Wednesday, September 18, 2024
HomeEditorialQIIMEYN: AFAR SANO IYO AHMED BARRE DUQA DEGMADA GAROWE!!

QIIMEYN: AFAR SANO IYO AHMED BARRE DUQA DEGMADA GAROWE!!

Duqa Degamada Garowe mudane Ahmed Barre waxaa la dooratay 2018 bishii 8aad, waxaa maanta u buuxsantay afar sano oo ka mid ah muddo xileedkiisa shanta sano ah haddaba waxaan rabaa ragtidayda waxyaabihii laga rabay in uu qabto maxaa uga qabsoomay in halkaan ku falanqeeyo.

Waxaan is la fiirinaynaa baahiyaha Degamada Garoowe ee bulshada caasimadda ku dhaqan ay rabto in wax laga qabto kuwa ugu muhiimsan waa:

  • Biyo-macaan oo raqiis oo gaara guri kasta oo caasimadda ku yaala.
  • Koronto Jaban oo aad raqiis u ah uuna awoodo qof kasta.
  • Dhulalka magaalada in qiimahooda la jabiyo dawladuna la wareegto mulkiyadooda markaas bulshadu ay ku hesho qiima jaban oo macquul ah.
  • Dhiraynta iyo caagaarinta wadooyinka iyo xaafadaha caasimadda.
  • Xaafad kasta in ay hesho xarun Police oo aminga xaafadda si guud u ilaalisa.
  • Kor in loo qaado faya dhowrka iyo nadaafadda magaalada iyagoo laga hortagayo wax kasta oo caafimaad daro keeni kara, waddo kasta la dhigo goobaha qashinka lagu rido.
  • Wadooyin yar yar oo xafadaha dhex mara oo ka samaysan dhagax la is galgaliyo si bilicda iyo nadaafadda caasimadda kor loogu qaado.
  • Labada bar kantarool ee magaalada oo la casriyeeyo.
  • Xarumo caafimaad iyo waxbarasho oo dawaddu hoose leedahay oo free u ah dadweynaha caasimadda.
  • Kor u qaadidda wacyiga shacabka caasimadda iyadoo la abuurayo barnaamijyo iskaa wax u qabso ah oo lagu hormarinayo caasimadda.
  • Abuurista gaadiid dadweyne oo ay dawladdu hoose leedahay oo iskugu jira Taxi iyo basas oo bulshada caasimaddu qiima jaban kuu raaci karaan.
  • Tayaynta gudoomiyaasha xaafadaha caasiamdda.
  • Beerta nasashada caasimadda oo ah goob aad loo cagaariyay looguna tala galay in ay bulshado maalmaha fasaxa u nasasho tagto iyadoo si bilaash lagu galayo.
  • U diyaarinta Garowe in ay hesho goobo dalxiis oo casri ah.
  • Dhisidda Hal masjid oo weyn oo aad u qurux badan qaadana bulsho badan.
  • Taageeridda hal-abuurka iyo ganacsiga yaryar, qabashada shirweynayaal lagu taageerayo.
  • Diyaarinta qorshaha hormarinta caasimadda 10ka sano ama 20ka sano soo socda.
  • Ka shaqeynta in la helo goobo ganacsi oo waaweyn oo isku dhow ama in la abuuro aag [Zone] loo yaqaan [City Market] ama suuq weyne halkaas oo shirkadaha iyo ganacsiyada waaweyn laga siiyo dhul ay dhistaan, wadooyin fiican iyo baakinno leh, qorsho muddo fog ahna loo sameeyo.
  • Dayactirka iyo nalaynta Xaafadaha  maagalada iyadoo la isticmaalyo Soolarka.
  • I.W.M

Haddaba mudadii afarto sano ee uu joogay duqa caasimadda Ahmed barre arimahaan kor ku xusan oo baahiyaha caasimadda ah muxuu ka qabtay waxaa la rabaa suaashaas in laga jaawaabo oo doodo laga yeesho?.

Aniga ahaan hiigsiga iyo filashadii shacabka waxaa uga qabsoomay wax ka yar 10% oo waxaa u moodda qorshaha marka hore isku sharraxay Mayorka oo ahaa mid aan waxqabad badani ku jirin muddo shan sano ah wuxuuna u muuqday mid aan ka tarjumayn baahiyaha caasimadda Garoowe ee tirada badan oon qaybtood kor ku xusnay, Isku fiiri lifaaqa nuxurkii barnaamijka waxqabad ee mayor iyo baahida degmada waxaa kusoo baxaya in barnaamijkiisa siyaasadeed uusan ahayn mid baahida dhabta ah ka tarjumayaa, natiijadeedna aan maanta uwada jeedo [Waxba naga ma qarsoona].

F.G: Arimaha aan kor ku xusay maaha in muddo 5 sano ahi wax looga qaban karo waa ogahay waa arimo waaweyn oo u baahan wakhti badan in ay hirgalaan laakiin ugu yaraan afartaa sano ee soo dhaaftay waxaa laga qaban karay wax fiican inta dhiman waxaa la bilaalbi karay qorshayaasha

 lagu hir galinayo iyadoo si daahfurnaan ah bulshada  caasimadda ku dhaqan ay ula soconyaso hawlo shaqo ee socda, kana war hayso bulshadu cashuurta ay bixiyaan waxa lagu qabanyo.

Duqa caasimadda Ahmed barre waxyaaba badan baa u qabsoomay ay ka midyihiin wadooyin waaweyn in uu dhisay, Xarunta Dawladda hoose in uu casriyeeya, iyo waxqabadyo kale oo badan oo la qabtay mudada afarta sano ahayd.

Dhaliilo waxaa ka mid ah aan usoo jeedinayo duqa caasimadda Garoowe:

  • Nalalka laamiyada oo iska dansan iyo magaalada oo habeenkii wada mugdi ah.
  • Canshuuraha sharci darrada ah oo aysan ansixin Golaha Wakiillada & Golaha deegaanka Degmada oo lagusoo oogay Tagaasida Dhaweeyaha & Bajaajta.
  • Qaababka Dawladda Hoose u bixiso Contracts-ka gaar ahaan Afduubka Dhulka Degmada Garoowe oo loo xiray Notaayooyin gaar ah.
  • Tuulooyinka Degmada hoos yimaada oo wax adeego ah oo badan aan laga fulin.
  • I.W.M

Isbadelku waa xanuun badan yahay wuxuuna rabaa in wakhti loo huro, guushu waxay rabta geesinimo, karti, daacadnimo, iyo aqoon shaqo, Caasimaddu waxay rabtaa hogaamiyhii guushaas aan kuwada riyoonayno dhalin kara oo taariikh iyo magac lama ilaawaan ah ka tagi kara ee ma rabno mid naga shaqaysta oo bari markuu tago aan waxa uu qabtay la sheegi Karin.

Xudayfe Shade, Garowe, Puntland-Somalia.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments