Sunday, November 2, 2025
HomeEditorialFaaqidaada Wabrixinta Middle East Eye

Faaqidaada Wabrixinta Middle East Eye

W/Q: Idiris M. Sh Hamud, Aqoonyahan iyo Falanqeeye Arrimaha Siyaasadda

Middle East Eye waa jariirad la asaasay April 2014kii. Sida ka muuqata xogaha ay soo dhigeen waxaa co-founder iyo tafatire ka ah wariye lagu magacaabo David Hearst sidoo kale waxaa u qoran in ay qeyb ka tahay ama waalid ( Parent company) u tahay shirkad fadhigeedu yahay London oo lagu magacaabo M.E.E limited. Mulkiilaha kali ah ee u diwaangshan shirkada M.E.E limited waa nin lagu magacaabo Jamal Bessasso, Jamal dhowr goor oo la weydiiyey in shirkadiisu leedahay jariirada “Middle East Eye” wuu inkiray lahaansheheeda.

Waxaa mudo dheer suuqa ku jidhay in jariiradaan ay maalgeliso Dowladda Qatar. Dowladda Emiraatka Carabta ( UAE), waxaa ay xanibaad dalkeeda kaga soo rogtay jariiradaan markay hilaadu ku beegnayd 29/June/2016. Waxaa ay Emaaraatku ku eedeeyeen in jariiradaani ay u shaqayso Dowladda Qatar oo ay fidiso dacaayado ka dhan ah madaxda iyo danaha dalka Imaaraadka Carabta.

Xifaaltanaka Geeljirayaasha CarbeedaWaa laga wada dharagsan yahay in Qatar iyo Imaaraadka ay ka dhaxayso tartan xin iyo xifaalo ku dhisan oo aan waxba la isu reeban. Mid kasta waxaa ay maalgelisaa dacaayado ka dhan ah kan kale. Waxaa ay ku dagaalamaan meelo ka baxsan wadamadood ayaga oo wakiilanaya xulafooyin kala taageera ( Proxy war). Dalba kan kale ayuu danihiisa dibada majoxaabiyaa.

Jariiradda afka dheer ee “ The New York Times” ayaa qoraal ay qortay 22/June/2019 ku eedays dowladda Qatar in ay maalgelisay qarax ka dhacay magaalada Bosaso kaas oo dad ku dhinteen, kolkii danbena ay sheegteen ururka IS. Waxaa ay jariiradu xigatay cod la duubay oo ay teleefoon kuwada hadalyaan Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya iyo nin ganacsade oo u dhashay isla wadankaas laguna magacaabo, Khalifa Kayed al-Muhanadi.

Ganacsadaha ayaa safiirka ku leh “ Waan ognahay cida ka danbaysa qaraxa Bosaso ka dhacay, waxaan rabnaa in qolada Imaaraatka ee halkaas joogtaa ay iskaga cararaan neesha, waxaan rabnaa in aysan qandaraaska ay kula jiraan cusuboonaysiin, ka dib aniga ayaa qandaraaaskaas usoo dhameyn Doha”.

Marka ay tixraacno cadeymaha Jariirada “ The New York Times” Qatar waxaa ay ku dhiiratay in ay dad Soomaaliyeed u layso si ay Imaaraadka uga erido PL, ka dibna iyadu ku kaliyeysato Soomaaliya guud ahaan. Halkaas waxaa kaaga cad in Qatar ay wax waliba u adeegsanayso si ay u gaarto yoolkeeda xataa hadii ay qaadanayso in ay Soomaalida layso iyada oo adeegsanaya gacamaha aragagixsada. Marka dacaayada jariiradaan yar oo ay maalgeliso fidinayso waa la fahmi karaa ujeedada ay ka leeyihiin iyo inaysan ahayn wax lagu go’aan qaadan karo ( Credible).Warbixinta ay qortay Middle East Eye ma la aamini karaa.

Middle East Eye waxaa ay qortay warbixin dheer balse aan lahayn nuxur ka durugsan warka suuqeed ama wixii lagu qori jirey baraha Bulshada. Ma ahan warbixin soo bandhigaysa baaris dhab ah oo ay samaysay laguna qanaci karo sidoo kalena madax banaan. Aan kasoo qaadano labo arimood.

