waxa loogu yeero la-dagaalanka Argagixisada oo saameeyay sida dhaq-dhaqaaqyada diimeed loo qaabeeyay.
  • Diinta oo loo adeegsado dariiq lagu gaaro dano gaar ah sida Dhaqaale.
  • Shakiga reer galbeedka ee is dhex-galka arrimaha diinta & siyaasadda.
  • Qarinta ururrada diimuhu ee qaab-dhismeedkooda, afkaarahooda & xiriirarradooda caalamiga ah.

Warbixintu waxay si fiican u iftiiminaysaa sooyaalka Islaamka iyo Soomaaliya, Dhaqanka iyo Caqiidooyinka Fikradeed ee ku loollamayay tan iyo inta islaamku soo gaaray Soomaaliya, gaar ahaan Suufiyada iyo Ikhwaanka oo ay ku wada abtirsadaan urur diimeedyada ka jira dalku.

Warbixintu waxay si faah-faahsan faham buuxa uga bixinaysaa ururrada  iyo shakhsiyaadka ugu muhiimsan urur diimeedyada dalka ka jira asalkooda, sooyaalkooda, qaab-dhismeedkooda, afkaaraha ay ka duulaan, marxaladihii ay soo mareen, doonitaankooda hoggaanka dalka iyo Kadib markay xukunka qabteen.

Ururrada ay warbixintu soo qaadanayso waxay kala yihiin: Al-Islaax, Dam-jadiid, Aala-Sheekh, Al-Ictisaam (Salafi), Majmaca Culumada & Ahlu sunna wal-jamaacaha (Suufi).

Warbixintu waxay lafo-gur ku sameynaysaa Is-dhexgalka Diinta, Qabiilka & Macaash-doonka.

Warbixintu waxay sharraxaad kooban ka bixinaysaa eedaha ururrada ee ku milanka Qabiilka sida: Al-Islaax oo lagu eedeeyo in xubnaheeda ay ka qaataan Shiikhaal, Majmaca Culumada: Hawiye, Ahlu-sunna wal-jamaaca: Habar-gidir. Warbixintu waxay caddeynaysaa in qaab-dhismeedka ururrada lagu qeybiyo qaab qabiil.

50-kii sano ee lasoo dhaafay, urur diimeedyadu waxay noqdeen kuwo aad muhiim ugu ah qaabeynta siyaasadda Soomaaliya, si toos ah iyo si dadbanba haddaba doorkooda siyaasadda Soomaaliya ayay warbixintu is dul-taagaysaa iyadoo u kala qaadaysa saameyntooda siyaasadeed ee dadban, saameyntooda adeeg bixin,xisbiyada siyaasadeed ee ay geed-fadhiga u yihiin iyo saamentooda shakhsiga ah intaba.

Ugu Dambeyn warbixintu waxay kusoo gunaanadaysaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn dhow oo dhex-marta Dowladda Federaalka Soomaaliya (oo ay ku jiraan saaxiibadeeda caalamka iyo bulshada rayidka Soomaaliya) iyo ururrada diinta ee dalka oo inay yeeshaan wada-hadal joogto ah oo wax dhisaya.

Si taasi u hirgasho waxay warbixintu soo jeedisay in tixgelin gaar ah la siiyo arrimahaan soo socda:

  1. La shaqeynta kooxaha diintu waa in ay noqotaa mid dhab ah oo ku saleysan sinnaanta ka dhexeysa jilayaasha kala duwan.
  2. Marka beesha caalamku ay la falgaleyso ururrada diinta waa in ay ka fogaadaan muraayadaha ay ku eegaan ee uu abuuray barnaamijkii la dagaalanka Argagixisada.
  3. Urur diimeedyadu waa saamiley muhiim ka ah ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya waana in loo aqoonsadaa sidaas.
  4. Cilmibaaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay oo lagu sameeyo doorka ururrada diinta ee Soomaaliya.

Dailysomalia.com

Dhammaad.

Warbixinta oo Dhammeystiran kuna qoran English & Soomaali halkaan ayaad ka akhrisan kartaa https://somalipublicagenda.org/the-role-of-religious-actors-in-contemporary-somali-politics/

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments