Garowe, Puntland: Ururka Sincad oo ah ururka keliya ee ilaa hadda soo gudbiyay aragtidooda ku aaddan Doorashooyinka golayaasha deegaanka ee laga qabanayo Puntland ayaa ku xiray shuruudo adag.
Ururkan oo uu guddoomiye u yahay Siyaasi Maxamuud Khaliif Jebiye oo horey usoo noqday Mushharax Puntland ayaa doorashooyinkii saddexda degmo ka kala helay:
Qardho: 9 Xubnood
Ufeyn: 7 Xubnood
Eyl: 4 Xubnood
Ururka Sincad oo walaac ka muujiyay in Puntland laga badbaadiyo labo aragtiyood oo uu ku sheegay:
- Maamul doonaya inuu Dimuqraadiyadda isku tolo, natiijadana ka dhigti sida uu jecelyahay, saddex xisbina lasoo baxa.
- Iyo Rejadii ugu dambeysay ee isku dayga nidaamkan dimuqraadiga ah inaysan dhiman.
Ururka Sincad wuxuu soo jeediyay:
- Inaan lakala reebin Dhismaha Maxkamadda Sare & Maxkamadda Dastuuriga ah, xogo ay heshay The Daily Somalia ayaa sheegaya in la filayo in bishaan gudaheeda uu soo magcaabo Madaxweyne Deni, inkastoo weli xulashadu ku adagtahay oo uu doonayo qof qoyskiisa ah oo daacad u ah inuu Guddoonka Maxkamadda sare ka dhigo, dadka falanqeeya garsoorka Puntland ayaa aaminsan in aan rejo badan laga qabin in Deni soo magacaabo Garsoor hufan oo Caddaalad ah.
- Xeerka Doorashooyinka in la furo oo isbeddel lagu sameeyo gaar ahaan qodobada la xiriira Liistada xiran & Tirada xildhibaannada.
- Sincad waxay soo jeediysay in Ururka ku meegaarka ah ee Doorashooyinka Puntland dib u eegis lagu sameeyo xubnaha iyadoo ay dood ka keeneen madax bannaanida Guddiga TPEC.
- Xal ka gaaridda Gobolada maqan & in hal mar la wada qabto doorashada golayaasha degmooyinka.
- Qodobka ugu weyn ee Sincad ay soo jeedisay waa in Dastuurka Puntland la furo gaar ahaan qodobada khuseeya Doorashooyinka, iyagoo soo jeediyay in la wada qaato labada hannaan ee Madaxweynaha & Baarlamaanka.