1. Warbixintu waxaa ay xiganaysaa sida ay sheegeen Shakhsi ay ku magaacaabeen Abdullahi Muse iyo askar ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin ciidanka PMPF ee Puntland. Jariiradu ma aysan soo bandhigin taageero u noqon kara run ahaanshaha warbixintiida. Sidoo kale ma keenin wax cadaynaya jiritaanka waraysiga ay sheegteen in ay la yeesheen askartaas, sida saxaafada aduunku isticmaasho waxaa ay kari kareen in ay soo bandhigaan codadka askarta oo asalkoodi laga badelay ( Voice anonymisation), macanaha iyaga oo ilaalinaya badqabdka askarta ay waraysteen ayey tuhunka ka saari kareen warbixinta ay tabinayaan, sidoo kalena qofka kale ee ay waraysteen isna ma ahan qof la garanayo taasi oo meesha ka saaraysa aaminaad la aamini karo run ahaanshaha sheegashadooda.

2. Warbixntu waxaa ay sheegtay in iyada oo Imaaraaadku uu adeegsanayo nooca diyaarada loo yaqaan, IL-76 heavy cargo transport plane, ay garoonka Bosaso mudo labo sano ah kaga daniyeen ka dibna ay dib uga sii rareen 500 oo kun oo containers oo ay ku qorantay caalamada( Khatar/ Hazardous). Warbixintu ma sheegin noocaa containers ee ay diyaaradu waday iyo waxa ku jirey midna. Hadba si aan u hubino macquul ahaanshaha arinkaas, waxaan eegnay awooda culays ee qaadi karto nooca diyaarada “IL-76 heavy cargo transport plane” waxaa noo soo baxday in ay qaadi Karto ugu badnaan “lix container oo ah nooca 20ft ee markiibtu xanbaaraan”. Marka aynu haysano xogtaas hadii aynu ku xirno xogta ay siidaysay jariiradu waxaa inoo soo baxaysa in aysan ahayn xog la isku halayn karo ama suuro gal noqon Karta. Kasoo qaad hadii aan dhahno labadaas sano maalin kasta diyaarada IL-76 heavy cargo transport plane labo goor/xili ayey ka dagaysay garoonka diyaarada ee Bosaso iyada oo markiiba sida labo container waxaan inoo soo baxaysa xisaabtaan, halkii sano waa 365 maalood, labadii sanona waa 730 maalmood, 365*2‎ = 730, 730*5*6‎ = 21.900.

Hadba natiijada inoo soo baxday waa 4.38% taas oo tirada ay sheegtay warbixintu aad uga yar, ankee 5 goor in ay maalin masta diyaarad in ay ka degto Bosaso baan macquul ahayn. Halkaa waxaa kasoo baxaysa in warbixintan ay iska qor uun ahayd ee aysan ku dhisnayn xog ururin rasmi iyo aqoon lagu kabay midna. Hade ogow sina macquul uma ahan in 730 maalmood oo xiriir ah ama labo sano oo xiriir ah in ay diyaarada IL-76 heavy cargo transport plane kasoo degaysay kana duulaysay garoonka Bosaso.

Gunaanad.

Dadka Reer Puntland waxaa ay dhibane u noqdeen dacaayado joogto ah oo ay maalgelinayso Dowladda Qatar oo la dabaakhtamaysa ama la tartamaysa dhigooda Imaaraadka. Doxa sida ay ku eedaysay Jariirada “ The New York Times” waxa ay gaartay in qaraxyo ka maalgeliso Bosaso, Puntland sidaasi darteed jariirad ay maalgeliso ama xiriir la leh Lagama rumaysan karo warbixin ay tka tabiyeen PL. Dadka Reer Puntland waa in ay ku baraarugaan oo sida ugu haboon uga falceliyaan colaada qotoda dheer ee ku socotay mudooyinkii danbe. Waxaa loo socodo waa ka fogtahay qof ama labo qof oo xil dowladeed haya, waxaa loo socdaa waa in aysan Puntland helin maalgelin caalami ah iyo amni toona si ay dadkoodu mar kale uga hijroodaan deegaankooda sidaasna ay ku lunto kaalinta ay ku yeelan karaan hogaaminta iyo mustaqbalka dalka. Waa in aan la dhegaysan dacaayadaha abaabulan ee kooxaha is huwan laakiin kala yoolka ah ay fidinayaan.

Note: The views expressed in this article are solely those of the author and do not represent the position of Daily Somalia.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments