Buuggan waxaa qoray Ustaad Maxamed Nuur Shire.
Qoraagu buuggan wuxuu ku howlannaa 12 sano. Qoraagu buugga wuxuu diirrada ku saaray dhaqan-siyaasadeedka Soomaalida ee keenay burburkii qaranka, welina loo la’yahay qaran macna leh. Buuggu wuxuu ku qotomaa cilmi baaris.
Dhiganaha wuxuu qoraagu ku lafagurayaa, xoog-adeegsigu inuu ka mid yahay wixii keenay burburka qaranka, iyada oo uu buuggu arrinkan caddeyn uga keenayo tagtadii soo taxnayd tan iyo jeerkii dalku uu helay gobanimada uuna noqday dowlad madax banaan oo ka mid ah quruumaha dunida. Cutubyada buugga qoraagu wuxuu sidoo kale ku faaqidayaa, sida musuqmaasuqu u halakeeyey qarannimada Soomaaliya, caddeymaha dhibkaasna waxa uu buuggu u sawirayaa si qotodheer.
Qoraagu wuxuu si qoto dheer u taxliilinayaa doorka jabhadihii hubaysnaa ee dalka ka dillaacay iyo ururo diimeedyada xag-jirka ay ku lahaayeen ragaadinta dalka.
Buuggan nuxurka badan xambaarsan qoraagu wuxuu ku dul istaagayaa arrimo badan oo uu u tiirinayo kadeedka ka dhacacay dalka, arrimahaas waxaa ka mid ah: xoog-adeegsi, waddaniyad xumo, aragti Diimeed Khaldan, musuqmaasuq, kaadsiimo la’aan, danaysi gaar ah, isku tiirsanaan la’aan, fahan la’aanta dawladnimada, qaybaaladda, aanooyinka, moogganaan, isku halleyn, is-oggolaansho la’aan, iyo qorshe la’aan.
Qoraagu wuxuu ku soo xirayaa buugga dariiqa rejada iyo sidii looga bixi lahaa kadeedka daba dheeraaday ee ku habsaday dalka iyo doorka looga baahan yahay cid kasta.
Dhiganaha MAXAA KEENAY KADEEDKA SOOMAALIYA? ayaa noqday dhiganihii ugu horreeyay ee lagu gorfeeyo, gorfeynta buugaagta billaha ee The Daily Somalia Review of Books.
Halkaan ka dhagayso gorfeynta Buugga oo uu marti ku yahay Qoraa Maxamed Nuur Shire ayna soo qaban qaabisay Warbaahinta The Daily Somalia.
— The Daily Somalia (@TheDailySomalia) January 30, 2023
Buugga waxaa laga heli karaa magaalooyinka dalka maktabadaha kala ah:
– Boosaaso: Risaala Bookshop
– Garoowe: Risaal Bookshop & Dhigaal Bookshop.
– Gaalkacyo: Risaal Bookshop
– Hargeisa, Burco & Boorame: Hema Bookshop.
Dhammaad.