Sannadkan 2026 wuxuu ku bilowday dhacdo dunida ka yaabisay, taas oo si lama filaan ah u dhalisay shaki weyn oo ku saabsan halka uu u socdo nidaamka caalamiga ah. Waxyaabo mar loo arkayay kuwo aan la jebin karin ayaa hal mar la iska indha tiray, iyadoo dunidu daawanayso. Maqaalkan waxaan ku eegaynaa waxa dhacay iyo waxa ay ka dhigan tahay mustaqbalka sharciga, awoodda, iyo siyaasadda caalamka, ma ninkii xoog leh ayaa xabagta goosta?
Venezuela ma ahayn dal ku dhisan shidaal tan iyo bilowgii taariikhdeeda.
Qarnigii 18aad iyo horraantii qarnigii 19aad, dhaqaalaha dalka wuxuu si weyn ugu tiirsanaa beeraha, gaar ahaan cacao iyo qaxwo. Cacao-gu wuxuu ahaa lafdhabarta dhaqaalaha, wuxuuna Venezuela ka dhigay mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee dhoofiya cacao-ga xilligaas, gaar ahaan suuqyada Yurub iyo Spain. Dhaqaalaha ku dhisnaa wax-soo-saar beeraha wuxuu abuuray bulsho ku tiirsan ganacsi gudaha ah, inkastoo ay jireen sinnaan la’aan iyo xukun gumeysi oo awoodda ku koobay kooxo yar. Markii Venezuela ay xorriyaddeeda ka qaadatay Spain horraantii qarnigii 19aad, dalka wuxuu galay marxalad jamhuuriyad rasmi ah, balse xaqiiq ahaan siyaasadda waxaa muddo dheer maamulayay hoggaamiyeyaal militari iyo dowlado dhexe oo xooggan, halka hay’adaha dowladnimadu ay ahaayeen kuwo jilicsan oo aan si buuxda u shaqayn.
Isbeddelka ugu weyn ee taariikhda Venezuela wuxuu yimid sannadkii 1914-kii, markaas oo ceelkii Mene Grande laga helay shidaal tiro badan. Helitaankaas wuxuu beddelay jihadii dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka, wuxuuna Venezuela ka dhigay mid si degdeg ah ugu wareega petro-state. Shirkado shisheeye oo waaweyn, gaar ahaan Standard Oil of New Jersey iyo Standard Oil of California oo Mareykan ah, iyo Royal Dutch Shell oo ka dhaxaysay Ingiriiska iyo Netherlands, ayaa gacanta ku dhigay sahminta, soo-saarista, iyo dhoofinta shidaalka. Dowladda Venezuela, oo aan lahayn khibrad farsamo, raasumaal, ama awood maamul, waxay shirkadahaan siisay rukhsado muddo dheer ah, iyagoo ku beddelanaya royalty iyo canshuur aad u hooseeya, mararka qaar u dhexeeya 10% ilaa 16.67%. Heshiisyadan waxay ka dhigeen Venezuela dal dhaqaale ahaan ku tiirsan shirkado shisheeye, halka faa’iidada ugu badan ay ka baxday dalka, dowladduna ay ku qanacday dakhli degdeg ah oo aan la socon horumar dhaqaale oo waara.
Intii u dhaxaysay 1920-meeyadii ilaa 1950-meeyadii, dakhliga shidaalka ayaa si xawli ah u kordhay, taasoo Venezuela ka dhigtay mid ka mid ah dalalka ugu qanisan Latin America marka loo eego dakhliga qofka.
Dowladda ayaa ballaarisay kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, magaalooyinka, iyo adeegyada dadweynaha, balse horumarkaas wuxuu ku dhisnaa hal il oo dakhli ah. Isla waqtigaas, beerihii iyo warshadihii kale si tartiib ah ayay u burbureen, maaddaama shaqooyinka iyo maalgashigu u wareegeen waaxda shidaalka. Bulshadu waxay noqotay mid ku tiirsan dowladda, dowladduna iyaduna ku tiirsanayd dakhliga shidaalka iyo qiimaha caalamiga ah ee saliidda, taasoo dhidibada u aasay nuglaansho dhaqaale iyo mid siyaasadeed.
Dabayaaqadii 1940-meeyadii, Venezuela waxay qaaday tallaabo muhiim ah oo dhex-dhexaad ah oo loo yaqaan 50–50 profit sharing. Nidaamkan wuxuu dhigaya in faa’iidada ka timaadda shidaalka si siman loo kala qeybsado, kala barna ay qaadato dowladda, kala barnana ay qaadato shirkadda soo saarta. Tani waxay si weyn u kordhisay dakhliga dowladda, waxayna jebisay qaabkii hore ee shirkadaha shisheeye ay u qaadan jireen faa’iidada ugu badan. Inkastoo uusan ahayn qarameyn buuxda, nidaamkani wuxuu xoojiyay fikradda ah in shidaalku yahay hanti qaran, wuxuuna noqday tallaabo ay dalal kale oo saliid leh ka daydaan. Si kastaba, wuxuu sidoo kale sii xoojiyay ku-tiirsanaanta dalka ee hal kheyraad, taasoo mustaqbalka u sahashay in shidaalka loo adeegsado aalad siyaasadeed.
Sannadkii 1976-kii, Venezuela waxay si rasmi ah u qarameysay warshadda shidaalka, waxaana la aasaasay PDVSA (Petróleos de Venezuela, S.A. PDVSA) waxay noqotay shirkadda qaranka ee mas’uulka ka ah sahminta, soo-saarista, sifeynta, iyo dhoofinta shidaalka. Qarameyntu waxay astaan u ahayd madaxbannaani dhaqaale, balse PDVSA waxaa loo dhisay qaab farsamo iyo maamul oo u dhow shirkadihii reer Galbeedka, iyadoo xoogga saareysa xirfad, hufnaan, iyo xiriir caalami ah. PDVSA waxay muddo dheer ahayd shirkad ka mid ah kuwa ugu waaweyn dunida, waxayna lahayd CITGO, oo ah shirkad sifeynta iyo suuq-gelinta shidaalka ku leh gudaha Mareykanka, taasoo muujinaysay sida xiriirka tamarta ee Venezuela iyo Mareykanka u ahaa mid aad u qoto dheer. Si kastaba, inkastoo dakhliga badnaa, ku-tiirsanaanta shidaalka ayaa sii xoogeysatay, halka hay’adaha kale ee dowladnimadu ay ahaayeen kuwo tabar-daran.
Xaaladdu si weyn ayay isu beddeshay markii Hugo Chávez uu talada qabtay 1999. Chávez wuxuu shidaalka u adeegsaday aalad ideolojiyadeed iyo mid siyaasadeed, isagoo PDVSA ka dhigay laf-dhabarta mashruuciisa Bolivarian Revolution. Madax-bannaanidii PDVSA waa la wiiqay, xirfadlayaal badanna waa la eryay, halka dakhliga shidaalka si toos ah loogu shubay barnaamijyo bulsho iyo ajande siyaasadeed. Inkastoo muddadii hore ay jireen faa’iidooyin muuqda, haddana maalgashi la’aan, maamul xumo, iyo siyaasadeyn xad-dhaaf ah ayaa si tartiib ah u burburiyay awooddii wax-soo-saarka.
Markii Nicolás Maduro uu xukunka la wareegay 2013, xaaladdu way sii xumaatay. Wax-soo-saarkii shidaalka ayaa si weyn hoos ugu dhacay, cunaqabateyn caalami ah ayaa lagu soo rogay, musuq maasuqna wuu faafay. Venezuela waxay sii xoojisay xiriirka ay la leedahay Shiinaha iyo Ruushka, gaar ahaan Shiinaha oo la galay heshiisyo ballaaran oo loo yaqaan (oil-for-loans), halkaas oo Shiinuhu uu siin jiray amaah malaayiin iyo balaayiin dollar ah, iyadoo lagu bixinayo shidaal mustaqbalka. Heshiisyadan waxay bixiyeen nafis ku-meel-gaar ah, balse waxay ku xireen mustaqbalka shidaalka Venezuela deymo culus iyo ku-tiirsanaan sii kordheysa.
Xiriirka sii xoogeysanaya ee Venezuela la lahayd Ruushka, Shiinaha, iyo Iiraan wuxuu kiciyay walaac weyn oo ka jiray Washington. Mareykanku wuxuu u arkay in quwado tartan kula jira ay si toos ah ugu soo degayaan duleedkiisa istiraatiijiyadeed, gaar ahaan Latin America oo uu muddo dheer u arkayay aag saameyn u gaar ah. Aragtida ah in Ruush iyo Shiinuhu ay helayaan marin milatari, sirdoon, ama tamareed oo ku dhow xuduudaha Mareykanka ayaa noqotay arrin amni oo heer sare ah.
Maduro wuxuu sidoo kale wajahay eedo culus oo ku saabsan narco-terrorism, iyadoo Mareykanka iyo qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ahi ku eedeeyeen inuu xiriir la leeyahay kooxaha ka ganacsada daroogada iyo cartel-lo ku sugan gobolka. Eedahaan, inkastoo ay ahaayeen kuwo si weyn loo muransanaa, haddana waxay noqdeen saldhig sharci iyo mid siyaasadeed oo Washington ay u adeegsatay cadaadis, cunaqabateyn, iyo sharciyeyn ficillo ka baxsan caadiga diblomaasiyadda.
Doorashadii July 2024 ee Maduro ayaa noqotay mid si weyn loo diiday, iyadoo lagu eedeeyay musuq, cabburin mucaarad, iyo xadgudubyo ballaaran. Xaaladdaas ayaa sii xoojisay go’doonka caalamiga ah ee Venezuela, waxayna kordhisay cadaadiska Mareykanka. Bilihii ka horreeyay Janaayo, Maraykanku wuxuu si cad u kordhiyay cadaadiska. Warbaahinta caalamiga ah ayaa werisay in Washington ay xirtay hawada Venezuela, isla markaana ay geeysay maraakiib dagaal oo tiro badan xeebaha waqooyi ee dalka, gaar ahaan aagga Caribbean-ka iyo xeebta ku dhow Maracaibo, iyada oo lagu andacoonayo ilaalinta amniga iyo xakamaynta tahriibka.
Talaabooyinkan waxaa loo arkayay fariin cad oo ku socota Caracas iyo xulafadeeda, sidoo kale waxay duqaymo u gaysteen doonyo laga leeyahay Venezuela dhacdooyinkaas oo muran ka dhaliyay gudaha aqalka congresska.
3-dii Janaayo 2026, warbaahinta caalamiga ah ayaa si lama filaan ah u werisay in Nicolás Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores lagu qabtay hawlgal milliteri oo Maraykanku hoggaaminayo.
Madaxweyne Trump ayaa hawlgalka ku tilmaamay mid si heer sare ah loo qorsheeyay, cidna aan dhinacooda waxyeello ka soo gaarin. Magaalada Caracas waxaa mugdi la geliyay, korontada ayaa la damiyay, waxaana la adeegsaday istiraatiijiyad isku dhafan oo ay ka mid ahaayeen duqeymo lala eegtay goobo muhiim ah sida wasaaradda gaashaandhigga. Hawlgalkaas, sida ay sheegeen dhaliilayaal badan, laguma marin xeerarka sharciga caalamiga ah, sidoo kalena lama raacin habraacyadii gudaha Mareykanka ee ku waajibinayey in Congress lala socodsiiyo tallaabo militari. Waqtiga la doortay wuxuu ahaa mid xasaasi ah, maaddaama ergay sare oo Shiinaha ah uu booqasho rasmi ah ku joogay Venezuela.
Falcelinta caalamiga ah ma ahayn mid midaysan. Dalal Yurub ah sida Ingiriiska iyo Spain waxay cambaareeyeen ficilka, iyagoo ku tilmaamay mid jebinaya sharciga caalamiga ah, inkastoo ay qireen in nidaamka Maduro uu ahaa mid kali-talisnimo ku dhisan. Waxaa si cad loo muujiyay cabsi ah in hawlgalkan uu noqdo tusaale halis ah oo lagu daydo.
Ugu dambeyn, su’aasha taagan ma aha oo keliya waxa ku dhacay Venezuela, balse waa waxa ay tani uga dhigan tahay nidaamka caalamiga ah. Haddii ficil sidan oo kale ah la aqbalo, yaa go’aaminaya halka sharcigu ku egyahay marka ay awooddu hadasho? Haddii Venezuela maanta sidan loola dhaqmo, suurtagal ma tahay in berri isla marmarsiyadan loo adeegsado dalal kale sida Ukraine ama Taiwan? Qisada Venezuela waxay noqotay digniin cad oo muujinaysa sida waddan ku tiirsan keliya batrool iyo saliid la soo saaro (petro-state) uu u fashilmi karo, sida sharciga caalamiga ah uu u dabcayo, iyo sida awoodda milliteri ay mar kale u noqotay luqadda ugu weyn ee siyaasadda caalamiga ah.
W/Q: Abdifitah Guutaale,
PhD Candidate at Michigan State University.
Abdifitahm.adan@gmail.com