Wajiga Afraad ee Hawlgalka Hillaac Maxaa Ka Dhigay Tusbax Afka Ka Furan?
Qalinkii: Aadan Salaad Maxamuud (Badiic) ยท Nofeembar 2026
Ugu horrayn, halyeeyada buuraha Calmiskaad kula dagaallamaya argagixisada doolka ah muddo ku dhow 24 bilood, waxaan leeyahay: Waad gudateen waajibkiinnii iyo masuuliyaddiinnii. Haddii uu dagaalku sii dheeraaday, sabab kasta ha ku dhacdee, adkaysi iyo samir ayaa idin faran; waayo waxaad gudanaysaan waajib ummadeed iyo mid akhlaaqeed. Haddii aad guulaysataan, waxaad tihiin halyeeyo la xusi doono. Haddii aad ku shahiiddaanna dagaalkaas xaqa ah, waxaad tihiin shuhado la xusi doono oo la xasuusan doono, idanka Alle.

Waxaase nasiibdarro ah in ciidankaas la dhayalsado halgankooda, iyo in naftood-hurayaashaas la hagranayo dedaalkooda. Dad badan ayaa is weydiinaya W๐๐ฃ๐ข๐ ๐ข๐ข A๐๐ซ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐ ๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐ฆ๐๐ฑ๐๐ ๐ค๐ ๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ mid iska ๐๐ฎ๐ซ๐๐ง? Waxaa nasiibdarro ah in Xukuumadda Puntland ay ku dhawaaqday ๐ญ๐ด-๐ธ๐ถ๐ถ ๐๐๐๐ป ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑ (sanad iyo lix bilood ka hor) in wejigii 3-aad ee Hawlgalka Hillaac uu dhammaaday, uuna bilowday wajiga 4-aad oo ah sifaynta firxadka Daacish ee Calmiskaad. Suโaashu waxay tahay: Maxaa ka dhigay wajiga 4-aad mid iska furan in ka badan sannad iyo bar, halka saddex weji lagaga gudbay wax ka yar hal sano?

– ๐ฆ๐ถ๐ฑ๐ฒ๐ฒ ๐น๐ผ๐ผ ๐๐ต๐ฒ๐ฒ๐ด๐๐ฎ๐ ๐ต๐ด% ๐ด๐๐๐น ๐ฎ๐ต, iyada oo sanad iyo 9 bilood ka dib ๐ ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ ๐๐ถ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐๐ฎ๐ต๐ฎ๐?
Waxaa nasiibdarro ah in Xukuumadda Puntland ay sannad ka hor, Juun 2025, ku dhawaaqday in hawlgalka Calmiskaad 98% lagu guulaystay, halka ay dhiman tahay 2% oo sifayn ahi. Kuwaad 20 bilood kadib, argagixisadii dhuumaalaysiga ku jirtay weli wax bay weerarayaan, waxay dhigayaan qaraxyo, waxay goynayaan isgaarsiintii, waxayna hoganayaan Miraale, Baalade ilaa Daboorad, waa deegaanno qaarkood ka saaristooda aan ku weynay halyeeyo. Maxaa sababay dib-u-noqoshadaas? Ma taagdarri baa, ma talo-xumaa, mise waa ku talagal?
Waxaa nasiibdarro ah in maanta ay cabasho ku aaddan ๐ฑ๐ฎ๐๐ฎ๐ฐ ๐ถ๐๐ผ ๐ฑ๐ฎ๐ฟ๐๐ฒ๐ฒ๐น ๐น๐ฎโ๐ฎ๐ฎ๐ป ay soo marinayaan warbaahinta ๐๐ถ๐ถ๐ฑ๐ฎ๐บ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ถ ๐๐ฒ๐ฒ๐ด๐ฎ๐ฎ๐ป ee ๐ธ๐ ๐ต๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ ๐ฏ๐๐๐ฟ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ฎ๐น๐บ๐ถ๐๐ธ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ถ๐๐ผ ๐ง๐ผ๐ด๐ด๐ฎ ๐๐ฒ๐ฐ๐ฒ๐ฒ๐น Ee ๐๐๐๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐น๐ผ๐ผ๐น, oo ka kooban:
- Ururka Waran
- Ururka Gantaal
- Ururka Qorax
- Horinta Hanqar
- Horinta Daljir
Iyo Colal madaxbannaan oo ay ka mid yihiin:
- Ururka Horseed
- Ururka Kaah
- Ururka Onkod
- Ururka Dayax
- Ururka Good
- Horinta Gaarhaye

