Wednesday, November 6, 2024
HomeNewsWasiir Juxa: 37 Degmo ayaan ka qabanaynaa Doorasho qof & cod ah.

Wasiir Juxa: 37 Degmo ayaan ka qabanaynaa Doorasho qof & cod ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa Golaha Xukuumadda u soo gudbisay Degmooyinka laga qabanayo Doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa Golaha Xukuumadda la wadaagay soojeedinta Degmooyinka laga qabanayo wejiga labaad ee Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Puntland.

Wasaaradda ayaa soo gudbisay 9-ka Gobol ee Puntland iyo degmooyinka laga qabanayo Doorashada iyadoo wadarta degmooyinku ay yihiin 37degmo oo isugu jira Heerarka (A, B iyo C) kuwaasi oo buuxiyey shuruudaha iyo habraaca xulashada degmooyinka Doorashadu ka dhacayso waa sida ay sheegtay wasaaradduye.

Soojeedinta degmooyinka Doorashadu ka dhacayso iyo sooh-dimaha degmooyinka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa Goluhu isla qaatay in loo gudbiyo Guddiga KMG Ah ee Doorashooyinka Puntland TPEC.

Isla maanta gelinkii dambe Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) ku wareejiyay xogta soohdimaynta Degmooyinka iyo Gobolada Puntland.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Guddiga ku wareejiyey liiska Degmooyinka Doorashada Hal qof iyo Hal cod laga qabanayo kuwaas oo dhan 37 Degmo oo isugu jira heerarka (A, B iyo C).

The Daily Somalia ayaa heshay in Gobolada Sanaag, Sool, Haylaan & Cayn ay kamid yihiin degmooyinka wasaaraddu soo gudbisay iyadoo ay kala yihiin Degmooyinka: Badhan, Yubbe, Fiqifuliye & Laasqoray ee Gobolka Sanaag, halka Gobolka Sool laga qaban doono Taleex & Boocame, Gobolka Cayn ayaa la qorsheeyay degmada Buuhoodle & Gobolka Haylaan oo la qorsheeyay Dhahar, xingalool, ceelaanyo & Buraan.

Tan ayaa biyo qabow ku shubaysa warkii uu faafiyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal kaas oo sheegay in Siciid Deni qorshaynayo Doorasho qof & cod ah oo ay ka maqan yihiin Gobolada Sanaag & Sool.

Siciid Deni oo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay hal sano & saddex bilood ayaa doonaya inuu Puntland ka hirgaliyo doorashada golayaasha deegaanka ee dhiman, isagoo horey u qabtay doorashada saddex degmo oo kala ah: Qardho, Eyl & Ufeyn, loogana adkaaday guddoonka laba kamid ah, lama oga in qorshaha Siciid Deni uu fuli doono iyadoo ay jirto diidmo ka jirta siyaasiyiin u arka in Deni ku doonayo barnaamijkan muddo kordhin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments