Wednesday, September 18, 2024
HomeNewsRw Xamse "Waa inaan ka jawaabno dhibaatada dadka reer Hiiraan ee abaarta...

Rw Xamse “Waa inaan ka jawaabno dhibaatada dadka reer Hiiraan ee abaarta iyo mida cadawga isugu darsoontay”

Muqdisho(dailysomalia) – Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo kulan uu la qaatay Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga dalbaday iney hormuud ka noqdaan u gurmashada shacabka reer Hiiraan, gaar ahaan kuwa dhawaan laga gubay Ceelashii ay biyaha ka cabi jireen iyo deegaanadii ay ku noolaayeen.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan cadawtinimadii ugu weyneyd ay kala kulmeen Al-shabaab oo ka gubtay ceelashii biyaha iyo guryahoodii, isagoona sheegay in shacabka reer Hiiraan taasi ay usoo dadajisay iney la dagaalamaan Al-shabaab.

“Hiiraan dhibaatada uu cadawga Shabaab ka geystay waad la socotaan oo ceelashii iyo guryahiiba dadka way ka gubeen, marka waxaa ka Culimo ahaan aan idinkaga baahanahay inaad dadka Soomaaliyeed isku xirtaan si aan uga jawaabno dhibaatada dadka reer Hiiraan ee abaarta iyo mida cadawga isugu darsoontay, waa inaad u kacdaan sidii arinkaas aan wax uga wada qaban laheyn oo dadka yar iyo weyn waxii la awoodo kasoo qaadaan aadna isku xirantaan culimada gobolada joogta iyo adinka shirarna ad ka yeelataan dhibaatooyinka jira sidii wax looga qaban lahaa” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments