ARAR
Aas-aaska Puntland-na waxaa gundhig u ahaa laba ujeeddo oo kala ahaa; in lagu kala nabad galo, oo dagaallada sokeeye aysan soo laaban, iyo in Puntland ay u noqoto udub-dhexaad raadinta iyo u qareemidda dowlad Soomaaliyeed oo dib loo yagleeyo. Labadaas qodob waxaa sii xoojinaya ararta Axdiga lagu aas-aasay Puntland oo lagu caddeeyay in ujeedku yahay in carruurteenna aan dhaxalsiinno nolol nabad, caddaalad, baraare, iyo sugnaansho leh. Haddaba, waxaa lagama maarmaan noqday in hay’adihii amniga sida Booliiska iyo Daraawiishta ay la bilowdaan dowladnimada Puntland maadaama ay lama huraan tahay si loo xaqiijiyo himiladaas in la helo hay’ado rayid ah iyo kuwo ciidan.
Ciidanku guud ahaan, waa seeska iyo lafdhabarta dowladnimada casriga ah, waxa ay u xilsaaran yihiin sugidda amniga gudaha iyo kan dibadda iyo ilaalinta bedqabka muwaadiniinta. Sida ku cad Qodobka 86aad ee Dastuurka Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, lambarkiisa 1aad oo qeexaya (Ciidammada Nabadgelyada Puntland), wuxuu sheegayaa in ciidammada nabadgelyada Puntland ay u xilsaaran yihiin sugidda amniga gudaha iyo xudduudaha Dowladda Puntland, waxayna ka kooban yihiin:
1. Daraawiishta.
2. Booliska.
3. Nabadsugidda. Iyo
4. Asluubta.
Laamaha amniga Puntland waxay soo mareen marxalado kala duwan iyo duruufo kala geddisan, ma doonayo inaan dhanka sooyaaleed xoogga saaro, balse waxaan rabaa inaan si shaqsi ah u cabbiro xaaladda 25-sano kadib ay ku sugan yihiin laamaha amniga Puntland, saddex talo oo ka turjumaya dareen masuuliyadeedna aan raaciyo.
HAY’ADAHA AMNIGA PUNTLAND 1998 ILAA 2024:
Sida sugan isbeddel walba oo dhaca oo wax aan horay u jirin lagu yagleelayo ama wax jiray wax lagaga beddelayo waxa uu inta badan maraa saddex heer oo kala ah: bilow,isbeddel, iyo dhisme. Haddaba, innaga oo ka duulaynaa xeerkaas ayaan si kooban waxaan dib u milicsan doonnaa marxaladihii ay soo mareen hay’adaha amniga Puntland:
1. Marxaladdii Aasaaska: 1998 ilaa 2009
Puntland, muddadaas 11-ka sano ah waxa ay ku jirtay Puntland heer bilow ah, waxa la bislaynayay oo habraac iyo xeerar loo beddelayay aragtidii ay ku fadhiday aasaaska Puntland. Marxaladda aasaasku waa midda ugu dhibaatada iyo khilaafka badan, maadaama inta badan aysan jirin xeerar iyo shuruuc si waafi ah u kala qeexaysa waajibaadka iyo masuuliyadaha laamaha amniga. Dhanka kale, Axdigii lagu aasaasay Puntland oo ka koobnaa 35 qodobmarxaladdaasna lagu dhaqmayay, meelna lagagama xusin laamaha amniga iyo shaqooyinkoodaba. Taasi waxay muujinaysaa in lagu jiray marxalad bilow ah. Marxaladdaasna Puntland waxaa la aasaasmayciidanka Booliiska iyo ciidanka Daraawiishta, halka ciidanka Asluubta la yagleelay 1999kii. Waxaa sidoo kale, duruuf amni oo heer caalami ah ku dhismay xilligaas Ciidamada Amniga Puntland – PSF oo horey loo oran jiray PIS.
2. Marxaladdii Isbeddelka: 2009 ilaa 2019
Puntland, marxaladdaan waxay gashay heer isbeddel. Waxaa la ansixiyay Dastuurka Puntland Aug. 2009kii, kaas oo lagu qeexay oo keliya qaybaha ciidanka nabadgelyada Puntland, waxay ahayd isbeddel axdigii hore lagaga guuray. Dhanka kalena, waxaa dhammaystirmay dhismaha hay’adihii amniga ee dastuurku qeexay, waxaana la sameeyayHay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda. Waxaa iyaguna samaysmay xilligaas hay’ado amni oo ka madax bannaan kuwa dastuuriga ah sida Ciidanka Booliiska Badda Puntland – PMPF
2. Marxaladda Dhismaha: 2019 ilaa Maanta
Marxaladda dhismuhu waxay kusoo beegmatay Puntland oo 20-sano jirsatay, marxaladdaan inta badan waa xilliga ay dhismaan hay’adaha dowladeed – sida kuwa amniga, waxayna ka turjumaysaa qaybtani 5-tii sano ee lasoo dhaafay dib-u-habayntii ciidanka Puntland lagu sameeyay iyo hay’adihii amni ee samaysmay sida Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland – PISF.
DHIBTU WAA DHANKEE?
Marka laga hadlayo dhismaha ama dib-u-habaynta laamaha amniga waxaa jira labo aragtiyood oo soojireen ah, lana tixgeliyo mar kasta, waxayna kala yihiin aragtiyahaasi: 1. Aragtida Tirada: waxaana loola jeedaa in xoogga la saaro tirada ciidanka, iyo tirada hubka ay adeegsanayaan Iwm. 2. Aragtida Tayada: waxay ka dhigan tahay in diiradda la saaro tayada qofeed, xeeladaha iyo xirfadaha ay adeegsadaan ciidanku, iyo awooddooda.
Labada aragtiyood way is weydaarsan yihiin, oo tan hore waxay ku tiirsan tahay tirada, halka ay tan kale diiradda saarayso tayada; oo ah danaynta shakhsiyaadka ciidanka noqonaya. Haddaba, waxaa muuqata kolka dib loo milicsado marxaladihii ay soo mareen ciidanka nabadgelyada Puntland in awoodda la saaray dhanka tirada. Taas waxaa caddayn u noqon karta in maanta Puntland ay leedahay 7 talis ciidan oo kala madax-bannaan, 4 dastuurku xusay iyo 3 kala samaysmay marxaladihii saddexda ahaa ee aynu soo sheegnay:
1. Ciidanka Daraawiishta Puntland/ Puntland Defence Force: Waxaa loogu yeeraa sidoo kale Ciidanka Difaaca Puntland, waa ciidanka u xilsaaran difaaca xudduudaha, iyo ka-hortagga khataraha bannaanka ka imanaya, waa ciidan u samaysan hab milliteri, marka loo eego shaqadooda.
2. Ciidanka Booliiska Puntland/ Puntland Police Force: Ciidammada Boolisku waa jihada ay tahay in ay si toos ah gacanta ugu hayso amniga gudaha, iyada oo loo marayo in ciidankaasi noqdo mid shibil ah oo xiriirfiican la leh bulshada.
3. Ciidanka Asluubta Puntland/ Puntland Custodial Corps Force: Ciidankaani waa kuwa gacanta ku haya xabsiyada Puntland, sidoo kale, shaqadooda waxaa ka mid ahhaynta, ilaalinta, u qareemidda, iyo dhaqancelinta maxaabiista xukuman iyo kuwa garsoor-sugayaasha ah. Waxay ciidankani wadashaqayn dhow la leeyihiin laamaha caddaaladda iyo garsoorka.
4. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Puntland/ Puntland Intelligence and Security Agency: Waa hay’adda masuulka ka ah dhammaan arrimaha la xiriira sirdoonka.
5. Ciidanka Amniga Puntland/ Puntland Security Force – PSF: Ciidankan waxaa la aasaasay xilligii muddo-xileedkii Mad. Cabdullaahi Yuusuf Axmed AHUN. Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la-dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaas Sebtember 2001-dii wixii ka dambeeyay soo xoogeysatay. Ciidanka PSF, dowladda Maraykanka ayaa si dadban taageero ugu bixisay dhismahooda, tababarkooda iyo gacan ku hayntooda maaliyadeed.
6. Ciidanka Badda Puntland/ Puntland Maritime Police Forces – PMPF: Dhammaan dhismaha, dhaqaalaha, tababarrada, arrimaha farsamo (logistics), iyo maamulka sare ee Ciidanka Badda Puntland ee PMPF waxaa gacan ka siisay Puntland dowladda Imaaraatka Carabta, saldhiggooduna wuxuu noqday magaalada Boosaaso, waxaana ciidankaan la aasaasay dhammaadkii sanadkii 2010kii, iyo bilowgii sanadkii 2011kii. Hindisaha aasaaskooda waxaa gundhig u ahaa bulshada oo ka dhiidhiday burcad-badeedkii kusoo batay xilligaas deegannada Puntland, taas oo ugu dambayn keentay in la dhiso hay’ad maxalli ah oo u idman la-dagaalanka burcad-badeedka.
7. Ciidanka Gaarka ah ee Sirdoonka Puntland/ Puntland Intelligence Special Forces – PISF: Waa ciidan ku aasaasmay wareegtadii Madaxweyene Siciid Cabdullaahi Deni ee soo baxday March 4, 2022kii kuna astaysnayd in ciidankii PSF loo kala saaray laba hay’adood oo leh laba talis oo kala madaxbannaan; Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland(Puntland Intelligence Special Forces), iyoCiidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).
Iskusoo wada duuboo, dhibtu waa waa dhanka tirada oo xoogga la saaray iyo waliba hab-dhismeedka iyo hawlgelinta hay’adaha amniga Puntland oo aan ahayn mid cad, sidaa oo kalena aan lahayn wadiiqo kala xadaysan ooshaqo. Arrintana ayaa qayb wayn ka ah fashilka amni ee jira. Waxaana ka dhalan kara arriamahaa; kala qaybsanaan bulsho, kalsoonidarro ka dhex dhalata ciidammada kala duwan ee Puntland, amni xumo, ismaquunin, awood isu sheegasho, iyo dilal qorshaysan oo looga faa’iidaysto wadashaqayn la’aanta ciidammada. Haddaba, arrintaan ayaa keenaysa in laga fekero dib-u-habayn dastuuri ah oo lagu sameeyo hay’adaha amniga, si ay u noqdaan kuwo u diyaarsan aqoon ahaan iyo awood ahaanba in ay hirgeliyaan qorshayaasha iyo siyaasadaha amni.
TALOOYIN:
Dib-u-habaynta hay’adaha dowladda dhinaca ugu adag, waqtiga ugu badanna qaata waa kolka la jooga dhanka hay’adaha amniga. Guntimaha ugu adag ee furfuridda u baahanmarka lagu guda jiro dhisidda ciidankana waa in la qeexo mabaadii’da ay ku taagan yihiin, iyo shaqooyinkooda. Haddaba, waxaan kusoo gunaanadayaa qormadaan talooyinka soo socda:
1. Sida ku cad Qodobka 86aad ee Dastuurka Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, lambarkiisa 2aad; xeer gaar ah ayaa nidaaminaya dhismaha iyo waajibaadka ciidan kasta. Haddaba, xeerkaas oo aan wali samaysmin waa in la abuuro, la meelmariyo oo la hirgeliyo si xal waara loogu helo rabshadaha iyo qalalaasaha la xiriira dhanka awoodaha ee ka dhex dhacaciidanka, isla markaana loo mideeyo cududda ciidammada amniga Puntland, loona sameeyo istiraatiijiyad amni oo ay ku midaysan yihiin.
2. Xoojinta Aragtida Tayada ee ciidammada. Puntland waxay u baahan tahay maanta tayayn ciidan iyo in ay dhisto caqiido ciidan oo xooggan, taas oo hagta ciidankeeda si ay ugu fuliyaan howlgalladooda habka ugu wanaagsan. Waa in tayada askariga mudnaanta la siiyo si loo helo ciidan leh tayo aqooneed, tababar xirfadaysan & caqiido sal adag leh.
3. Dhammaan magaalooyinka waawayn ee Puntland waxa ay u nugulyihiin in khalkhal amni oo gudaha ahi ka dhaco xilli kasta, maadaama aysan kala saarnayn awoodaha iyo waajibaadka hay’adaha kala duwan ee amni. Haddaba, si loogaa baaqsado dayac amni waxaan ku talinayaa samaynta iyo hirgelinta Siyaasadda Amniga Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland (Capital City Safety Policy).
W/Q: Aadan Salaad Maxamuud – Badiic
Email: Adansaladmoha@gmail.com
Garoowe, Puntland, Somalia