Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah kulan ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa ajandihiisa lagu sheegay dhaarinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo xubin sharafeed ka noqonaya Baarlamanka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu doorto Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xidhibaannada in ay kulanka soo xaadiraan Isla markaana ay waqtiga ilaaliyaan.