Wednesday, September 18, 2024
HomeNews”Dadnimadeenna doolshe ku gadan mayno!” – Kuuriyada Woqooyi oo furka ku xoortay...

”Dadnimadeenna doolshe ku gadan mayno!” – Kuuriyada Woqooyi oo furka ku xoortay dal dalab usoo bandhigay.

Pyongyang (dailysomalia) – Kim Yo Jong, oo ah walaasha awoodda badan ee Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi e Pyongyang e Kim Jong Un, ayaa sheegtay in waddankeedu aanu aqbali doonin “nacasnimada” kasoo yeertey Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed ee Yoon Suk-yeol ee ku saabsan faa’iidooyinka dhaqaale ee loo hayo haddii ay ogolaadaan hub ka dhigis nukliyeer ah, iyada oo ku eedaysay Seoul inay dib u soo celinayso soo jeedin ayhoray u diiddey.

“Waxa u fiicnaan lahayd sumcad ahaan inuu afkiisa xirto intii uu ku hadli lahaa hadal aan micno lahayn maadaama uusan haynin wax wanaagsan oo uu sheego,” ayay ka tiri Yoon.

Faallo ay daabacday warbaahinta Dowladda Jimcihii, ayay Kim Yo Jong waxa ay ku nuuxnuuxsatay in waddankeedu uusan wax niyad ah u haynin in uu bixiyo hubkiisa nukliyeerka iyo barnaamijka gantaalaha baallistigga si uu ugu bedesho iskaashi dhaqaale, iyadoo leh “qofna kuma doorsanayo masiirkiisa doolshe galleey laga sameeyey.”

Waxay su’aal galisey daacadnimada baaqyada Kuuriyada Koonfureed ee ku aaddan wanaajinta xiriirka laba geesoodka ah iyada oo sii wadda dhoollatuskeeda millateri ee ay la samaynayso Maraykanka jeer ay sidoo kale ku guuldareysatay inay ka joojiso dhaqdhaqaaqayaasha rayidka ah ee ka dhanka ah Pyongyang inay waraaqo borobogaando ah “wasakh” soo dhigaan xuduudda labada dal, sida ay tiri.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments