Skip to content

Independent reporting. Somali perspectives.

Soomaali

Hawlgal ciidan oo keliya kuma filna in laga adkaado aydiyoolojiyad

Aadan Salaad Maxamuud (Badiic) ayaa falanqaynaya sababaha uu u dheeraaday wajiga afraad ee Hawlgalka Hillaac iyo daryeelka ciidamada Calmiskaad.

Ciidan maraya dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad

Wajiga Afraad ee Hawlgalka Hillaac Maxaa Ka Dhigay Tusbax Afka Ka Furan?

Qalinkii: Aadan Salaad Maxamuud (Badiic) ยท Nofeembar 2026

Ugu horrayn, halyeeyada buuraha Calmiskaad kula dagaallamaya argagixisada doolka ah muddo ku dhow 24 bilood, waxaan leeyahay: Waad gudateen waajibkiinnii iyo masuuliyaddiinnii. Haddii uu dagaalku sii dheeraaday, sabab kasta ha ku dhacdee, adkaysi iyo samir ayaa idin faran; waayo waxaad gudanaysaan waajib ummadeed iyo mid akhlaaqeed. Haddii aad guulaysataan, waxaad tihiin halyeeyo la xusi doono. Haddii aad ku shahiiddaanna dagaalkaas xaqa ah, waxaad tihiin shuhado la xusi doono oo la xasuusan doono, idanka Alle.

Waxaase nasiibdarro ah in ciidankaas la dhayalsado halgankooda, iyo in naftood-hurayaashaas la hagranayo dedaalkooda. Dad badan ayaa is weydiinaya W๐ž๐ฃ๐ข๐ ๐ข๐ข A๐Ÿ๐ซ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‡๐š๐ฐ๐ฅ๐ ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‡๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐œ ๐ฆ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ค๐š ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ mid iska ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง? Waxaa nasiibdarro ah in Xukuumadda Puntland ay ku dhawaaqday ๐Ÿญ๐Ÿด-๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—๐˜‚๐˜‚๐—ป ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ (sanad iyo lix bilood ka hor) in wejigii 3-aad ee Hawlgalka Hillaac uu dhammaaday, uuna bilowday wajiga 4-aad oo ah sifaynta firxadka Daacish ee Calmiskaad. Suโ€™aashu waxay tahay: Maxaa ka dhigay wajiga 4-aad mid iska furan in ka badan sannad iyo bar, halka saddex weji lagaga gudbay wax ka yar hal sano?

– ๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐˜๐—ฎ๐˜† ๐Ÿต๐Ÿด% ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—น ๐—ฎ๐—ต, iyada oo sanad iyo 9 bilood ka dib ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†?

Waxaa nasiibdarro ah in Xukuumadda Puntland ay sannad ka hor, Juun 2025, ku dhawaaqday in hawlgalka Calmiskaad 98% lagu guulaystay, halka ay dhiman tahay 2% oo sifayn ahi. Kuwaad 20 bilood kadib, argagixisadii dhuumaalaysiga ku jirtay weli wax bay weerarayaan, waxay dhigayaan qaraxyo, waxay goynayaan isgaarsiintii, waxayna hoganayaan Miraale, Baalade ilaa Daboorad, waa deegaanno qaarkood ka saaristooda aan ku weynay halyeeyo. Maxaa sababay dib-u-noqoshadaas? Ma taagdarri baa, ma talo-xumaa, mise waa ku talagal?

Waxaa nasiibdarro ah in maanta ay cabasho ku aaddan ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฐ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—น ๐—น๐—ฎโ€™๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ay soo marinayaan warbaahinta ๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—บ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐——๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ee ๐—ธ๐˜‚ ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—น๐—บ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ง๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐—๐—ฒ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฒ๐—น Ee ๐—š๐˜‚๐˜‚๐˜๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—น, oo ka kooban:

  1. Ururka Waran
  2. Ururka Gantaal
  3. Ururka Qorax
  4. Horinta Hanqar
  5. Horinta Daljir

Iyo Colal madaxbannaan oo ay ka mid yihiin:

  1. Ururka Horseed
  2. Ururka Kaah
  3. Ururka Onkod
  4. Ururka Dayax
  5. Ururka Good
  6. Horinta Gaarhaye

Waxaa nasiibdarro ah in Dagaalkii Calmiskaad dano siyaasadeed loo leexiyay, deegaankii la xoreeyayna la dayacay. Dagaalkii Calmiskaad ee lagula dagaallamayay kooxda argagixisada ahna waxaa laga qaatay aragti ciriiri ah oo siyaasadaysan, waxaana laga sheegtay guul aan la gaarin, iyada oo lagu jaangoynayo damac shaqsi ah. Taasi waxay keeni kartaa khatar, xisaab-qaldan iyo cawaaqib xumo istiraatiiji ah oo la mid ah middii 2016-kii lagu dhacay.

Ka hor inta aanan dul istaagin sababaha keenaya inuu daba dheeraado dagaalka Daacish ee laba sano jirsaday, waxaa muhiim ah in aan isla qirno inaan duullaanka hubaysan (milliteri) oo keliya uusan ku filnayn laga adkaato aydiyoolojiyadda iyo xoogagga aan dawladaha ahayn. Anthony Cordesman (1939 โ€“ 2024) oo ah khabiir istaraatiijiyadeed oo Maraykan ah, soona noqday la-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka intii lagu jiray dagaalladii Afgaanistaan iyo Ciraaq, wuxuu qabaa in danayn laโ€™aanta loo muujiyay dhismaha dawladaha iyo hayโ€™ado cusub oo xooggan, lehna maamul wax-ku-ool ah, oo ka hirgala  dalalkii uu Maraykanku qabsaday ay keentay in dadka deegaanku mar kale taageeraan dhaqdhaqaaqyadii kasoo horjeeday Maraykanka.

Haddaba, sababaha keenay in dagaalkii lagula jiray Daacish ee laba sano jirsaday uu noqdo tusbax afka ka furan waxay noqon karaan dhowr arrimood:

  1. Ku-tiirsanaan xad-dhaaf ah ee la isku halleeyay guulihii millateri ee degdeg ahaa, iyadoo lagu guuldarraystay in guulahaas loo beddelo kuwo istaraatiiji ah oo waara.
  2. Furista jihooyin dagaal oo kala duwan muddooyin isu dhow; tani waxay kala firdhin kartaa cududda ciidanka, iyo awoodda hoggaamineed, waxayna adkayn kartaa in hawlgalka muddo kooban lasoo afjaro.
  3. Qorshaha wajiga dhammaystirka hawlgalka oo aan caddayn. Saddexdii weji ee hore ciidanku weerar ayuu ku jiray, qorshahooduna wuu caddaa.
  4. Caqabadaha dhulka buuraleyda ah; la-qabsiga deegaanka buuraleyda ah wuxuu Daacish u fududeeyay haysashada ilo-biyood iyo dhufaysyo dabiici oo ay gabbaad ka dhigan karaan muddo dheer.
  5. Dhiigbax dhaqaale & musuqmaasuq maaliyadeed oo baahay, taas oo wiiqday daryeelkii ciidanka iyo awooddii hawlgalka

Ugu dambayn:

Inta xubin argagixiso ah Calmiskaad ku dhuumaalaysanayso, waa in laga baaqsado sheegashada guul aynaan si dhammaystiran u hanan weli. Waxaa nasiibdarro in Daacish ay weli waddo inay qaraxyo geliso waddooyinka, halka ciidammada ku waxyeellooba qaraxyadaas ay ehelkoodu ku khasban yihiin daaweyntooda maanta. Waxaa soo dhammaaday, sida muuqata, daryeelkii koobnaa, waxaa shaqadoodii gabay guddigii caafimaadka sidii in hawlgalkuba idlaaday. Waxay doorbidday Xukuumadda Puntland aamuska, iyo inay dusha ka eegto waxa ka socda Calmiskaad; deegaankiina, sidii hore loogu dayacay, ayuu ku socdaa.

Talo se waxay jirtaa dadka deegaanka iyo ehelada ciidammada xaq-u-dirirka ah ee dhaawacyadoodii ay ku dayacan yihiin magaalooyinka Puntland iyo deegaannada ka baxsan. Waxaa la gudboon is-abaabul hor leh, midnimo iyo iskutashi. Halka Dawladda Puntland laga doonayo; in ay caddeyso ujeedka iyo halbeegga lagu qiimayn karo dhammaystirka wajiga afraad ee Hawlgalka Hillaac. Waa in si joogto ah ay dawladdu uga warbixiso xaaladda amni iyo halka ay marayo hawlgalku. Sidoo kale, waa in ay dawladdu xaqiijiso in ciidanka deegaanka ku haray ay helaan xuquuqdooda, iyo daryeelka ay mudan yihiin.

Have a correction or information to share? Contact the newsroom.

Warar kale