Soomaaliya waxay noqotay dal ay hareeyeen mixnado istaraatiiji ah oo isugu jira xasillooni-darro siyaasadeed iyo amnixumo baahsan. Waxaa muuqata, dib-u-soo kabashada dowladnimadii Soomaaliya in ay ku socoto xawaaraha diin-diinka. Tan iyo dawladdii Carta, maalinba tallaabo ayaa la qaadayey, taayirka horumarkuna aayar buu horay ugu dilindilleysnaa. Ruqaansi kasta oo loo qaaday dhanka dowladnimada, waxaanan ka marnayn qunuudka mucaaradka ma-gudbayaasha ah oo uu mar Madaxweyne Xasan kamid ahaa.
MW Xasan Shiikh kolkii uu kursiga yimid, waxaa qarxay dagaallo ka dhan ah Alshabaab oo ay ibo-fureen reer Hiiraan. Maalintaas, MW-hu inkasta oo uusan qorshe dhab ah ka lahayn daruurta oogadiisa ka curatay, oo uusan sidii loo baahnaa u wajihin gulufyadii uu yagleeley, misana wuxuu ku guuleystay in aanan laga dhex-waayin fagaaraha halganka xaq-u-dirirka ah.
MW Xasan ma aha hoggaamiye fiiro-dheer oo qorshe qeexan ka leh siyaasadaha suuraafka ah iyo baaxaad-eegyada ay dunidu maanta kujirto, balse waa odey waaqaca Soomaalida uun akhrin kara. Tusaale ahaan, wuxuu arkay in reer koonfureedku ay macaanaadeen, oo horumar u baahan yihiin, islamarkaana aanay xamili karin culayska argagixisada; dabadeed wuxuu qaaday tallaabooyin amni oo sugay badqabka magaalada caasimadda ah.
Hurgunta Gudaha
Wacyi-xumada bulshada Soomaaliyeed ayaa ah mid ku mashquulsan xintan marba heer jooga (mar jifiyo hoose oo isbaacsada, mar heer qabaa’il hub isu-qaata, mar maamul-goboleedyo siyaasad isku khilaafa, marna dowladdii dhexe oo khaladku ka yimaado), halka ay shisheeyuhu mar walba ina soo gacan-togaaleynayaan.
Tusaale ahaan, hurdada ay Soomaalidu kujirto waxaa ku dhereran qorshaha Maraykanku ku doonayo in uu marinnadeena ka waardiyeeyo dawladda Israa’iil. Haddii uu Maraykanku awal joogitaan adag ku lahaa koonfurta dalka, haatan oo ay dunidu aadday xilli badaha lagu dagaallamayo, aagga Badda Cas ayuu u arkaa barta Israa’iil cunaheeda lagu xoreyn karo.
Madwaxweynuhu wax tallaabo ah kama uusan qaadin kala-goynta waddanka ku socota, balse wuxuu dagaallo rasmi ah ka galay Jubaland iyo Puntland oo ah labo maamul oo ku qanacsan midnimada dalka Soomaaliya. Mucaaradka dowladda, oo sida caadada u ah keliya ku eg in ay ka falceliyaan ficillada madaxwaynaha markaas kursiga jooga, ayuu ka dhigay dookh xun oo mar kale u soo malabsanaya in ay ka danaystaan reer koonfureedka ragaadiyey masaalixdii dalka lagu ilaalin lahaa.
MW Xasan waa nin dhiirran, ku-dhac leh, oo wax kasta u hura sidii uu damiciisa u gaari lahaa. Inkasta oo heshiis hoosaadka qarsoon oo dowladdu la gashay ururka Al-Shabaab uu kamid yahay sababta uu amniga Xamar u hagaagey, misana tusaale wanaagsan ayaa loo soo qaadan karaa nabad gelyada ay ku dhacdey doorashadii ay dhacday. Walow aanan doorasho lagu tilmaami karin filimkaan uu isagu wax walba ka yahay. Misana haddii dhinaca kale laga eego, wixii madaxwayne waddanka soo maray, Xasan Shiikh wuxuu noqday midka sida weyn loogu eedeeyo musuq, barakicin iyo dhul-boobka.
Waxaa la oran karaa khibradda ugu weyn ee uu ka aflaxay xilligii uu mucaraadka ahaa waa in uu awoodda fulinta u keliyeysto, waddankana uu ka dhigo sidii buug uu keliyaata kala furan yahay bogga uu maalinta madaxwaynuhu marayo. Taasi waxay dhashay in wasiirrada, garsoorka, iyo saraakiisha ciidamadu ay noqdaan baagamuuddo u kala dheereeya u jawaabista mucaaradka arradan ee keliya kursi-u-qooqa ah.
Sidoo kale, MW Xasan wuxuu ku guuleystay in uu garbihiisa keeno ragga siyaasadda ku nool kuwoodii ugu qaylada badnaa, isaga oo aanan wax talo ah ka qaadan, una arkaya in ay yihiin arday damiiniin ah oo ay tahay in fasalka dhexdiisa uun lagu hayn karo. Kuwooda xilalka haya wuxuu u fasaxay in ay si madaxbannaan ay dhankooda uga daaqaan hantida umadda. Arrintaani inkasta oo ay halis ku tahay waddankaan ay awalba ilma-sheydaan isu laba murqaynayeen, misana waxay hoos u dhigtay khatartii ay isaga siyaasaddiisa ku ahaan lahaayeen.
Madaxwayne walba oo federaalka yimaada, caqabadda u weyn ee uu la nool yahay waa maamul-goboleeddada dalka. Laakiin MW Xasan wuxuu noqdey madaxweynihii ugu horeeyey oo waqtigu uu gabaabsi ka noqdey isaga oo ay dhinacyadiisa joogaan saddex madaxwayne-goboleed oo muddo-dhaaf ah. Iska-jooggoodana mucaaradkiisu afka kumay ballaarin karin shirkii Kismaayo kahor. Halkaas waxaa ku jirta in madaxwaynuhu uu iska ilaalinayo in safkiisu gaabto, halka mucaraadku ay noqdeen koox keliya kursi-doon ah.
MW Xasan wuxuu soo xiray mawduucii hal-abuur xumada iyo kursi-u-qooqnimada qallalan; wuxuuna dhigay xujo adag oo uu furi karo keliya siyaasi leh koox adag oo waddanka u haya qorshe intaan ka ballaaran. Haddii kale, dheellitirkii baa lumaya oo doorashada soo socota waxaa la gaarayaa iyada oo ay madaxwaynaha agtiisa tuban yihiin siyaasiyiintii ugu badnaa ee Soomaaliya, halka mucaraadkuna ay yihiin koox yar oo lagu maadsado. Sida muuqata, macallin Xasan ma jecla in tallaabada looga hormaro, tusaalena waxaa ah sidii qaawanayd ee uu u diiddanaa doorashooyinkii ay Puntland qabatay labo sano kahor.
Xasan Shiikh illaa hadda isaga ayaa kubadda wata, walow ay tahay kubbad laga qaadi karo. Haddii uusan aadin cimri-dherersi boob ku dhisan oo uu doorashada waqtigeeda ku qabto, wuxuu noqonayaa madaxwaynihii weji cusub u yeelay koonfurtii kadeednayd, Soomaaliyana u jidbixiya. Haddii se ay mucaraadkiisu la aadaan in uu sannad ama sannad iyo bar dambe sii rafto, oo sidii Farmaajo nooca doorashada lagu dheereeyo, lana dhaafo 15-ka May, shaki la’aan luqun sagaaro ayaa lagu qaban, waana uu jabayaa. Sidaas darteed, inta uu ka adagyahay waa in uu heshiis kala galaa nooca doorasho ee waddanku aadayo, isaga oo ka dheeraanaya nooc doorasho oo u dhow tii 2022-kii, oo awood badan siinaysay madaxda maamul-goboleeddada.
Tijaabada Aqoonsiga
Meesha uu MW Xasan ku marayo tijaabada u dambeysaa maaha socdaalkiisa la filayo in uu dhawaan ku tagayo Laascaanood, ee waa sida uu u maareeyo aqoonsiga uu Netenyahu siiyey Soomaalilaan. Arrintan aqoonsiga ah ee Israa’iil ay ku soo dhex tuurtey Soomaalida, waxay shiiqisey wixii uu tabcayay Xasan Shiikh ee uu islahaa ku soo jiido indhaha caalamka. Waa furin uusan fileyn oo dibadda uga furantay. Haddii uu ku guuleysto inuu kala gooyo madaxda Hargeysa iyo matalayaashooda Xamar jooga, natiijada kiimiko ee falgalkaan ka dhalataa waxay noqonaysaa midda kala caddaysa midabbada isku karsan ee aan maanta la kala garan karin.
Aqoonsiga uu Netenyahu siiyey Soomaalilaan wuxuu yimid xilli uusan MW Xasan wax qorshe ah ka lahayn midnimada iyo isku-haynta waddanka. Hoggaaminta Xasan ee ku mashquulsanayd la-dagaallanka Garowe iyo Kismaayo, uma muuqato in ay furdaamin karto xarig-jiidka waddanku dhexda u galay, waana ay adag tahay caqliyadda Villa Soomaaliya taal in xilligaan geesaha la iska soo galay laga helo qorshe qaranka lagu badbaadin karo.
WQ: Barkhad Cabdulqaadir