Wednesday, September 18, 2024
HomeEditorialSomalia maxay ka baran kartaa Afghanistan?

Somalia maxay ka baran kartaa Afghanistan?

Maqaal aan ka akhriyey Al-jazeera oo uu qoray Yasin Aqdaay oo ah siyaasi iyo qoraa Turki ah ayaa aad iisoo jiitay, waxaa ila qumanaatay inaan sookoobo oo aan saaxiibaday la wadaago. Yasin Aqday wuxuu booqasho bil ka hor ku tagay Dalka Afqaanistaan (Afghanistan) wuxuuna soo arkay isbadallada ay samaysay Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan ka dib bixintaankii Dowladda Maraykanka iyo huwantii la socotay oo 20 sano ku dhowaad dalkaas gumaysanayey.


Afghanistan akhristayaal badan ayaa khalad ka fahansan gaar ahaan markay ay maamulayso Xarakada Daalibaan, taasoo dadku ay u qabaan Koox hubaysan oo aan Aqoon, Akhlaaq iyo Aragti lahayn ama aan lahayn xirfadda maaraynta dowladnimada, laakiin Daalibaan sida magaceedu uu dhigayo xirfadoodaba waa ardaynimo, barashada Cilmiga iyo waxbarista. “ Daalibaan” waa Jamaca Kalmada “Daalib” Arday luuqada Bashtuuga.

Afqaanistaan waa dal mudan inaan wax ka ogaanno oo waliba la bogaadiyo nabadda iyo degenaanshaha dalka oo dhan ka hirgashay, waxaana u sabab ah Cafiska guud ee ay Daalibaan fidisay marka ay dalka kala wareegtay Maraykanka bishii August 2021.
Aad bay u adkayd in dal 20 sano dagaal ku jiray in cid walba layska cafiyo iyadoo waliba bulshada Afqaanku caan ku yahay Aargoosiga iyo ad-adayga, fidinta cafiskuna wuxuu ka hor imaanaya curfiga iyo dhaqanka guud ee dalka ka jira, waxaana jiray Qabiilo si gaar ah u ciil qabay dulmi baddana ka tirsanayey qabiilo iyo qawmiyadu maraykanka xulafo lasoo ahaa intii uu joogay dalka.


Waxaa jira dhaqamo badan oo ka hor-imaanaya Islaamka oo ay ka mid tahay dulmiga loo gaysto dumarka kuwaasoo xuquuq badan aan lasiinin waana dhaqamo bulshadu leedahay oo ka qaalib noqday tan diinta Islaamka ee xuquuq buuxda siinaysa dumarka tan ugu saraysa dunida. Daalibaan waxay ku guulaysatay inay fuliso sharciga iyo qanuunka dowladda oo Islaami ah taasoo uwada maslaxad ah reer afqaanistaan oo idil gaar ahaan dumarka. Laakiin arinkaas kuwa dalkaas aragtida kale ku fiiriya ma ahan mid ay arkaan gaar ahaan warbaahinta reer galbeedka oo aad u dura xukunka daalibaan waliba marka laga hadlayo waxbarista Hablaha (Girl Education), laakiin xaqiiqdu waxay tahay in maanta Afqaanistaan si dhab ah ay uwado dadaalo lagu yegleelayo nidaam waxbarasho iyo Jaamacado u gaar ah Hablaha.


45 sano kadib waa markii ugu horaysay oo Afqaanistaan ay yeelato Dowlad dhexe oo dalkoo dhan si buuxda u maamusha oo Amni iyo Xasillooni ay ka jirto, waxaana laga hadlayaa mashaariic horumarin iyo kaabayaal dhaqaale. Xukuumadda Daalibaan waxay dardargelisay mashariicda maalgelinta ee Afqaanistaan gaarka u leedahay, oo wali maalgashadayaasha ajaanibta ah way ka cagajiidayaan inay dalkaas maalgashtaan oo aqoonsiga xukuumada Daalibaan ee UN ka iyo dowladaha reer galbeedka waa mid mugdi uu ku jira.
Hormar si loo gaaro waxaa ugu horeeya in lala dagaalamo musuqmaasuqa iyo boobka hantida dadweynahay, waxayna Daalibaan ku guulaysatay inay si hufan u maamusha miisaaniyada dowladda iskana gudo deymaha dowladaha dariska ah kaga leeyihiin korontada markii ugu horaysay taariikhda.


Waxaa la qoday 6 ceel oo shidaal cusub ah gobolka Amu Daaryaa taasoo waxsoo-saarka shidaalka uu gaaray 1350 tone maalinkii. Waxayna hada Afqaanistaan leedahay 24 ceel oo kale oo diyaar u ah in shidaal laga soo saaro, waxaa intaa sii dheer waxaa la helay ceelal kale oo ku yaala gobollo kale. Afqaanistaan waxay ka mid noqonaysaa dalalka soo saara shidaalka.
Afqaanistaan waa dal hodan ku ah dadkiisa, waxaana khubarada usoo jeediyeen inay maalgashato awooda shaqayn karta ee Banii-aadanka (Human Capital) oo ay geliso wax-soosaarka suufka, beeraha, xoolaha si ay isku filnaansho u gaarto dadkeena shaqo abuur u helaan.
Dhismaha biyo xireenka weyn ee Wabiga Jiixoon oo ay xukuumada Daalibaan hada dhisayso si degdeg ahna ku socda, wuxuu tilmaam u yahay horumarka weyn ee laga fili karo dalkaas.


Biyo mareenka Qooshteebah riyo muddo dheer ah ayuu usoo ahaa reer afqaansitaan gaar ahaan dadka dega gobollada waqooyiga, marka la hirgeliyo mashruucaas wuxuu isu badalayaa lama dagaanka woqooyiga Afqaansitaan dhul ku haboon waxbeerista oo carro-san ah iyo aag wax soosaar. Biyo mareenka ayaa dhex maraya biyo dhan 650 meter cubic halkii irbiriqsi kuwaasoo ka imaanaya wabiga Jiixoon waxayna u badalayaan lama dagaanka waqooyiga dhul bedkiisa ku dhow 300,000 Hectare oo wax lagu beeran karo. Dhumuca biyo mareenka waa 100 meter joogiisuna waa 8.5 meter kaasoo ay biyuhu buuxinayaan 6.5 meter oo jog ah. Waxaa la filayaa in 6 bilood gudahooda uu ku dhamaado mashruuca.

Waxaa iswaydiin mudan hadii Daalibaan wax ka yar 3 sano ay horumarkaas gaarsiisay Afqaanistaan maxay qabanayeen huwantii Maraykanku uu hogaaminayey iyo Midowgii Soofiyeetii 40 sano ka badan aan ka ahayn inay 4 million oo Afqaan ah ay noqdeen kuwa la nool daroogada iyo xashiishka dad badan oo aan waxba galabsanna la dilay.

Horumarka ay Afqaanistaan ku tilaabsatay iyo xasiloonada ka taabbo-gashay waxay hoos u dhigaysaa qulqulka hijrada dadkeeda waxayna abuuraysaa fursado maalgashi taasoo marka dambe ka dhigaysa dal loo shaqo doonto oo loo hijraado.

Somalia maxay ka baran kartaa Afqaanistaan?

Abdirahman Abdirisak
17th March, 2024
Garowe

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments