Saturday, August 1, 2026
HomeEditorialPuntland 28 Sano Kadib: Dib-u-milicsiga Sooyaalka iyo Jiheynta Mustaqbalka

Puntland 28 Sano Kadib: Dib-u-milicsiga Sooyaalka iyo Jiheynta Mustaqbalka

Curashadii Puntland ee 1-dii Agoosto 1998 waxay iftiin iyo rajo weyn u ahayd bulshada Soomaaliyeed. Todobo sano kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxay dib u soo noolaysay rajadii ahayd in dowladnimo, kala dambayn iyo nabad laga hirgelin karo qayb ka mid ah dalka, isla markaana ay horseedi karto dib u unkidda dowlad Federaal ah oo mideysa ummadda Soomaaliyeed.

Himiladii iyo hanka Soomaaliyeed ee ay lahaayeen aasaasayaashii Puntland waxay noqdeen mabda’ sharaf leh iyo aragti fog oo dhiirrigelisay Soomaali badan. Taasi waa sababta Puntland loogu naanayso “Hooyada Federaalka Soomaaliyeed”, maadaama ay hormuud u noqotay hirgelinta nidaamka federaalka ee markii dambe saldhig u noqday dowladnimada Soomaaliya.

Guushaasi-se ma ahayn mid si sahlan ku timid. Waxay ahayd natiijada dadaal, tanaasul iyo shirar adag oo ay galeen isimadii dhaqanka, siyaasiyiintii iyo waxgaradkii Soomaaliyeed, kuwaas oo gartay in xasilloonida dhulkooda ay tahay tallaabada ugu horreysa ee lagu soo celin karo dowladnimadii Soomaaliyeed ee luntay.

Muddo 28 sano ah, Puntland waxay gaartay horumar muuqda dhinacyo badan. Si kastaba ha ahaatee, weli waxaa jira hawlo badan oo u baahan in la qabto. Sidaas darteed, sanad-guuradani waa inay noqotaa fursad lagu milicsado wixii la soo maray, lagu qiimeeyo halka la joogo, laguna dejiyo hiigsi cad oo ku wajahan mustaqbalka.

Dowlad kasta waxaa dhisa aragti iyo qadiyad ay u taagan tahay. Sidaas awgeed, waxaa waajib ku ah jiilkii aasaasay Puntland iyo madaxda maanta joogta inay jiilka soo koraya u gudbiyaan himilada iyo qiyamka dowladnimada, si ay u noqoto dhaxal ay jiilba jiilka kale uga tagaan. Qadiyaddu ma aha mid is beddesha, balse waa la cusboonaysiin karaa hababka lagu gaadhayo himiladeeda. Mashruuca dowladnimadu waa aragti ay jiilashu wadaagaan, kuna suntan quluubta waayeelka iyo dhalinyarada.

Qadiyadda Puntland ma ahayn mid ka dhalatay duruufo keliya, balse waxay salka ku haysay halgan qaran iyo himilo Soomaaliyeed oo soo taxnayd muddo dheer. Waxay ka dhaxashay iftiinkii dhaqdhaqaaqyadii gobannimo-doonka Soomaaliyeed, gaar ahaan doorkii SYL, taasoo muujinaysa in dowladnimadu tahay mashruuc jiilal badan ay wada dhiseen.

Sanad-guuradan waxay ku soo beegmaysaa xilli Soomaaliya ay wajahaysay caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo halis gelinaya wadajirkeeda. Khilaafaadka dastuuriga ah, jahawareerka doorashooyinka, musuqmaasuqa, hoggaan xumada iyo faragelinta shisheeye ayaa caqabad ku noqday horumarka dowladnimada. Waxaa intaas dheer isbeddellada istaraatiijiyadeed ee ka socda Geeska Afrika iyo colaadaha caalamiga ah, kuwaas oo Soomaaliya, maadaama ay ku taallo marin istaraatiiji ah, ka dhigaya meel ay saameyntoodu si toos ah u gaarto.

Marxaladdan, waxaa lama huraan ah in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada reer Puntland. Waa in si mideysan looga hortagaa khatar kasta oo dibadda uga timaadda, iyadoo aan loo oggolaan faragelin dhaawici karta madax-bannaanida iyo xasilloonida Puntland.

Sidoo kale, waxaa masuuliyad kawada saaranmuxaafidka iyo mucaaradka ilaalinta dowladnimada iyo danta guud. Xukuumadda waxaa si gaar ah loogafilayaa inay xoojiso wadajirka bulshada, isu keentoaragtiyaha kala duwan, dhegaysatana codadkadhaliilsan siyaasaddeeda. Dulqaadka siyaasadeed, ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah iyo aqbalidda kala aragti duwanaanta ayaa ah tiirarka dowladnimo waarta.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in xukuumadda ay sidaacadnimo leh uga jawaabto tabashooyinka bulshadaiyo gaabiska adeegyada dowladda. Caddaaladda bulshada, isla xisaabtanka iyo maamul wanaaggu waa tiirarka lagu ilaaliyo dowladnimo iyo wadajir bulsho.

Puntland iyo Marxaladda Soo Socota

Puntland waxaa horyaalla ajande muhiim u ah mustaqbalkeeda iyo kaalinteeda Soomaaliya, waxaana ka mid ah:

• Ka qayb qaadashada xal waara oo laga gaaro khilaafaadka dastuurka iyo doorashooyinka Federaalka Soomaaliya.

• Dhamaystirka geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo shuruucda doorashooyinka Puntland.

• Xoojinta wada hadalka siyaasadeed iyo dhageysiga aragtiyada mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

• Dhismaha hay’ad madax-bannaan oo la dagaallanta musuqmaasuqa, kana shaqeysa maamul wanaag iyo isla xisaabtan. Sidoo kale ilaalintamadaxbanaanida Hay’adda Hanti-dhowrkaPuntland.

• Dardargelinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaanwaddooyinka Ceeldaahir–Badhan, Xarfo–Gaalkacyo, Bosaso – Qandala, Kalabayr–Caluula, Dangorayo – Eyl iyo Garacad–Tuurdibi, iyo dhamaystirka adeegyada DekeddahaBoosaso iyo Garacad iyo dib-u-dhiska Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

• Dhisidda isbitaallo takhasus leh iyo gaarsiinta adeegyada caafimaadka deegaannada fogfog.

• Xal u helidda biyo yarida iyo abaaraha soonoqnoqda iyo saamaynta isbadelka cimilada.

• Tayaynta Waxbarashada asaasiga ah iyo tan sare, iyadoo muhiim ay tahay xukuumaddu inay fuliso miisaaniyadda waxbarashada oo aan helin wax ku filan.

• Dhismaha xarumo cilmi baaris iyo kuwahorumarineed kuwaasoo dowladda ka caawiyajihaynta iyo dajinta qorshayaal istiraatiiji ah. 

• Casriyeynta Ciidanka Daraawiishta, hubinta xuquuqdooda, tayeyntooda iyo qalabayntooda, si loo helo ciidan qaran oo beddela ku tiirsanaanta maleeshiyaad beeleed.

• Dib-u-habaynta garsoorka iyo xaqiijinta caddaalad hufan oo bulshada kalsooni ku qabto.

Ugu dambayn, xuska sanad-guurada 28-aad waa inuusan ku ekaan dabaaldeg iyo lulidda calanka oo keliya. Waa inuu noqdaa toddobaad lagu xusuusto taariikhdii aasaaska Puntland, lagu maamuuso haldoorkii dhisay, laguna baro jiilka cusub halgankii, himiladii iyo qiyamkii ay Puntland ku dhalatay.

Waxaa habboon in la qabto doodo, waraysiyo iyo barnaamijyo ay ka qayb qaataan aasaasayaashii Puntland iyo jiilalka dambe, si bulshada loogu gudbiyo waayo-aragnimadii iyo casharradii laga bartay safarkii dheeraa ee dowladnimada. Xukuumaddu waa inayErgooyinka ay ku martiqaadayso munaasabadan ay noqdan kuwa wax kusoo kordhinaya reer Puntland xambaari karana fariinta iyo qadiyada reer Puntland. 

Bulsho aan taariikhdeeda aqooni ma dhisi karto mustaqbal adag. Sidaas darteed, waa in sanad-guuradu noqotaa isku xiraha tagtada, joogtada iyo hiigsiga mustaqbalka, si jiil walba u fahmo halka laga yimid iyo halka loo socdo.

Sanad-guuro Wacan Puntland.

Abdirahman Abdirisak

Garowe – Puntland 

1da August, 2026

Bincawf12@hotmail.com

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments