Tuesday, May 21, 2024
HomeEditorialPuntland Maxay u Dabbaal-degaysaa Rubuc Qarni kadib?

Puntland Maxay u Dabbaal-degaysaa Rubuc Qarni kadib?

Puntland waxay maanta u dabbaaldegaysaa sannadguuradeedii 25aad, walow 25sano ay tahay waqti aad ugu kooban cimriga dowladaha, haddana waxaan la inkiri karin in dowladnimada Puntland ay gaartay guulo wax ku ool ah. Balse waxaa xusid mudan in laga gaabiyay waxyaabo tirobeel ah oo la gaari karay.

Maqaalkaan kooban waxaan diiradda ku saarayaa inaan iftiimiyo meelaha laga gaabiyay, si loogu kaco wax ka qabashada caqabadaha jira. Sida lagu yaqaan hoggaanka guud ahaan dalkeenna iyo gaar ahaan Puntland waxyaabaha la qabtay iyo guulaha la gaaray waxaa sheegiddooda ku filan hadba cidda markaas xukunka joogta iyo inta danaha kala duwan u taageersan. Sidaas darteed, qoraalkaani hadduu dhaliil u bato kama dhigna inaan wax guul ah la gaarin, wixii guul ah warbaahinta dowladda ayaa laga dheegan karaa. Anigu se anoo gudanaya kaalintii muwaadinnimo baan iftiiminayaa gaabisyada jira.

Amniga:

Waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu bogaadin karo Puntland ayuu amniga kamid yahay, miisaaniyadda dowladda inteeda ugu badan, 42.2%, waxaa lagu bixiyaa amniga. Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa jira dhaliilo tirobeel ah oo amni.

Jiritaanka Puntland ee maanta 25sano jirsanaya ma suurtogelin in la dhiso ciidan sumad dowladeed iyo akhlaaq ciidan toonna leh. Inta badan ciidamada Puntland waxay leeyihiin haykal qofeed. Si siman ayaad u maqlaysaa ciidan dowladeed, isla daqiiqad kadib waxaad maqlaysaa ciidankii oo astaan qofeed loo sameynayo.

Xukuumaddaan Madaxweyne Siciid Deni inkastoo ay aad ugu faantay inay sameysay dib-u-habeyn ciidan haddana wali lama suulin ciidamadii caaglayaasha ah ee shakhsiyaadku mulkiyaddooda sida dadban u heysteen. In dib-u-habeyntaas aysan wax weyni ka jirin waxaad ka garanaysaa in digreetada madaxweynuhu ay beddeli weyday wiilka horjoogaha u ah ciidanka Puntland Security Force (PSF), diidmadii sargaalkaasi diiday amarka madaxweynaha waxaa ka dhashay in magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso uu ka dhacay dagaal khasaare badan geystay dabayaaqadii 2021! Dagaalkaasi wuxuu muujiyay foolxumooyinka huursan ee ka dhexjira ciidanka Puntland.

Markale ciidanka kumaandoosta Danab ayaa isbaaro u dhigtay hayaankii dimoqraadiyadda ee xukuumaddaani waday, ku dhawaad labo bilood ka horna waxay dagaal khasaare badan geystay oo ka dhacay Garowe la galeen ciidamada kale ee Puntland iyagoo diidan wax-ka-beddelka dastuurka Puntland.

Dhanka kale, waxaa madaxweynuhu guud ahaan fadhiid ka dhigay ciidanka daraawiishta Puntland oo waayahan danbe noqday ciidan howlgab ah. Dhacdooyinkaasi waa waxay tusayaal u yihiin fashilka baahsan ee ka dhexjira qaab dhismeedka ciidanka dowladda.

Dhowrkii bilood ee u danbeysay waxaa Boosaaso ka dhacay wareero argagixiso oo lagu qaaday xarumo ganacsiyo gaar loo leeyahay. Waxaa dab la qabadsiiyay xarumaha shirkadaha Macruuf iyo Fadhisame, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo dowladdu kasoo saartay baaritaannada ay dhacdooyinkaas ka sameysay, waaba hadduu jiro baaritaanno ay sameeyeene. Sidoo kale, waxaa warar kala duwani sugayaan in kooxaha argagixisada ee Alshabaab iyo ISIS ay baad joogto ah ka qaadaan xarumaha ganacsiyada ee kajira Puntland. Majiraan howlgallo joogto ah oo ay dowladdu waayahan ku sameynayso dabarjiridda kooxahaan. Ciidamadii howlgalladaas ka shaqeyn lahaana waxay si ba’an ugu milmeen is-heysiyada siyaasadeed ee aadka u liita ee deegaanka jira.

Waxaa iyana xusid mudan in halbeegga amni ee magaalooyinka Puntland uu aad u hooseeyo. Inkastoo Puntland ay amni ku faanto haddana hay’adaha caalamiga ahi qiimeyn amni oo aad u hooseysa ayay siiyaan magaalooyinka Puntland. Sababtuna waa in nidaamka sugidda amniga Puntland oo uu aad isugu dhex yaacsanyahay. Magaalooyinka si baahsan ay askar kala duwani ula dhex joogaan ciidan iyo hub culus. Garowe oo la dhihi karo waa magaalada ugu amniga badan Puntland, waxay xarun u tahay ciidamo kala duwan oo qeybtood ay magac ciidan dowladeed wataan haddana aysan ka amarqaadan xukuumadda jirta.

Foolxumooyinka ka dhexjira ciidamada Puntland iyo guud ahaan amniga Puntland dhaliisheeda xukuumaddaan kaliya ma leh. Waa dhaliil ay wadaagaan guud ahaan madaxdii Puntland isaga danbeysay.

Dimoqraadiyadda:

Xeerkii lagu aasaasay Puntland waxa uu dhigayay in la hirgeliyo nidaam doorasho dadweyne muddo xileedka koowaad, balse taasi ma suurtogelin. Fashilkaasi wuxuu keenay in xukuumaddii koowaad ee uu horjoogaha u ahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN ay sameyso muddo kordhin keentay dagaal dabadheeraaday oo halaag baahsan sababay. Markale, xukuumaddii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waxay isku dayday inay hirgeliso doorasho dadweyne oo aan daahfurnayn, jajuub iyo xoogna ay weheliyaan taasina waxay sababtay in markale dhiig daato ilaa doorashadiina la joojiyay.

Xukuumadda hadda talada haysa waa guul weyn in ay soddon iyo dhowr degmo ka qabatay doorashooyin gole deegaan, walow ay wali jiraan degmooyin aan doorashadaas laga qaban, haddana waa guul weyn in halkaan wax la soo gaarsiiyo. Balse waxaa jira dhaliilo kale oo micno tiraya dimoqraadiyadda laga shaqeynayo iyo dhiig badan oo si masuuliyad darro loo daadiyay.

Marka Puntland la joogo waxa dimoqraadiyad loo yaqaan in dadku codeeyaan, balse dimoqraadiyaddu waa nidaam intaas ka baaxad weyn. Waxaa aad u liita xorriyadda hadalka, saxaafadda lama siiyo baaxad ay ku shaqeyso waana tan keentay inaysan Puntland ka jirin saxaafad micno leh oo baaritaanno ku sameysan karta khaladaadka jira. Xukuumadihii kala danbeeyay waxay si siman u cabburiyeen saxaafadda. Dadka cabburintaas dhibanaha u soo noqday waxaa kamid Jaamac Dabaraani oo hadda afhayeenka xukuumadda iyo agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Puntland ah. Xukuumaddaani waxay xarig sharcidarro u geysatay Weriye Kilwe Aadan oo muddo dhowr bilood ah afduub loo heystay, dhowr usbuuc ka horna waxaa Garowe lagu weeraray Wariye Maxamed Yuusuf oo Garowe deggan si loo aamusiyo dhaliilaha uu soo gudbinayo. Xukuumaddii Madaxweyne Faroole ayaa iyana arrinta jajuubka weriyayaasha aad ugu caan baxday.

Xukuumaddii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waxay si degdeg iyo wax is dabamarin kujirto ku qabyotirtay dastuurka Puntland. Wuxuu ahaa waxqabad lagu fashilmay in la hirgeliyo muddo xileedkii koowaad. Tusayaasha muujinaya in xukuumaddii Faroole ay dano gaar ah dhexraacsatay qabyotirkio dastuurka waxaa kamid ah kordhintii muddo xileedka madaxweynaha. Sida ay qabaan xeeldheerayaasha arrimaha sharciyadu waxay aheyd in wax ka beddelka muddo xileedku uu dhaqangalo xukuumadda xigta. Balse xukuumaddii Faroole waxay bulshada Puntland sanka kaga toshay in muddo xileedkiisu noqdo 5sano, khalkhal amni iyo mid siyaasadeed ayaana arrintaas ka dhashay.

Xukuumadda hadda talada heysa ee Siciid Deni horjoogaha u yahay iyana waxay si aan daahfurnayn waxa uga beddeshay dastuurkii Puntland. Wax-ka-beddelkaas waxaa ka dhashay dagaal khasaare badani geystay oo Garowe ka dhacay. Walina waxaa deegaanka kajira madmadow iyo fowdu ay arrintaas abuurtay. Waa dhaqan kale oo si weyn uga soo horjeeda nidaamka dimoqraadiyadeed ee ay Puntland sheegato inay ku shaqeyso.

Garsoorka oo lafdhabar u ah dimoqraadiyadda waa liitaa isna, garsoorka Puntland tayo ahaan lama fil ah meeshii laga rabay garsoor jiray 25sannadood. Waxaa aad u kooban miisaaniyadda ay dowladdu ku bixiso garsoorka, dowladdu waxay garsoorka ku bixisaa 2% kamid ah miisaaniyaddeeda, waa kharash aad u kooban. Kharash yaraantaas iyo inaan muhiimad la siin garsoorka waxay keentay inuu howlgab noqdo. Khilaaf kasta oo ka yimaada geeddigan cusub ee la guurayo waa adagtahay in garsoorka maanta jira uu xalliyo.

Waxbarashada:

Rubuc qarniga ay Puntland jirtay waxyaabaha ay ku faanto waxaa kamid ah horumarinta waxbarashada, balse dhabtu waa in adeegbixinta waxbarashadu uu aad u hooseeyaa. Caqabadaha waxbarashada Puntland heysta waxaa ugu horreeya in dowladdu aysan miisaaniyad ku filan u qorsheyn adeegga waxbarashada. Puntland waxay waxbarashada ku bixisaa 5.9% ka mid ah miisaaniyaddeeda, waa kharash aad u kooban oo aan dabooli karin baahida waxbarasho ee jirta.

Majiro hal dugsi oo ay dowladdu kharashkiisa wada bixiso, muwaadiniintuna ay ka helaan waxbarasho lacag la’aan ah. Arrintaani waxay keentay in 10% kamid ah ilmihii dugsiyada aaday ay waxbarashada uga haraan dhaqaale xumo, sida aan kasoo xiganayo warbixinta mashruuca Education Cannot Wait. Dhanka kale, waxaa aad u hooseeya tirada ilmaha waxbarashada gaaray ee dugsiyada aada, 42% kamid ilmaha waxbarashada gaaray ma aadaan dugsi, sida ku xusan Puntland Education Sector Strategic Plan 2017-2021, tani waxay ka dhigantahay in tobankii ilmood ee waxbarasho gaarayba afar kamid ah aysan waxbarasho aadin! Waa arrin welwel weyn leh.

Waxaa iyana xanuun leh in ardayda da’da waxbarashada gaartay ee dugsiyada aadday, ugu danbeyn 5% oo kaliya ay u fariistaan imtixaanka fasalka 8aad, sida lagu xusay daraasadda daraasadda Evaluating the association between various indicators of school quality and educational outcome in Somalia with special reference to Puntland state, ee ay sameeyeen Abdiqani Ahmed iyo Dahir Abshir! Taasoo ka dhigan in heer iskuul-ka-hariddu uu aad u sarreeyo, oo ay ardaydu waxbarashada ka harto intaysan fasalka 8aad gaarin. Si taas lamid, tirada ardayda ee aan dugsiyada sare dhammeysan ayaa iyana aad u sarreeya.

Doorashadii golayaasha deegaanka ee saddexda degmo ee horudhaca aheyd ka dhacday waxay iyana muujisay heerka akhris-qorid la’aanta ah ee ka jira Puntland. Tusaale, degmada Eyl oo kaliya codadkii la dhiibtay 20% kamid ah ayaa xumaaday, sababta ugu weynina waxay aheyd codeeyayaasha oo aan waxna qorin waxna akhrin, wacyigelinta iyo aqoonta codbixinta oo liidatay iyana waa jirtaa.

Dhanka tacliinta sare ayaa iyana ah meelaha Puntland caqabadaha weyni ka heysato, majiro guddi si hagaagsan u shaqeeya oo tacliinta sare maamula. Wasaaradda waxbarashaduna waxay la daalaa dhacaysa maamulidda dugsiyada hoose, dhexe iyo sare. Sidoo kale majiraan halbeegyo micno leh oo laga qiimeeyo jaamacadaha intaan la furin, tani waa caqabad Soomaaliya oodhan ka jirta. Guud ahaan jaamacadaha Puntland ma jiraan daraasado cilmibaariseed oo taxane ah oo ay soo saaraan dadkana la wadaagaan, maadaama tacliinta sare ay cilmibaaris ku dhisantahay, haddii cilmibaaris la waayo waa dhadhan beelaysaa. Kartida maamullada iyo barayaasha tacliinta sare ayaan iyana gaarsiisnayn heerkii la rabay. Waxaa se fajaciso ah in inta badan jaamacaduhu aysan laheyn manhaj sugan iyo tixraaco hagaagsan oo ay ardaydu adeegsan karaa. Marka laga soo tago in dhaliil badan ay leeyihiin dadka jaamacadaha furta, haddana waxaa ceeb oodhami saarantahay wasaaradda waxbarashada iyo guud ahaan dowladda Puntland oo ku fashilmay inay si qumman u maamulaan, una toosiyaan tacliinta sare ee deegaanka.

Caafimaadka:

Adeegga caafimaadku wuxuu kamid yahay meelaha ay Puntland ugu liidato. Majiro hal isbitaal oo heer gobol ah oo ay si dhammeystiran dowladdu u bixiso kharashkiisa, shacabkana siiya adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah, ama xitaa adeeg jaban oo dhammeystiran. Isbitaallada dowladda waxa ugu yar ayaa la iska iibiyaa, tayadooduna aad bay u hoosaysaa.

Inkastoo ay jiraan hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah oo si ballaaran uga qeybqaata suurtogelinta adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka, nasiibxumo dowladdu miisaaniyadda ay caafimaadka ku bixiso waa mid aad u hooseeya. Sida aan kasoo xiganayo miisaaniyaddii 2020 ka hor intuusan dunida saameyn xanuunka COVID19 waxay Puntland adeeggeeda caafimaadka ku bixisay 1% kamid ah miisaaniyaddeeda! Walina qoondadaas miisaaniyadeed lama kordhin. Waa foolxumo ballaaran iyo dayac baahsan oo jira.

Adeegyada biyaha iyo tamarta:

Helitaanka biyuhu waxaa uu muhiimad weyn u leeyahay nolosha dadka iyo jiritaanka duunyada. Rubuc qarni kadib bulshada reer Puntland ee ku dhaqan magaalooyinku ma helaan biyo nadiif ah oo lacag la’aan ah ama xitaa jaban oo ay dowladdu si dhammeystiran u maamusho. Halka magaalooyinka qaar ee ay Garowe kamid tahay laga isticmaalo dhowr biyo oo kala nooc ah lana suurtogelin in si hagaagsan loo hirgeliyo adeeg biyo oo dadka ku filan la iskana bixin karo. Dhanka kale, adeegga tamarta/korontadu isna waa mid aad u liita oo aan deegaamada si hagaagsan u wada gaarsiisnayn. Magaalooyinka waaweyn oo ganacsato gaar ahi ka hirgeliyeen adeegyada korontada ma ahan adeeg dadka ku filan, mana ahan adeeg qiimo macquul ah leh, waa adeeg aad qaalli u ah. Sicirka sare ee korontadu waxaa uu caqabad ku noqday abuuritaanka warshadaha waxsoosaarka ee yaryar. Helintaanka warshadahaasi wax weyn buu ka tari lahaa yareynta shaqo la’aanta baahsan iyo saboolnimada baaxadda leh ee bulshada reer Puntland faraha kul ku haya.

Is-beddelka cimilo ee dunida oodhami ay siyaabo kala duwan ula daalaa dhacayso, Soomaaliya waxay kamid tahay meelaha uu sida ba’an u saameeyay, waxaa guud ahaan yaraaday xilli roobaadyadii, waxaana soo noqnoqday abaaro joogto ah oo sababay in biyihii iyo baadkiiba yaraadaan. Si taas looga hortago waxaa laga filayay dowladda Puntland inay xil iska saarto daryeelka, ilaalinta iyo horumarinta reer miyiga oo iyagu tiir dhexaad u ah daryeelka xoolaha nool oo kamid ah ilaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha Puntland ku tiirsanyahay. Nasiibxumo, dowladdu uma qorsheyn miisaaniyad ku filan adeegyada biyaha iyo tamarta, wax ka yar 1% ayay miisaaniyadda ugu dartay horumarinta tamarta, macdanta iyo biyaha. Waa kharash aan sinnaba ugu filnayn ee bulshada ay helaan adeegyadaas muhiimka ah.

Dhaqaalaha:

Laga soo bilaabo ilaa maalintii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay heerka dhaqaale ee dalku wuxuu ahaa mid liita. Waqtiyada ay Soomaalidu u taqaan bari-samaadka oo u badan waqtigii kacaanka ayaana ah xilliyada jahaweerarka ugu weyni uu ku dhacay dhaqaalaha dalka. Isbeddelladii horumarineed ee dalka ka dhacay todobaannadii iyo siddeetanaadkii qarnigii tagay waxay keeneen qalqalaase dhaqaale oo markii danbe qeyb lixaad leh ka qaatay qaran-jabkii ina ku dhacay bilowgii sagaashanaadka. Is lahaan la’aanta jahawareerkii dhaqaalaha guud (macroeconomic shocks) iyo jawaab-celinnada siyaasadeed (political responses) ay dowladdii kacaanku sameysay ayaa isna waxbadan sii kharribay. Puntland aasaaskeedii ilaa maanta ma jiro is-beddel iyo koboc dhaqaale oo micno leh oo la sameeyay, waa laga garaabi karaa in xaaladda siyaasadeed ee dalka oodhan ka jirta ay wax badan xumeysay, balse dhabtii waxyaabo la qaban karay ayaa laga gaabiyay.

Puntland rubuc qarniga ay jirtay aad buu u hooseeyay kororka ku imaanayay waxsoosaarka guud, dhanka kalena waxaa jiray sicirbarar baahsan oo markasta caqabad ku ahaa koboca dhaqaalaha iyo nolosha dadka. Sicirbararkaas waxaa intiisa badan sababtiisa lahaa madaxdii isaga danbeysay deegaanka oo qeybtood ay gacmaha ka laabteen inay xal raadiyaan, qeybtoodna ay dabkii baasiin kusii dareen oo ay markhaati ka noqdeen lacago been abuur ah oo tirobeel ah oo suuqa la soo geliyay muddo xileedkooduu. Saameynta lacagahaas suuqa soo galay waxaa aad loo dareemay muddo xileedkii Madaxweyne Janan Cadde Muuse iyo muddo xileedkii Madaxweyne Dr Cabdiweli Gaas, Gaas oo leh aqoon dhaqaale oo ballaaran sida uu arrintaas u maareyn waayay waxaa kujirtay hagrasho badan. Muddo xileedkaan Madaxweyne Siciid Deni iyo wasiirkiisii maaliyaddu Xasan Shire waxay sababeen in guud ahaanba uu deegaanka ka istaago isticmaalkii shilin Soomaaliga, taas oo keentay khasaare maaliyadeed oo baahsan, sicirbarar ballaaran iyo dayac nololeed oo xanuun badan.

Waxaa lagu fashilmay in Puntland laga abuuro jawi nabdoon siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan, lana hirgeliyo adeegyada dowladeed ee muhiimka u noqon kara in deegaanka laga hirgeliyo warshado yaryar oo wax weyn ka geysan kari lahaa yareynta shaqo la’aanta, hoos-u-dhigidda saboolnimada iyo kor-u-qaadida waxdhoofinta. Maqnaanta waxdhoofitaan (Export) saameyn abuuri kara iyo xad-dhaafka wax-soo-dhoofinta (Import) isna wuxuu dheelli geliyay is-le’egta ganacsiga (Trade balance). Waxaa iyana lagu fashilmay inay deegaanka yimaadaan maalgashadayaal caalami ah oo maalgelin ku sameysan kara waaxyaha dhaqaale ee is-beddelka keeni karay sida kalluumeysiga, warshadaha, daryeelka xoolaha, beeraha iyo guud ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxdii isaga danbeysay Puntland waxay bulshada horumar dhaqaale uga dhigeen koror kooban oo ku yimaada miisaaniyadda sannadlaha ah, dabcan kororka dhakhligaagu waa qeyb kamid ah koboca dhaqaalaha balse marnaba miisaaniyadda oo in yar korortay lama mid ahan koror guud oo dhaqaalaha oodhan ku yimi. Xukuumadda maanta talada haysa, oo wax-ka-beddel ku sameysay habka diyaarinta miisaaniyadda, waxay dadka ku dhego-barjaysay inay horumarin dhaqaale sameysay. Dhabtu se waa in kororla lambarrada miisaaniyaddu uu ka yimi kadib marka miisaaniyadda lagu daray lacagaha deeqaha ee dunida laga helo. Dakhliga guduhu waxaa uu hadda miisaaniyadda Puntland ka yahay hal waax marka miisaaniyadda loo qeybiyo afar waaxood. Arrintaani waxay tuse u tahay heerka liita ee dakhligeennu joogo, oo iyana muujinaysa fadhiidnimada dhaqaalaheenna.

Kaabayaasha Dhaqaalaha:

Horumarinta kaabayaasha dhaqaaluhu waxay muhiimad ballaaran u leeyihiin horumarinta dhaqaalaha iyo hagaajinta nolosha bulshada bulshada. Marka Puntland la joogo waxaa abuurmay fahanxumo ballaaran oo fahanka mowduuca kaabayaasha dhaqaalaha la xariira, kaabayaasha dhaqaalaha waxaa loo fasiray hagaajinta jidadka iyo xaarxaaridda garoomo diyaaradeed oo kaliya. Dhabtu se waa in arrintu intaas ka ballaarantahay.

Rubuc qarniga ay Puntland jirtay ma jiro jid cusub oo isku xira gobollada oo la dhisay, marka la reebo mashruuca jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo, oo isaguna ah mashruuc aan dhammaan aanna si daahfuran loo maamulin lana aqoon lacagta hadda ku baxday iyo midda uu u baahanyahay si loo dhammeystiro. Xukuumadda hadda talada haysa waxay dedaal gelisay sidii loo dayactiri lahaa laamiga Puntland ku xira dalka intiisa kale. Waa dedaal wax ku ool ah, jidkaan oo muddo dheer jiray se kuma filna in lagu sameeyo dayactir kooban, wuxuu u baahanyahay dib-u-dhis iyo dib-u-qaabeyn xoog leh.

Puntland oo qaranjabkii ka hor la dhihi jiray gaariwaa, dowladdii dhexe ee burburtay kama aysan dhaxlin mashaariic waaweyn marka laga reebo dekedda Boosaaso iyo laamiga dheer ee aan hadda ka sheekaynnay dayaca ka jira. Dekaddii Boosaaso iyana majirto wax horumarin ah oo lagu sameeyay rubuc qarnigaas, waxaa ba caqabad dheeri ah noqotay in dekaddii oo awalba baaxad ahaan iyo dherer ahaanba koobnayd ay ciidi buuxisay oo markab daaye aysan doomaha yaryar qeybtood kusoo xiran karin. Nasiibxumo, halkii xal kale la raadin lahaa waxaa dekadda si aan daahfurnayn gacanta loogu galiyay shirkad carbeed oo qorshuhu ahaa inay bannayn, ballaarin iyo horumarin ba ku sameeyeen. Lix sano kadib majirto wax shaqo ah oo muuqata oo ay shirkaddaasi ka qabatay dekadda.

Ganacsato dhiirran oo Soomaaliyeed ayaa maalgelin aan nooceeda Soomaali horay ugu dhiirran ka sameeyay deegaanka Garacad oo dhisay dekad! Waa mashruuc dhiirrigelin mudan, balse si dekaddaasi ay mashruuc guuleystay u noqoto waxaa lagama maarmaan ah in la helo waddo hagaagsan oo isku xirta dekadda iyo dal weynaha aan xeebta laheyn ee Itoobiya, si dekaddaani ay ugu adeegto suuqaas cammiran, iyo jidadka kale oo dekadda ku xiran inta kale ee dalkeenna. Wali ma muuqato door muuqda oo dhaafsiisan af oo ay Puntland ka qaadnayso hirgelinta himiladaas.

Rubuc qarni kadib looma kicin shaqadii la rabay in laga qabto dhinacyada kale ee kaabayaasha dhaqaalaha sida yagleelidda kaabayaasha isgaarsiinta, sameynta bullaacado lagu maareeyo wasakhda magaalooyinka, ceelal biyood ku filan dadka magaalooyinka deggan iyo kuwa baadiyaha ku dhaqan, xarumo caafimaad oo dhaafsiisnayn xarumaha bixiya adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka oo si hagaagsan ugu adeegi kara dadka deegaanka, iyo goobo waxbarasho oo ku filan dadka deegaanka ku dhaqan.

Hoggaaminta:

Puntland muddadii ay jirtay waxaa soo maray 6 madaxweyne, oo dhammaantood ahaa odayaal u qalmay in talada deegaanka guddoomiyaan, balse waxaa arrintaas ku sidkan arrimo badan oo ay odayaashu ka gaabiyeen. Aan si kooban mid mid uga xusno waxyaabaha seegay, waa qiimeyn shakhsi ah oo lagu kala duwanaan karo.

Bilowgii talada waxaa loo dhiibay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN oo ahaa fuliye dhiirran, iyo askari geesi ah oo billado badan ku qaatay howlgalladii ciidan ee uu ka qeybqaatay, qeybtoodna uu hoggaamiyay. Odaygu se ma laheyn khibrad maamul siyaasadeed, inuusan laheynna waxay Puntland ka hor ku caddaatay sidii uu u maareeyay markii loo dhiibay talada halgankii sharfoonaa ee SSDF! Madaxtinnimadiisii Puntland waxaa la filayay inuu dhidbaha u taago maamul siyasadeed leh haykal maamul iyo dastuur qoran oo haga. Inkastoo uu bilaabay habeynta ciidamada, iyo isku daygii koowaad ee dhismaha qeybaha koowaad ee hay’adaha dowladda, odaygu wuxuu si weyn ugu fashilmay inuu si dhammeystiran u tiirarka ugu aaso hay’adaha dowladdeed ee muhiimka ah, hirgeliyo dastuur dowladnimada haga iyo inuu doorashada ku qabto waqtigii loo madlanaa. Fashilkaasina wuxuu keenay in Puntland uu ka dhaco dagaal baahsan oo khasaare badan geystay.

Dhanka kalena, odaygu wuxuu dedaalkiisa ugu badan ku bixiyay sidii uu ku gaari lahaa kursiga madaxtinnimada dalka, taasoo kala dhantaashay waxkasta oo uu Puntland ka qaban karay. Waa mabda’ sax ah in Puntland ay ka qeybqaadato in dalku uu yeesho dowladnimo ku dhisan hab federaali ah, balse marna qiil looma heli karo in talada Puntland loo dayaco taas kale. Puntland waxay Soomaaliya waxtari kartaa marka ay iyadu dhexdeeda isa saxdo oo is hagaajiso.

Madaxweynihii labaad wuxuu ahaa Maxamed Cabdi Xaashi AUN oo isna ahaa oday weyn oo khibrad ballaaran leh, muddo xileedkiisa oo koobnaa maadaama uu kursiga qabtay markii Madaxweyne Cabdullaahi loo doortay madaxtinnimada dalka, lagama fili karo inuu wax weyn beddelo. Balse wuxuu ku ammaananyahay inuu doorasho qabtay, taladana si wanaagsan u wareejiyay.

Madaxweynihii saddexaad wuxuu ahaa Janan Cadde Muuse oo dadkii yaqaannay ay ku sheegaan inuu ahaa nin aad u dun wanaagsan, ilbax ah, hadalna cad. Burburkii ka hor wuxuu kamid ahaa saraakiisha sarsare ee ciidanka, markii talada dalka ay kacaanku wasakheeyeenna wuxuu kamid noqday dadkii ku biiray halgankii hagaajinta talada dalka gaar ahaan Jabhaddii SSDF. Madaxtinnimada Puntland waxa uu yimi isaga oo dagaal kharaar la soo galay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo muddo kororsi sharcidarro ahaa sameeyay, ugu danbeyn se laga heshiiyay oo doorasho dhacday Cadde na noqday madaxweyne. Odaygu ma sameyn isbeddel maamul iyo mid siyaasadeed oo lagu toosinayo siyaasaddii deegaanka. Shaqooyin wanaagsan oo uu qabtay se waa jireen. Xilkiina si nabdoon ayuu ku wareejiyay.

Qiimeyntayda hoggaanka Puntland sadddexdaas oday waxay ahaayeen jiilkii hore ee hoggaaminta Puntland, ma aysan sameyn nidaam siyaasadeed cago badan ku taagan, lehna dastuur dhammeystiran oo lagu maamulo. Waxay se ahaayeen saddex oday oo hantida ummaddu ka nabadgashay. Marka Soomaaliya la joogo, waa waxqabad weyn in musuqmaasuq baahsan aan lagu suntin muddo xileedkaaga.

Jiilka labaad ee hoggaaminta Puntlan, waxaan ka bilaabayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo noqday madaxweynihii afaraad ee Puntland kadib doorasho xiiso leh oo uu kaga guuleystay Janan Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo tartankiisu wax weyn uga dhignaa muuqaalka dowladnimada Punrland.

Madaxweyne Faroole wuxuu dardargelin xoog leh ku sameeyay dib-u-habeynta nidaamka dowliga ah, isaga oo hirgeliyay in Puntland ay yeelato dastuur dhammeystiran. Walow habka dastuurka loo maray iyo habka loo ansixiyay ay leeyihiin dhaliilo xooggan, haddana wax weyn bay Puntland u aheyd inay dastuur rasmi ah yeelato. Ku takrifalka ugu weyn ee odaygu marxaladdaan ku sameeyay waa inuu muddo xileedkii madaxweyne ka dhigay 5sano, taasi dhib ma lahaanteene waxaa sharcidarro aheyd in isaga oo 4sano lagu dhaariyay oo 5tii sano ee la rabay inay xukuumadda xigta dhaqangeliso uu khasab iyo qori caaddii ku meelmarsaday. Sidoo kale, habka uu u qoray dastuurka qeybihiisa khuseeya dimoqraadiyaynta ayaa iyana madmadow badani kujiray, waana tan hadda wax ka beddelkeeda la isku dilay. Wuxuu kaloo isaga oo dastuurka qalinkiisa haya xaddiday baaxadda siyaasadda oo soo koobay tirada xisbiyada.

Waxaa se intaas ka yaab badan inuu dastuurka Puntland qododbkiisa afaraad ku qoray arrin gef ku ah gobannimada dalkeenna, qodobkaasi wuxuu fududeynaya in Puntland ay ka go’i karto dalka intiisa kale, waa miino muddaysan oo markasta la ridi karo haddaan wax laga beddelin.

Faroole wuxuu isku dayay inuu nidaamka doorashada qof iyo codka ah oo loo guuro. Isaga oo shaati le’eg tolanaya ayuu isku dayay inuu khasab doorashadaas ku meelmariyay, wuxuuna joojiyay markii uu ku daatay dhiig laga maarmi karay haddii habka loo guurayo horay looga tashan lahaa. Dhanka kale, odaygu wuxuu aad isugu mashquuliyay waqti qeybtiis laga maarmi karayna uu geliyay yooyootanka xukuumaddii Xamar kajirtay. Waa saxneyd inuu ka qeybqaato dib-u-dhiska dowladnimada dalka, balse inuu tii Puntland taas u dayacay ayaa aniga foolxumo ila ah. Isaga tan ayaa loo doortay. Ugu danbeyn, wuxuu qabtay doorasho iyada ayuuna ku baxay, xilkana si wanaagsan ayuu u wareejiyay.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa noqday madaxweynihii shanaad ee Puntland. Bilowgii wuxuu ahaa aqoonyahan aad loogu hanweynyahay oo la filayay inuu wax badan beddelo, ma se dhicin. Dhibaatada ugu weyn ee qabsatay waxay aheyd inuusan arrimaha gudaha xog-ogaal u aheyn. Inta badan waxkasta say ahaayeen buu ku waday, marka laga reebo inuu curiyay mashruuca jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo. Is-heysigii Faroole la bilaabay Dowladda Federaalka ah ayuu isna meeshiisii ka sii waday, waxaana is leeyahay waqtiga badan ee madaxda Puntland loo doorto ay geliso howlaha dowladda federaalka waa laga maarmi karaa. Si kasta oo dalku dib-u-dhis ugu jiro oo kaalinta Puntland loogu baahanyahay, haddana taas micnaheedu ma ahan in shaqadii Puntland taas loo dayaco. Muddo xileedkii Madaxweyne Cabdiweli waxaa hareeyay eedo waaweyn oo musuqmaasuq, oo ay ugu weyntahay sida loo maareeyay heshiiskii dekadda Boosaaso loogu gacangaliyay shirkadda carbeed. Gaas iskuma dayin qabashada doorasho dadweyne, tii hore ayuu sii waday oo uu waqtigeedii ku qabtay, markii laga guuleystayna si nabdoon buu ku baxay.

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa nasiib u yeeshay inuu noqdo madaxweynihii lixaad ee Puntland. Maadaama uu ahaa nin aan qurbojoog aheyn, qeyb weynna ka soo ahaa horumarinta deegaanka, waxaa laga qabay filasho badan. Markii uu talada yimi ba waxaa caddaatay inuu shirko la yahay kooxo dillaaley ah oo xoolo tacab ku jira, waxaana si ba’an u baahay musuqa. Intaasna waxaa u dheerayd inay ku dhacday xummad Xamar-jaceyl ah oo uu kursigaas Xamar u jidbooday waxkasta oo ay Puntland laheydna uu gaaritaanka kursigaas u adeegsaday. Hadduu soo jabayna, wuxuu sii dardargeliyay hayaanka dimoqraadiyaynta Puntland oo uu markii horeba si fiican u bilaabay, bilowgaani cusubi se ma mashaqo la’ayn. Tuhun badan baa laga qabay dhab ahaan ujeedka madaxweynuhu ka leeyahay dardargelinta howshaan. Walow soddon iyo dhowr degmo doorasho laga qabtay, haddana sharci-ku-tumasho badan oo madaxweynuhu sameeyay iyo dastuur-ku-falaadka uu baarlamaanka shirkada kula noqdayba waxay mugdi geliyeen geeddigii la guuri lahaa. Rubuc qarni kadib, maanta ma cadda waxa Puntland ka dhici doona doorashada foodda ina kusoo haysa ee dhowrka bilood ka harsanyihiin.

Ma dhabbihii Cabdullaahi ayuu qaadi doonaa oo xoog wax ku raadin doonaa ilaa tabartu u run sheegto, mise kii Faroole ayuu qaadi doonaa ilaa uu darbiga madaxa kusoo dhufsanayo? La arki doonee! Nabad baynnu se rejayn iyo doorasho heshiis lagu yahay waqtigeedana ku dhacda.

Guudmarkaas kooban, waxaan rabay inaan ku iftiimiyo wixii ka khaldamay hoggaankii Puntland isaga danbeeyay, iyo in hoggaanka la dooranayo laga fiirsado si looga gudbo marxaladdaan adag, dedaallada xukuumaddaani sameysayna looga mirodhaliyo. Puntland waxay u baahantahay hoggaan iyada la fil ah oo xog-ogaal u ah waxa laga gaabiyay, aan aheyn askari aan khibrad siyaasadeed laheyn, aan aheyn macangag meesha ku dhego aan ka fuqin, aan aheyn waddani tiiro gaaban iyo jifiyayste, aan iimaan la’ayn oo xoolo tacab ku jirin, aan caruurtiisa xoolaha ummadda u loogayn, aan aheyn war-mooge kooxo kale daaha dabadiisa ka maamulaan, isla markaasna aan aheyn nin arki-jire doon ah oo aan waxba beddeli karin. Is-beddel dhab ah iyo u jidbixinta jiho cusub baa loo baahanyahay.

Wacyiga bulshada:

Puntland wax xil ah iskama saarin dhisitaanka wacyiga bulshadeeda. Manhajka waxbarashada ilmaha kuma jiraan casharro da’yarta baraya dowlad-dhiska la qaatay ee habka federaaliga ah ku dhisan. Guud ahaan jaamacadaheedaha laguma dhigo takhasusaad arrintaas la xiriira, taasoo keeni karta inaysan soo bixin jiil u diyaarsan inay jiheeyaan dowladnimada deegaanka iyo tan guud ee dalkaba. Guud ahaanna ma jiraan maktabado dadweyne oo ka qeybqaadan kara kobcinta garaadka bulshada.

Dhanka kale, taladii Puntland waxay noqotay mid ay iska duumaalaan siyaasiyiin u dhashay saddex jifiyood oo kaliya, taasina waxay abuurtay tafaafaruq bulsho oo xooggan. Suurtogal ma ahan in dad cashuur bixiyaal ah loo suurtogelin waayo fursaddii lagu dooran lahaa.

Mashruuca taraha ee talada la isaga dumaalayo wuxuu abuuray jiil aaminsan in adeerradood kaliya wax u talin karaan waana aragti liidata, iyo jiil kale oo arrintaas qawadsan aadna ugu saxan. Waa lagama maarmaan in saaxada siyaasadda la ballaariyo, waxaa se shaki weyni igaga jiraa in habka hadda loo guurayo uu arrintaas suurtogelin karo. Habkaan laftigiisu sixitaan buu u baahanyahay si aan caadadii hore loogu sii socon.

Doorka Puntland ee dowlad-dhiska federaaliga ah ee dalka:

Puntland ilaa maalinkii nidaamkii federaaliga ah la qaatay waxay u taagnayd inay u qareento nidaamkaan. Balse markasta waxaa dul hoganaysa ceeb weyn oo muujinaysa in nidaamka ay rabto inay u qareento aysan iyaduba dhaqangelin oo taladeedu Garowe ku urursantahay, http://cabdullahi-sanco.blogspot.com/2022/07/puntland-dowlad-xubineedka-federaaliga.html ,

Hadda waxay si aan daahfurnayn ugu falaadday dastuurkeeda, berrina iyada ayaa diidi doonta in dastuurka federaalka sidaas oo kale loo maareeyo. Waxay u taagantahay waxaysan iyadu sameyn.

Garsoorka, nidaamka ciidamada, qeybsiga kheyraadka, ilaalinta awoodqeybsiga, daadejinta adeegyada iyo waxkasta oo ay Puntland ku diidantahay dowladda federaalka iyada ayaa sameysa. Waa is-diido weyn!

Odayaasha dhaqanka:

Qoraalkaan oo aan rabay inaan intaan ka gaabiyo oo aad iila dheeraaday, waxaan qodobkaan kaga gaabsanayaa inaan halkaan ku lifaaqo maqaal aan horay uga qoray odayaasha dhaqanka Puntland. Lifaaqaan ka akhriso. http://cabdullahi-sanco.blogspot.com/2022/03/wejiyada-isbeddelaya-ee-odayaasha.html

Gebogebo:

Ugu danbeyn waxaan guud ahaan bulshada reer Puntland ugu hambalyaynayaa sannadguurada 25aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Puntland. Qoraalkaanina waxaan rejaynayaa inuu ina ku baraarujiyo gaabisyada baahsan ee dowladnimadeenna ka dhexjira iyo inuu abuuro doodo wax saxaya. Dabbaaldegguna uusan ina ka noqon inaan is faanino oo kaliya, ee sidoo kale aan is-qiimeyn iyo isla-xiisabtaan ku dabbadegno.

W/Qoray: Cabdullaahi Abshir Muuse (Sanco).

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments