Horraantii sannadkii 2011-ka, kumanaan qof oo reer Yemen ah oo cargaagtamaya ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha dalkaas, iyaga oo dalbanayey inuu xilka ka dego madaxweynihii muddada dheer xukumayey ee Cali Cabdalla Saalax. Ugu dambayn, MW Cali Cabdalla Saalax sannadkii 2012-kii ayuu aqbalay inuu xilka ku wareejiyo ku-xigeenkiisii Cabdirabbi Mansuur Haaddi, isaga oo beddelkeeda helay xasaanad sharciyeed.
Dhicitaankii Cali Cabdalla Saalax kadib, inkasta oo ay wada-hadallo gudaha ah ay socdeen, haddana waxaa jirtay qawadsanaan bulsho oo si weyn u faaftay. Weli Yemen waxay ka mid tahay meelaha ugu dhibaatada badan caalamka xagga macaluusha iyo caafimaadka, maadaama kaabayaashii dhaqaaluhu ay burbureen. Dagaalkuna wuxuu keenay in malaayiin qof ay qaxaan, qaar kale gudaha ku barakacaan, iyo in malaayiin kale ay qarka u saarnaadaan gaajo, waxaana ka dillaacay cudurro ay ka mid yihiin Daacuunka. Isbitaalladii, iskuulladiisii iyo nidaamkii biyaha ayaa badankood burburay.
Bishii Sibteembar ee 2014-kii, kooxda Xuutiyiinta oo taageero ka helayay ciidamadii daacadda u ahaa madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax ayaa qabsaday caasimadda waddankaas ee Sanca, iyaga oo markii dambe dalka ka saaray madaxweyne Haaddi.
Faragelintii Isbahaysiga Carabeed (2015-kii illaa hadda)
Bishii Maarso ee 2015-kii, isbahaysi ay hoggaaminayeen Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa bilaabay hawlgal millateri, si ay dib ugu soo celiyaan dawladdii sharciga ahayd ee Cabdi Rabbi Mansuur Haaddi, iyaga oo ka cararayey in saamaynta Iiraan ay gobolka biyo-dhigato.
Sannadkii 2017-kii, isbahaysigii u dhexeeyay Xuutiyiinta iyo Saalax ayaa burburay, taas oo keentay in Xuutiyiintu ay markii dambe dileen MW-hii kacdoonku salfaday ee Cali Cabdalla Saalax oo isku deyay inuu Sacuudiga la xirto.
Isbeddelladii Ugu Dambeeyay (2022 illaa 2024)
Qaramada Midoobay ayaa ku guuleysatay xabbad-joojin weyn oo dalka ka dhacday, in kasta oo si rasmi ah loo cusboonaysiin waayey, haddana dagaalkii ballaarnaa waa uu yaraaday. Wixii ka dambeeyay dhammaadkii 2023-kii, oo marinka Qasa uu noqday meel dadkiisu ay wajaheen xasuuqii u weynaa taariikhda casriga ah ee aadanaha, Xuutiyiinta oo taageeraya Falastiiniyiinta, islamarkaana ka jawaabaya duqeymaha aan kalajoogsiga lahayn ee Israa’iil ka waddo marinka Qasa, ayaa bilowday inay weerarto maraakiibta marta Badda Cas ee laga leeyahay Israa’iil, Maraykanka, Ingiriiska iyo kuwa ku wajahan dekedaha Israa’iil, taas oo keentay in Maraykanka iyo Ingiriisku ay duqeeyaan fariisimaha kooxda ee gudaha Yeman.
Kala Qaybsanaanta iyo Khilaafyada Gudaha
Dal-weynihii Yeman maanta waxa uu u qaybsan yahay aagag ay xukumaan Xuutiyiinta, dawladda la aqoonsan yahay, iyo kooxo kale, kuwaas oo ku kala daaban dawlado kala dano ah, sida Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Yeman oo raba in Koonfurtu ay ka go’do dalka intiisa kale, mararka qaarna isku dhacyo la galay dawladda rasmiga ah.
Dalka Yeman hadda uma jiro sidii hal dawlad oo midaysan, wuxuuna waddanku u qaybsan yahay saddex aag oo waaweyn oo ay xukumaan xoogag kala duwan:
- Waqooyiga waxaa gacanta ku haya kooxda Xuutiyiinta. Waxay maamulaan caasimadda Sanca iyo magaalooyinka muhiimka ah sida Xudaydah.
- Koonfurtawaxaa inta badan maamula Golaha Kala-guurka Koonfureed, kuwaas oo raba in Koonfurta Yeman ay ka go’do Waqooyiga. Waxay xarun u tahay magaalada Cadan.
- Dawladda caalamku aqoonsan yahayna waxay gacanta ku haysaa qaybo ka mid ah gobollada bariga iyo bartamaha sida Marib, inkastoo awooddeedu ay ku dhex milantay xulafada kale.
Kooxda Xuutigu waxay ku daaban yihiin dawladda Iiraan, yoolkooduna waa in ay gacanta ku wada dhigaan dalka oo dhan. Golaha Kala-guurku wuxuu ka shidaal-qaataa dawladda Imaaraadka, nuxurka mashruucooduna waa in Koonfurtu ay noqoto dawlad ka go’an dalkiisa intiisa kale. Halka Dawladda caalamku aqoonsan yahay ay dhabarka ku hayso dawladda Sacuudiga, himiladooduna waa in ay dib u hanato maamulka dalka Yeman.
Doorka Dawladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Iiraan
Inkastoo Sucuudiga iyo Imaaraadku ay markii hore u soo galeen Yeman iyaga oo ku midaysan in ay Xuutiyiinta ka takhalusaan, misana, dhawaanahan waxaa soo ifbaxay kala-duwanaansho qoto-dheer oo labadaan dawladood ku kala fogeeyay arrinta Yeman.
Waxaa la arkayaa in Sacuudigu uu heshiis nabadeed la galay kooxda Xuutiyiinta, isagoo taageeraya dawladda caalamku aqoonsan yahay, una socda in uu sugo amniga xuduudihiisa.
Imaaraadku waxay xoogga saareen gacan ku haynta xeebaha iyo jasiiradaha istaraatiijiga ah sida Suqadara. Waxay si buuxda u taageeraan kooxda dooneysa gooni-u-goosadka Koonfurta.
Iiran waxay Xuutiyiinta u aragtaa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhidibbada iska-caabinta maadaama ay yihiin bulsho qab weyn oo ku dhaqan bogcad istaraatiiji u ah dunida oo dhan iyo meel ay kula dagaallami karaan dawladaha ay loollamaan. Sidaa darteed, Iiraan waxay Xuutiga ka caawisaa tegnolojiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallaha riddada dheer, iyo aqoonta farsamada. Tani waxay Xuutiyiinta ka dhigtay awood ka duwan kooxaha kale ee Yeman, iyagoo awood u yeeshay in ay duqeyn karaan meelo fog-fog.
Maxaa socda hadda?
Haatan, xaaladdu waxay maraysaa bilow dagaal iyo hubanti-la’aan amni. Maadaama ay arrinta Yeman noqotay wax ka baxsan gacmaha Yemeniyiinta oo qura. Dalkaan ay colaaduhu hareeyeen ayaa weli waxaa korkiisa ku hardamaya dawladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga oo ku tartamaya saamaynta nabadda gobolka Bariga Dhexe. Imaaraadka oon aqbalsanayn baraarugga uu Sacuudigu ka wado dhinacyada wax-soo-saarka warshadaha, beeraha iyo dalxiiska ayaa wuxuu awooddiisa isugu geeyay in uu kala gooyo waddanka Yeman, si uu carqaladeeyo nabadgelyada uu Sacuudigu ku tiigsanayo hiraalkiisa 2030-ka.
Sucuudiga wuxuu rabaa Yeman midaysan oo nabad ah, si uusan khatar uga dareemin xuduudka dheer ee uu la leeyahay. Halka Imaaraadku uu xiiseynayo marinnada badda ee macnaha u yeelaya waddanka Yeman. Sidaa darteed, si ay u ilaashadaan nabadgelyada ganacsigooda, una xoojiyaan saamayntooda gobolka, waxay maalgashadeen dekedaha dalkaas, waxayna gacanta ku dhigeen jasiiradaha, sida Suqadara iyo Mayun.
Inkasta oo labada dawladood ay isugu mindiyo-lisanayaan dagaal lafajebis ah oo la isku xiniinya-taabanayo, suurtagalna ay tahay in xoogag kale ay ku kala biiraan oo Yemanna ay mar kale u martigeliso dagaal-wakaaladeed xooggan, misana waxaa xiisadda biyo ku shubi kara haddii uu Imaaraadku meesha ka saaro mashruuca kala-goynta Yeman oo khatar amni ku ah dawladnimada Sacuudiga, xiriirka dawlaha Sacuudiga iyo Iiran sii xoogeysta iyo xasuuqa Qasa ka socda oo xal rasmi ah loo helo, maadaama ay Xuutiga, Israa’iil cunaha kaga maran yihiin.
Barkhad Cabdulqaadir
Falanqeeye Arrimaha Siyaasadda Afrika iyo Bariga Dhexe ah