Waxaa nasiibdarro ah in Dagaalkii Calmiskaad dano siyaasadeed loo leexiyay, deegaankii la xoreeyayna la dayacay. Dagaalkii Calmiskaad ee lagula dagaallamayay kooxda argagixisada ahna waxaa laga qaatay aragti ciriiri ah oo siyaasadaysan, waxaana laga sheegtay guul aan la gaarin, iyada oo lagu jaangoynayo damac shaqsi ah. Taasi waxay keeni kartaa khatar, xisaab-qaldan iyo cawaaqib xumo istiraatiiji ah oo la mid ah middii 2016-kii lagu dhacay.
Ka hor inta aanan dul istaagin sababaha keenaya inuu daba dheeraado dagaalka Daacish ee laba sano jirsaday, waxaa muhiim ah in aan isla qirno inaan duullaanka hubaysan (milliteri) oo keliya uusan ku filnayn laga adkaato aydiyoolojiyadda iyo xoogagga aan dawladaha ahayn. Anthony Cordesman (1939 โ 2024) oo ah khabiir istaraatiijiyadeed oo Maraykan ah, soona noqday la-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka intii lagu jiray dagaalladii Afgaanistaan iyo Ciraaq, wuxuu qabaa in danayn laโaanta loo muujiyay dhismaha dawladaha iyo hayโado cusub oo xooggan, lehna maamul wax-ku-ool ah, oo ka hirgala dalalkii uu Maraykanku qabsaday ay keentay in dadka deegaanku mar kale taageeraan dhaqdhaqaaqyadii kasoo horjeeday Maraykanka.
Haddaba, sababaha keenay in dagaalkii lagula jiray Daacish ee laba sano jirsaday uu noqdo tusbax afka ka furan waxay noqon karaan dhowr arrimood:
- Ku-tiirsanaan xad-dhaaf ah ee la isku halleeyay guulihii millateri ee degdeg ahaa, iyadoo lagu guuldarraystay in guulahaas loo beddelo kuwo istaraatiiji ah oo waara.
- Furista jihooyin dagaal oo kala duwan muddooyin isu dhow; tani waxay kala firdhin kartaa cududda ciidanka, iyo awoodda hoggaamineed, waxayna adkayn kartaa in hawlgalka muddo kooban lasoo afjaro.
- Qorshaha wajiga dhammaystirka hawlgalka oo aan caddayn. Saddexdii weji ee hore ciidanku weerar ayuu ku jiray, qorshahooduna wuu caddaa.
- Caqabadaha dhulka buuraleyda ah; la-qabsiga deegaanka buuraleyda ah wuxuu Daacish u fududeeyay haysashada ilo-biyood iyo dhufaysyo dabiici oo ay gabbaad ka dhigan karaan muddo dheer.
- Dhiigbax dhaqaale & musuqmaasuq maaliyadeed oo baahay, taas oo wiiqday daryeelkii ciidanka iyo awooddii hawlgalka
Ugu dambayn:
Inta xubin argagixiso ah Calmiskaad ku dhuumaalaysanayso, waa in laga baaqsado sheegashada guul aynaan si dhammaystiran u hanan weli. Waxaa nasiibdarro in Daacish ay weli waddo inay qaraxyo geliso waddooyinka, halka ciidammada ku waxyeellooba qaraxyadaas ay ehelkoodu ku khasban yihiin daaweyntooda maanta. Waxaa soo dhammaaday, sida muuqata, daryeelkii koobnaa, waxaa shaqadoodii gabay guddigii caafimaadka sidii in hawlgalkuba idlaaday. Waxay doorbidday Xukuumadda Puntland aamuska, iyo inay dusha ka eegto waxa ka socda Calmiskaad; deegaankiina, sidii hore loogu dayacay, ayuu ku socdaa.
Talo se waxay jirtaa dadka deegaanka iyo ehelada ciidammada xaq-u-dirirka ah ee dhaawacyadoodii ay ku dayacan yihiin magaalooyinka Puntland iyo deegaannada ka baxsan. Waxaa la gudboon is-abaabul hor leh, midnimo iyo iskutashi. Halka Dawladda Puntland laga doonayo; in ay caddeyso ujeedka iyo halbeegga lagu qiimayn karo dhammaystirka wajiga afraad ee Hawlgalka Hillaac. Waa in si joogto ah ay dawladdu uga warbixiso xaaladda amni iyo halka ay marayo hawlgalku. Sidoo kale, waa in ay dawladdu xaqiijiso in ciidanka deegaanka ku haray ay helaan xuquuqdooda, iyo daryeelka ay mudan yihiin.
Have a correction or information to share? Contact the newsroom.




