Badhan, Sanaag: Deegaanka Milxo ee buuraleyda Calmadow waxa god dahab oo ku dumay abbaarihii 12-ka habeennimo 07-dii October wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Siciid wuxuu in ka badan 35 saac ku jiray god ku yaal buuraleyda Milxo oo ka tirsan Laasqoray, ma jirin wax gurmad Dawladeed ah oo soo gaaray tan & intii uu ku go’doonsanaa godkaas.
Sidan oo kale dhowr jeer ayaa dad kala duwan iyaga oo nool godad ugu dumeen buuraha dahabka ee Calmadow ka dibna lagu duugey – maadaama aysan deegaanka ka jirin tasiilaad lagu badbaadin karo.
Dedaal socda laba maalmood oo dadka deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag wadeen ayay ku guuldarraysteen in nolol lagu badbaadsho Maxamed.
Ugu dambeyn hadda oo ay tahay 11: 00 Duhurnimo ayaa la helay Meydka Maxamed Siciid oo aan is haysan
Xildhibaan Cabdi Qowdhan oo laga soo doorto gobolka Sool & Sen. Zeynab Tiimbiye ayaa noqday labad mas’uul keliya ee ka hadlay dhacdada wiilka godku ku dumay.
Deegaanka Milxo ayaa ah deegaan laga qoto Dahab, iyadoo sanadihii u dambeeyay ay halkaas tageen dad badan oo isugu jira Soomaali & Ajnabi wata qalab & warshado ay ku sifeeyaan dahabka ay ka qotaan iyadoo 1g oo dahab ah ay siistaan $38 Dollar.
#MaxamedMilxo
#PrayForMaxamed
#PrayForSanaag
Sawirro.