Wednesday, May 22, 2024
HomeNews"Imtixaankii Dugsiga sare dhaqaale la'aan ayaan la sixi la'nahay"

“Imtixaankii Dugsiga sare dhaqaale la’aan ayaan la sixi la’nahay”

Garowe(Dailysomalia), July14. Wasiiirka Waxbarshada Puntland oo warbixin ka siinayay Baarlamaanka Puntland xaaladda waxbarasho ee Puntland ayaa sheegey in ay jirto dhaqaaalo la’aan loo sixi la yahey Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Puntland.

Wasiirka oo sheegey ay jirto caqabado badan oo heysta imtixaanka taas oo ay ugu daran tahay dhanka dhaqaalaaha iyo in aysan ku filneyn keliya lacagaha waalidiintu ku bixiyaaan imtixaanka taas oo noqota celcelis ahaan in ka badan 50%.

Sidoo kale waxa uu sheegey iney hay’adihii ka caawin jirey ay goosteen caawimaaadoodii iyadoo hay’aduhu bixin jireen ku dhawaad 40% kiiba.

Wasiirku wuxuu sheeegey in imtixiaankii 8aad-ka Dugsiga Hoose la saxey balse Fasalka 4-aad ee Dugsiga sare aan la sixin.

Dawlada Puntland oo 16% bixin jirtay ayaan gebi ahaanba sannadkan bixin sida Wasiirku sheegay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments