A/ Hordhac:
Dastuurku waa heshiis bulsho (social contract) oo maamula nolosha dadka, xuquuqdooda iyo xorriyaddooda iyo masuuliyadaha muwaadiniinta; sidoo kale wuxuu qeexaa xeerarka iyo mabaadi’da haga shaqada Dawladda.
Si uu u taabbagalo heshiiska dastuurku, waa in bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwani raalli ka noqdaan, lagala tashado, wixii aragtidooda ahna ay ku darsadaan, iyadoo laysla wada ogolyahayna loo gudbiyo Baarlamaanka dalka, markii uu ansixiyana loo qaado afti dadweyne si uu u dhaqangalo.
Laga soo bilaabo 1960kii markii Soomaaliya xornimada qaadatay, Soomaaliya waxaa ka dhaqangalay afar Dastuur, Dastuurkii 1961dii la ansixiyay, laba Axhdi-qarameed iyo Dastuurka ku-meelgaarka ah ee hadda ka jira Soomaaliya.
B/ Maxay tahay baahida dastuur loo samaysto?
- Dastuurku waa xirmo sharci ah oo qoran intabadan, kaasoo ay isla ogolaadeen dad kuwada nool dal ayaga u gaar ah.
- Wuxuu abuuraa kalsooni iyo isku-xirnaan dhex marta dawladda iyo bulshada ay u taliso, taasoo horseedda horumar iyo barwaaqo.
- Wuxuu dastuurku qeexaa nooca dawladda uu dalku yeelanayo, qaab-dhismeedkeeda iyo siday ay u shaqaynayso.
- Waxaa dastuurku qeexaa awoodaha dawladda, ilaaliyaana xuquuqda muwaadiniinta iyo waajibaadka saaranba.
- Wuxuu sidoo kale caddeeyaa kala-soocnaanta hay’adaha dawladda, iyadoo uu qeexayo awoodda iyo xuduudda ay hay’ad walbaa leedahay, si loo ilaaliyo is-korjoogtaynta iyo isku-miisaamidda hay’adaha dawladda.
C/ Dastuurka samaytiisu waxay martaa 4 marxaladood oo kala ah:
- Marxaladda diyaargarowga (the preparatory phase), waana marxaladda wadatashiga, qeexidda hannaanka dastuur-qoridda, mabaadi’da Dastuurkana lagu heshiiyo.
- Marxaladda qoridda dastuurka (constitutional drafting phase): waa xilliga la magacaabo guddiga dastuur-qorista, la talagaliyo khubarada qaanuunka dastuurka, lana gudo-galo qoridda dastuurka.
- Marxaladda latashiga dadweynaha (Public consultation phase): waa xilliga si aad ah loogu baahan la tashi bulsho oo ballaaran iyo wacyigelin bulshoba.
- Marxaladda Dib-ueegista iyo ansixinta dastuurka (Review and adoption phase): waana marxaladda dib-u-eegista dastuurka iyo ansixintiisa.
Inkastoo muddo farabadan lagu hawlanaa in Soomaaliya hesho Dastuur laysku waafaqsanyahay, waxaa arrintaas la hirgaliyay markii Muqdisho laysugu keenay Golihii Qaran ee Ansixinta Dastuurka oo ka koobnaa 825 qof, kaasoo bishii Yuuniyo 2012 cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya iyagoon hubin, dib-u-eegisna ku samayn qodobbada uu ka koobnaa.
Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurku wuxuu ku cadyahay Dastuurka cutubkiisa 15aad, waxaana u xilsaaran diyaarintiisa Guddiga Lasocodka (oversight committee) iyo Guddiga Madaxannaan ee Dastuurka (ICRIC), waxaa si gaar ah ugu xilsaaran wax-kabaddalka qodobbada Dastuurka iyo diyaarinta warbixinnada Gudddiga Madaxabbannaan (ICRIC) sida ku cad Qodobka 134 faqradiisa 2aad, fududaynta iyo diyaarinta qorshayaasha waxaa u xilsaaran Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Federaalka.
D/ Qodobbada dastuurka ah ee u baahan heshiiska siyaasadeed:
Sanadkii 2015, Baarlamaanka Federaalku wuxuu go’aamiyey in qodobbo sagaal ah oo ka mid ah Dastuurka Federaalka ay u baahan yihiin wadahadal siyaasadeed in lagu dhammeeyo, kaasoo dhexmaraya Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada, waxaana ka mid ah qodobbadaas: Maqaamka Caasimadda, Awood-qaybisiga, Khayraadka, Doorashooyinka, nidaamka caddaaladda, Labada Aqal ee Baarlamaanka, qaab-dhismeedka dawladda iwm.
Laga soo bilaabo markii go’aankaas soo baxay ilaa maanta oo Dib-u-eegistii loo gudbiyey Golaha Baarlamaanka, Dawladda Federaalka iyo Golayaasheeda kala duwani waxay ka maagayeen iskana dhagatirayeen in Qodobbada muranku ka taagan yahay oo u baahan heshiiska siyaasadeed laysla meeldhigo waxna laysaga ogaado, si loo helo Dastuur loo dhanyhay laguna wada kalsoonyahay.
Dawladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud waxay ku adkaysanaysaa waxay ugu magac dartay “waxka beddelka dastuurka”, waxayna taladii dalka oo dhan ku aruurinaysaa gacanta dawladda Federaalka ah, iyadoon weliba qodobbadii heshiiska siyaasadeed u baahnaa aan laga heshiin, xubno badan oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka ahi waxay ku tilmaameen shaqada socotaa inaysan waxka beddel ahayn ee tahay Dastuur cusub oo la yagleelayo, iyadoo xubno farabadan oo Baarlmaanka ka mid ahina ay diidan yihiin shaqada socota, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa marar badan cod dheer ku sheegay in shaqada dastuurka laga hayaa aysan ahayn waxka beddel ee ay tahay qorid dastuur cusub, waana arrin u baahan in laysla ogolyahay.
E/ Mowqifka Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee arrimaha dastuurka
Waxaa Garowe maalmihii lasoo dhaafay 21-24/03/2024 ka dhacay shirar ay isugu yimaadeen Madaxweynayaashii hore ee Dawladda Federaalka; Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Sh. Shariif iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, kaasoo looga tashanayay hannaanka dib-u-eegista iyo waxbedelka dastuurka; waxayna labadii Madaxweyne ee hore ku celiyeen mowqifka adag ee ay ka taagan yihiin qorshaha aan sharciga ahayn oo lagu beddelayo dastuurka dalka; iyadoo dawladda Fedraalku qorshaynayso inay ka ansixiso Baarlamaanka labadiisa aqal maalmaha soo socda.
Madaxweyne Xassan iyo Raysulwasaarihiisuna waxay ku celceliyeen in dastuurka la ansixinayo cid loo joojinayaana aysan jiri doonin.
F/ Mowqifka Puntland ee arrimaha dastuurka;
Warmurtiyeed ay soo saartay Dawladda Puntland maanta oo ay taariikhdu tahay 26/03/2024 ayay ku caddaysay mowqifkeed arrimaha dastuurka, waxayna tiri: “Dawladda Puntland waxay u caddaynaysaa Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoonka iyo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan (US, UK, EU, UN, AU, Denmark, Sweden, Germany, Switzerland, Norway, Qadar, Turkey iyo UAE) in haddii la meelmaryo isku dayga samaynta dastuur cusub aysan dawladda Puntland u hoggaansami doonin, aqoonsanna doonin, kuna dhaqmi doonin wax-kabedel kasta oo lagu sameeyo dastuurka dalka oo aan heshiis lagu wada ahayn”.
J/ Gunaanad:
Haddaba; su’aasha meesha taali waxay tahay: maxaa uga aaddan bulshada Soomaaliyeed ee indhaha ku haysa qaabka ay Dawladda Federaalku u wajahayso arrimaha waaweyn ee dawlad-dhiska iyo wadajirka ummadda saamaynta ku yeelana; sida dastuurka hadda gacanta lagu hayo iyadoon talo loo dhan yahay lagu abbaarin.
Alla Mahadleh,
Dr. Maxamed Cali Faarax
Garowe, Puntland – Soomaaliya