Garoowe July 14, Madaxweynaha Dawladda Puntland Sixciid Deni oo maalmahan safar ugu maqnaa dalka dibediisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimada Puntland ee Garoowe.
Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir Airport ee Garoowe Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dawladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha Puntland ayaa 4-tii bishaan u ambabaxay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, isaga oo markii dambe usii duulay dalka Itoobiya, ilaa haddana xog badan lagama helin safarada dibedda ee Deni.
Deni ayaa intii uu joogay dalka Itoobiya la kulmay mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi oo ka wada-hadlay iskaashiga labo dhinac geesoodka ah, kaasi oo diiradda lagu saaraya arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo isu-socodka dadka, iyadoo warar aan la hubin sheegayaan inuu la kulmay Ra’iisul wasaaraha Ethopia Abiy Ahmed.
Imaanshaha Saciid Deni ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan magaalada Boosaaso ay ka dhacday xiisad dagaal u dhaxeeyay Ciidanka PSF-ta iyo kuwa PMPF-ta, kadib markii Garoonka diyaaradaha laga celiyay diyaarad sidday Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo wadday gargaar loogu talo-galay dadka ay saameysay abaartu, iyadoo Puntland aan wax xiriir ah lasoo sameyn siday ay sheegeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha & Guddoomiyaha Gobolka Bari.
Isimada Gobolka Bari ayaa Madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu is hortaag ku sameeyay Gargaarkaas, iyadoo xiisadaasna ay ku geeriyoodeen Askar & Shacab gaaraya 17 qof.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu caawaba daah-furo Shirweynaha Gurmadka Abaaraha Puntland oo ka qabsoomaya Garoowe kaas oo lagusoo bandhigi doono baaxadda abaareed ee ka jirta Puntland inta ay le’egtahay.