Iyada oo ay malaayiin dad ahi Geeska Afrika durbadiiba “ugu hagaasmeen abaartii ugu dheerayd muddo 40 sano ah”, misana qaybo gobolka ka mid ah ayaa khatar ugu jira in dayrtaani aysan di’in (xilli roobaadkii shanaad oo roob la’aan ah), sida uu sheegay Ururka Saadaasha Adduunka.
Saadaasha Dayrta (Oktoobar ilaa Diseembar) oo ay soo saartay Madasha La-socodka Cimilada Geeska Afrika waxa ay muujinaysaa in xaaladdu ay noqonayso mid ka qalalan sidii caadiga ahayd ee inta badan gobolka ahaan jirey, musiibadaa oo malaayiin dad ah uga sii daraysa.
“Waa ay I dhibaysaa inaan faafiyo war xun” waxaa sidaa yiri Guuleed Cartan, madaxa IGAD ee Xarunta Saadaasha Cimilada (ICPAC) – oo ah Xarunta Cimilada Bariga Afrika ee Ururka Saadaasha Adduunka.
“Anigoo ka xun, agabkeenu wuxuu na tusinayaa suurtagalnimo loo qaateen ah oo tibaaxi in Geeska Afrika uu sii galayo xilli roobaadkii shanaad oo la waayo”.
Qaylo-dhaan
Bishii hore, IGAD iyo hay’adaha gargaarku waxay digniin ka soo saareen dad ka badan 50 milyan oo qof oo sannadkaan gobolka ugu dhibtoonaya badqab la’aan daran oo cunto.
“Itoobiya, Kiiniya iyo Soomaaliya waxay qarka u saaran yihiin xaalad banii aadannimo oo aanan horay loo arag”, isagoo hadalkiisa sii wata mudane Cartan ayuu xusay in tan iyo dabayaaqada sannadka ay aad u yaraadeen si guud roobabkii la filayey.
Suyucnaanta xaaladdu waxay ka dhawaajisay xoghayaha guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu, isaga oo si rasmi ah u wacay dowladaha, deeqbixiyaasha, hay’adaha gargaarka iyo kuwa horumarinta in ay “la yimaadaan xeelad aanan laga qoomamoon iyo inay naga kaalmeeyaan sidaan dhibaatadan xun uga gudbi lahayn”.
Roob yari
Roobabka Oktoobar ilaa Diseembar waxa ay 70% ka yihiin roobabka sannadkii ka da’a qaybaha dhulbaraha ee Geeska Afrika, si gaar ah bariga Kiiniya.
Si kastaba, bilaabashada xilli roobaadka waa suurtagal in dib u dhac ku yimaado badi qaybaha bari ee gobolka, taas oo sii calwinaysa roob yaraantii jirtay.
Abaartaan jaadgooniga ahi waxay daaha ka qaadaysaa sida gobolku ugu nugul yahay halisaha ka dhasha cimilada, kuwaa oo sii kharaaraanaya isbeddelka cimilada awgeed.
Hindisaha Qaylo-dhaanta
Marka laga yimaado in diraasaynta samayska biyaha (uumi-bax ilaa gibilka hoose) iyo adeegyada digniinaha xilliga hore la soo saaro ay si caaqibo leh u dhimaan raadaynta taban [ee roobabka], Ururka Saadaasha Adduunkuna wuxuu shaaciyey bilaabista mashruuc cusub oo ku kacaya 2.5 milyan doollar, si ay si wacan ugu suurtawdo hay’adaha gobol iyo kuwa dalalku inay soo saaraan oo ay adeegsadaan adeegyadaan.
Hawlaha mashruucu waxay tiir dhexaad u noqon doonaan taageerada adeegyada gobolka ee bixinta digniinaha hore [ee roobabka], wuxuuna xoojin isku-xirka iyo iskaashiga adeegyada cimilo ee gobolka.
Taageerista xarumaha gobol si ay u soo saaraan adeegga iyo agabka biyaha cabbira ayaa kaalin ka geysanaya xoojinta awoodda xarumaha dalalka ee bixiya adeegyada la-socodka biyaha iyo saadaasha cimilada, sida uu qabo Ururka Saadaasha Adduunka.
Itoobiya, Soomaaliya iyo Soodaan
Intaa waxaa dheer, mashruucu wuxuu taageero farsamo siinayaa Itoobiya, Soomaaliya iyo Soodaan, isaga oo dhisaya kana faa’iideysan mashaariicda haatan socda iyo mashaariicda maalgashiga biyo-galinta ee uu fulinayo amba uu maalgelinayo Ururka Saadaasha Adduunka oo ah xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Yaraynta Halista Musiibooyinka iyo Bangiga Adduunka.
Dhanka Itoobiya, hawlaha laga qabanayaa waxay taageeri doonaan in qoysaska saboolka ah ee ku nool miyiga darfaha ahi ay koronto helaan iyada oo laga faa’iideysanayo kab dhaqaale oo la siiyo shirkadda korontada ee dowladda.
Sidoo kale waxaa bulshada la siinayaa adeegga digniinaha hore (early warning services (EWS)) oo lagu go’aan qaadan karo, si loo hubiyo in horay horay looga hawlgalo [abaaraha iwm] iyo in la horumariyo baahiyaha cimiladu keento iyo adeegyada macluumaadka qaylo-dhaaminta qaddinka ah.
Soomaaliya gudaheeda, shaqooyinka la qabanayaa waxay diiradda saari doonaan in dadweynaha la gaarsiiyo adeegyada mudnaanta leh ee la socodka mugga roobka da’a. Dhanka Soodaanna, hawluhu waxay isugu soo ururi doonaan xoojinta ku lug lahaanshaha bulshada ee adeegga qaylo-dhaanka hore (EWS) ah iyo in kor loo qaado wargelinta bulshaada xilliga fatahaadaha.
W/Q: Qaramada Midoobay
W/T: Madasha Hoobaan
Tixraaca Asalka ah: https://news.un.org/en/story/2022/08/1125552