Wednesday, September 18, 2024
HomeEditorialMustafe Cagjar oo dood ka dhex abuuray Soomaalida.

Mustafe Cagjar oo dood ka dhex abuuray Soomaalida.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar Cagjar ayaa shalay Deegaanka feer-feer ee dhacda Xuduudda Soomaaliya & Itoobiya ka yiri “Si aan uga hortagno cadowga, waxaan samayn doonaa aag ka caaggan argagixisada oo ka baxsan xudduudeenna”

Taas oo ka dhigan in ciidanka Dawlad Deegaanka Soomaalidu ay xeryo ciidan ka sameysan doonaan gudaha dhulka Soomaaliya ee dhanka xudud beenaadka xiga.

Hadalka kasoo yeeray Mustafe Cagjar ayaa siyaabo kala duwan loo Fasiray iyadoo inta badan Aqoon-yahanka Soomaalidu ka horyimid hadalkaas.

Qoraa Ibraahim Hawd ayaa sidan uga Fal-celiyay:

Halka Qoraa Cabdulqaadir Diiriye oo xagal kale ka eegay sidaan uga falceliyay:

Madaxwayne Musfata Cumar oo jigjiga ku laabtay kaddib todobaad uu socday hawl-gal ka dhan ah Al-shabaab ayaa ka jawaabay fal-celin ka dhalatay haddalkiisii shalay ee Feer-Feer wuxuuna yiri:

 “Soomaalinimada iyo karaamada shacabka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan oo ay ugu horreeyaan kuwa Jamhuuriyaddu cid naga jeceli ma jirto”.

”Dhiiggayaga iyo lafahayaga haddii la shiido waxaa laga helayaa ‘Soomaalinimo’.”

“Xudunta Soomaali oo dhan meelay ku nooshahayba waxay taallaa deegaanka Soomaalida (Soomaaligalbeeed). Soomaali jacayl waakii aan calanka deegaanka u beddelay ee aan astaanta soomaalinimo ugu dhex muujinnay (Buluugga).

”Ma jiro dhul iyo xuduud aan cid ku haysannaa laakiin haddii marka ay (Al shabaab) weerarka soo qaadayaan iyada oo la arkayo cid wax ka qabanaysaa ayna jirin, waa inaan ka hortagno”.

Dawladda Federaalka ayaa weli ka jawaabin hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaali Galbeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments