Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali.
Waa safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo intii dib loo soo doortay 15-kii May.
Safarka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli ay dagaallo ka dhan ah Al-shabaab kasocdaan gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyada oo magaalooyin iyo deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Hiiraan & Galgaduud laga xoreeyay Al-shabaab.
The daily Somalia ayaa horey u baahisay in Madaxweyne Xasan uu booqan doono Itoobiya kadib shirka qaramada Midoobay oo asbuucan ka dhacay New York.
Socdaalkaan ayaa ku soo aadaya xilli ay Ciidan ka tirsan Militeriga Itoobiya ay billowgii bishii hore soo galeen gudaha Soomaaliya, isla-markaana ay Itoobiya sheegatay in ay fariisimo ciidan ka sameysan doonto gobollada Xuduudda la leh dalkeeda.
The Daily Somalia ayaa rumaysan markii uu meesha ka baxay Farmaajo oo ahaa saaxiibka Abiy Axmed in Itoobiya isu diyaarisay in ay dib u soo celiso faragalintii Soomaaliya, maadaama Madaxweyne Xasan Sheekh & Abiy Ahmed aysan isku aragti ka aheyn arrimaha Geeska gaar ahaan Dagaalka ka socda Gobolka Tigrey-ga.
Itoobiya ayaa dooneysa in ay gacanta ku dhigto degmooyin ku yaalla Bay, Bakool iyo Hiiraan, si maamullada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle looga xukumo Addis ababa, si la mid ah, sida Kenya u xukunto maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo.
Tallaabooynkaas siyaasadeed ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu safar ku tagay dalka Masar oo Itoobiya isku yahaan muranka biyaha wabiga Niil, isla-markaana Xasan iyo Al-Siisii ka wada hadleen arrinka biyaha.
Booqashadii M. Xasan Sheekh ee Masar ayaa Madaxweynaha Masar yiri. “Waxaan isla garanay Soomaaliya in falal hal dhinac kaliya ah ay ku tahay halis Arimaha Biye-xireenka” inkastoo Villa Somalia ay beenisay goor dambe, mar kalena ay raalli gelin ka bixisay.
Masar ayaa isku dayeysa inay Soomaaliya u adeegsato inay qeyb ka noqoto cadaadiska la saarayo Itoobiya oo biyo-xireen ka sameysay webiga Nile, oo halis ku ah malaayin Reer Masar oo webigaas ka hela biyaha ay isticmaalaan.
Sidoo kale MW Xasan wuxuu garabka ku dhuftay Isbaheysigii Saddex geesoodka ahaa ee Itoobiya iyo Eritrea ku wehliyeen Soomaaliya, inkasta uu booqday Eritrea oo uu lasoo kulmay ciidamada halkaas lagu tababaray, wuxuu sidoo kale uu si toos ah u codsaday ku biiritaanka Daladda Bulshada Bariga Afrika oo ah Urur ka mustaqbal fiican Itoobiya iyo Eritrea.
Haddaba Safarka Madaxweynaha ee Addis Ababa ayaa u jeedkiisu yahay sidii meesha looga saari lahaa mad-madowga diblumaasiyadeed ee labada dal soo kala dhex galay tan & booqasahadii Xasan Sheekh ee Masar.
Madaxweynuhu wuxuu la kulmi doonaa Madaxda ugu sarreysa ee dalka Itoobiya & Jaaliyaddaba.
Madaxweynaha ayaa Madaxda dalka Itoobiya la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.