Dunidu maanta ma aha tii aan naqaanay afar sano kahor. Laga soo bilaabo duullaankii Ruushku ku qaaday Yukreyn, illaa xasuuqa aan kala joogsiga lahayn ee ka socda Qasa, iyo dagaalladii goos-gooska ahaa ee dhacay sannadkii ina dhaafay ee 2025; waxay si cad u muijinayaan in nidaamkii dunidu uu u jeestay jiho cusub oo ah “Muruq-tuujis” iyo “Xooggu ha jiro”.
Reer Galbeedka oo sheeganayey dhowridda madaxbannaanida iyo dimuqraadiyadda dunida ayaa waxay Yukreyn u arkeen fagaare ay ku daallin karaan xoogga giringirka ah ee Ruushka. Haddiise ay taasi ahayd xujada Yukreyn, masiibada Qasa waxay noqotay muraayadda qaawisay munaafaqadda laba-bogleynta ah ee reer Galbeedka, taas oo dunida tustay in xeerarka caalamiga ahi ay yihiin qalab la isticmaalo markii danta laga leeyahay, laguna xadgudbo markii ay dantu diiddo.
Labada Weji ee Soomaalida
Xilli uu gobolka Geeska Afrika galay gilgilan weyn oo uusan taariikhda horay u arag, ayna seeskiisa ruxayaan isbeddelo xawaare sare ku socda iyo isbaacsi quwade shisheeye, ayaa waxaa muuqata kala fogaansho weyn oo u dhexeeya sida ay xaaladda u arkayaan hoggaanka dowladda federaalka iyo kan goonni-u-goosadka Soomaalilaan.
Madaxda Koonfurta iyo musharaxiinta federaalku weli waxay ku jiraan riyo hore. Waxay u muuqdaan kuwo ka go’an xaqiiqada dunida cusub. Halkii ay ka raadin lahaayeen fursad lagu midayn karo Soomaalida kala jabtay, waxay wali Waqooyi-bari u arkaan furihii siyaasadda ee lagu bireyn lahaa maamullada kale ee ay dhexda ugu jirto. Waa hoggaan wali ku mashquulsan tartanka gudaha, xifiltan aan xikmad ku fadhiyin, xilli dalkii Soomaaliya dushooda lagu kala boobayo.
Dhinaca kale, madaxda Somaliland oo sannadihii dambe la kulmay niyadjabkii u weynaa ayaa waxay si laab-furan ula dhaceen isbeddelka ku yimid habkii caalamku u jirey. Markii ay arkeen in khariidaddoodu soo yaraanayso, culaysyo gudeedna ay ka dhasheen (sida xiisadda Zeylac illaa Boorama qabsatay), dawladda federaalkuna ay cadaadis badan saartay kadib is-afgaradkii ay Itoobiya la galeen, waxaa u caddaatay in naftu ay kol dhow kalxamaha soo joogsanayso; dabadeed waxay meesha ka saareen hal-ku-dheggii gumaarkooda cusleeyay ee ahaa “Waxaan soo xiraynaa xuduuddii gumeystaha”. Waxayna go’aansadeen inay u shiraacdaan dhanka dabaysha degaan-siyaasadeed u socoto iyo siyaasadda ah gardarrada garabka og ee dunida ku baahday, maadaama ay raadinayaan fursad kasta oo ay ugu lug-darsan karaan loollanka awoodaha ee hadda socda.
Soomaalilaan qudheedu isu-dhiibka buuxa iyo janjeerka ay u irkatay xoogagga wax boobayaa in ay Soomaaliya ka jaraan ma aha damaanad buuxda oo badbaado, bal’e waa khatar kale oo keeni karta burbur iyo kala-haad ka weyn kii hore.
Burburka Sharciga iyo Mustaqbalka Soomaaliya
Xilli ay shuruucdii caalamiga ahaa ku burbureen fagaarayaasha Qasa iyo Yukreyn, madaxda Koonfurta Soomaaliya weli waxay u fakarayaan sidii caadiga ahayd oo waxayba rajo ka qabaan in dal kala lunsan, oo aan lahayn nidaam dastuuri ah oo sugan, uu sii jiri karo xilligaan adag ee aan waxba la isaga xishoonayn.
Waxaa wax laga xumaado ah in uusan hoggaanka dalku weli caddayn doorasho waqtigeedii dhacda oo mar kamid ahayd waxyaabaha keliya ee Soomaalida isla joogtaa ay ku wada joogtay; in xilli dalkii Soomaaliyeed loo soo dhiilo dhaansaday uu madaxweynihiisu ku socdo xaalad muddo-dhaaf iyo sharci-darro ah isaga oo kilkilada ku sita maamul-goboleeddadii koonfurta; in madaxda maamul-goboleedyaduna aanay wax diirrimaad ah ka qaadin waxa dunida iyo dalkii Soomaaliyeed ka socda oo ay isaga qanacsan yihiin in ay sharcidarro kuraasta ku joogaan.
Madaxwayne Xassan, waxaa dib loo doortay, iyada oo ay saddex bilood kahor dunidu cagaha la gashay colaadda Yukreyn, isaga oo 17 bilood kursiga jooga ayey ceebta Qasa timi, isla isaga oo xilka haya ayey dawlado dhowr ahi labo labo isula baxeen oo la kala gaaray. Dunida oo daawanaysa ayaa si dayacan loo dallacay madaxwaynihii Venezuela, Maduro. Waana cashar hirgalay oo ay suurtagal tahay in cid walba oo xoog lihi ay xilligeeda tijaabin karto. Goorta ay dhacdooyinkaas oo dhammi dhacayaan MW Xasan wuxuu ku mashquulsanaa dastuur aan la aqoon halka uu ka shaqeeyo, hadba maamul ku bood, iyo mucaarad baacsi. Ma muuqdo qaaraan macna leh oo loogu garaabi karo oo uu dalka u diyaariyey in uu kaga gudbo xiiliga muruq-tiijiska ah ee ay dunidu ku jirto.
Goobta aynu ku naal oo dunida ugu fadhida qiime istaraatiijiyadeed oo weyn, iyada oo ay Diseembarta sannadkaan (2026) ku egyahay mashruuca amni ilaalinta Afrika ee Soomaaliya, dawladihii ina la joogay ee siyaasaddeena ku labnaa, baqdinta ay ka qabaan saamaynta sii fideysa ee Turkida, iyo sida fudud ee ay madaxda federaalku ugu xeroodeen Turkida ayaa loo arkaa mid kamid ah sababaha u waaweyn ee soo dedejiyay aqoonsiga Israa’iil siisay Soomaalilaan iyo imaanshiyaheeda biyaha Badda Cas.
Ma hoggaan hiraal leh buusan ahayn mise nin ismaahinaya weeye oo gedgeddoonka socda u arka wax caadiya oo iska dhammaanaya?
Waqti adag oo waxaa lagu jiraa iliggii liiqliiqanaya la saarayo, hoggaankii Soomaaliyana wuxuu ka badin waayay qaraabo-kiil, saaxiibo danaystayaal ah oo dalka lagu fasaxo, awood-sheegasho been ah, doorasho-ka-carar, boob iyo bililiqo aanan taariikhda horay dalka u soo marin. Su’aashaydu waxay tahay, dal midnimadiisu awalba dhaawacnayd, oo rajo la isugu soo laabto aanan marnaba laga fekerin in dhabbaheedii la xaaro, damaca shisheeyuhuna uu sii laba jibbaarmayo, Soomaaliya ma sii ahaan kartaa dal mid ah iyo dad wadajira?
Si kastaba, dunidii waa ay bahalowday, oo boob xun baa ka socda. Citiqaadkii siyaasiga ahaa iyo doodihii ku dhisnaa waxa loogu yeero “sharciga caalamiga ah” ee ay reer koonfureedku rumeysnaayeen ayaa waxay ku dhex lumeen dhiigga Qasa iyo qiiqa Yukreyn. Haddii aanay madaxda Soomaalidu (gaar ahaan kuwa Koonfurtu) ka soo kicin khayaalka dheer ee ay kujiraan, oo aanay garan in dunida cusubi aysan aqoonsanayn kuwa liita ee aan is-haysan, waxaa hubaal ah in haadaan laga dhacayo oo qubaarku uu dawlado jiri jirey kala jarayo.
W/Q: Barkhad Cabdulqaadir
Falanqeeye arrimha siyaasadda gobolka