Skip to content

Independent reporting. Somali perspectives.

Research

Go’aanka ay Dowladda Hoose ee Garoowe ku gaartay rarista warshadaha: nidaam noocee ah ayaa loo maray?

Waxa aan akhriyay warqaddaan kasoo baxday dowladda hoose ee Garoowe, ujeeddada warqaddu waa wanaagsan tahay. Sawaxanka, boodhka iyo gaadiidka culus ee warshadaha noocaan ah waa dhibaato dhab ah oo dadka deriska la ah wajahaan. Hase yeeshee, habka go’aanka loo fulinayo ayaa su’aalo badan ka taagan yihiin:

  1. Waqtiga la siiyay ee 10-ka maalmood ah ma ahan mid warshad bulukeeti iyo mid Aluminum toonna lagu rari karo.
  2. Lama sheegin meesha loo guurayo. U guura “Goobo ku habboon” ma ahan eray dowladi isticmaasho, dowlad hoose goobta ku habboon iyada ayaa sahamisa, qorshaysa, sheegta una tilmaamta. Haddii kale waxaa imaanaysa in barri goobta maanta ay dagaanna laga saaro. Waa fursad ay ku samayn kareen aag warshadeed oo magaalada Garoowe yeelato.
  3. Waxaa muuqata inaan wax xog ah la xigan ama la soo bandhigin, sida cabbirka sawaxanka ama cabashooyinka dadka.
  4. Guddiga farsamo ee la yiri hadda kadib buu qorshayn in uu kormeer sameeyo, iyada oo amarkii soo baxay, muxuu qiimayn ku samayn?! in ay guureen kaliyaa, waxa ay ahayd in qiimayntu amarka ka horrayso.
  5. Warqadda kama muuqato in milkiilayaasha, shaqaalaha ama dadka xaafadaha lala tashaday, in lagu caddeeyo ayay ahayd haddii lala tashaday.
  6. Ma jirto wax magdhaw ah ama dhiirrigalin ah sida in dawladdu ka caawiso shirkadahaas dhulka ay dagayaan oo ka muuqata warqadda, inlee dhul u diyaarsan oo ay dagayaan ma jirtee adeegga shirkadahana qoysas badan baa ku tiirsan.
  7. Tusaale, bulukeetigu waa lafdhabarta dhismaha magaalada. Haddii warshaduhu xirmaan ama kharashkoodu kordho siyaasaddaan awgeed, qiimaha dhismaha ayaa kici doona, dad badan oo ka shaqeeyana shaqo la’aan ayay wajihi doonaan, arrinkaas malaga fakaray.

Maxay ahayd in la sameeyo:

  1. Marka hore xog in la ururiyo, saamaynta dhaqaale ee go’aankana la qiimeeyo.
  2. In la-tashi lala yeesho dhammaan dadka ay khusayso.
  3. Aagga warshadaha in la diyaariyo amarka ka hor oo warshadaha lagu dhaho aaggaas u guura.
  4. Muddo macquul ah (3-6 bilood) oo waliba sida iyaga u habboon ah oo ay u guuri karaan u guura la dhaho, qalabka qeybtiis waxaa laga yaabaa in uu meesha ku rakibanyahay in la raro-na ay waqti dheer u baahantahay.
  5. Dhiirigelin sida in dhulka dowladdu siiso iyada oo lahaanshaha dowladdu leedahay ama bilaash lagu siiyo waqti cayiman ama qiimo jaban lagaga kireeyo ama in cashuur dhaaf muddo kooban ah loo sameeyo si ay ugasoo kabtaan kharashka galay ee aysan filanayn.

Siyaasad wanaagsan waxa ay mar walba u adeegtaa nolosha bulshada waxa ayna ku taxaluqdaa kala doorashooyin adag, waxaa muhiim ah marka in si daganaan iyo ka fiirsi leh siyaasadaha loo dajiyo loona fuliyo. Waliba xilligaan dhaqaalaha deegaanka aan ka warhayno halka uu marayo arrinkaas waa muhiim.

Garoowe waxa ay u baahan tahay horumar qorshaysan oo aan gole ka fuul ahayn cidnana aan dhaawacayn.

W/Q: Abdirahman Abshir

Wuxuu shahaadada labaad ee siyaasadda guud ka diyaariyaa KDI School of Public Policy and Management.

Have a correction or information to share? Contact the newsroom.

More from Daily Somalia