Tuesday, March 18, 2025
HomeEditorialPuntland: baahida siyaasad cusub oo ku aaddan dagaal beeleedyada dalka.

Puntland: baahida siyaasad cusub oo ku aaddan dagaal beeleedyada dalka.

[Ku Allahood] balse waxaa jira warar sheegaya In Puntland samaynayso ciidamo si gaar ah ugu tababaran la dagaallanka argagaxisada (Counter-Terrorism). Waa xaajo gobeed iyo xilgudasho. Hagaag!

Haddaba waxa iyana loo baahanyahay ciidamo aan kuwaa ka dhicin balse ka shaqo duwan. Ciidamo si gaar ah loogu carbiyey kahortaga iskudhacyada beeleed ee dalka. waxaa jirta fikrad igu jirtay muddo dheer. Balse aan la fagaare imi xilligii doorashooyinka madaxnimo ee Puntland.

Puntland tan iyo aasaaskeedi 1998 waxa ay ku guulaysan la’dahay hub-ka-dhigista beelaha. Bal e haysashada hubka gaarka ahi waa uu kordhay

fikradanni waxa ay leedahay: Puntland in ay samayso ciidamo si gaar ah u tababaran oo u gaar ah kahortagga iyo dajinta xasaradaha iskudhaca dagaal beeleedyada dalka. Waxa loo baahanyahay ciidamo caynkaas ah oo si gaar ah loo carbiyey, xuquuq fiicanna loo jideeyey in la hawlgaliyo.

Arrintan baahideedu muddo dheer waa ay jirtay. Waxa ayse si weyn iigu muuqatay xilligii laga soo jeestay dagaalkii Laascaanood. Dagaalkaa oo qaab gurmad abaabul beeleed looga qaybgalay waxa uu dhaliyey In hubku faraha ka baxo. Waxa uuna boorriyey In ay hub cusub iibsadaan shakhsiyaad iyo beelo aan hubaysannaan jirin labaduba.

Sidoo kale baahida ciidamo gaar ah waxa ay sii caddaatay dagaalkii sukeeye ee Sheerbi. Dagaal beeleedkaasi waxa uu dhaliyey barakac baahsan, heer noloshii degaankaa ilaa tacliintii istaagto.

Dhowr xaajo oo kale ayaa iyaduna ka marag-kacaysa hawlgalinta ciidamo caynkaas ah oo gaar ah: dhacdooyinka aynu xusi karro waxaa kamid ah:

  1. Dagaal beeleedyada joogtada ah ee gobolka Mudug.
  2. Dagaal beeleedkii sida fudud uga qarxay bilawgii bisha Ramadaan dooxada Dureera ee gobolka Sanaag. Taas oo rag badan si fudud loogu waayey.
  3. Dagaalka argagaxisada Daacish awgeed oo dawladdu samaysay askarayn* aad u fara badan, sidoo kale beelaha Puntland wax ka dega qaybtood ayaa si iskood isu hubeeyey.

Haddaba dagaalka buuralayda Calmiskaad marka laga soo jeesto waxaa la fili karaa iskudhac beeleedyo hor leh dhowr sababoodba awgeed:

B. Utun hore oo beelaha qaar dhextaal.

T. Hubka oo wax-ma-garato gacmaheed gala.

J. Baraha bulshada oo cunfiga beelaha huriya. Baraha Soomaalida waxaa ka jirta faaf’reeb la’aan iyo isla xisaabtan la’aan. Xorriyad dhammaystiran!

Dadku maxay hubka u haystaan?

Shakhsiyaadka iyo wadarta beeluhu ugu mudanyihiin waxa ugu weyn oo ay u hubaysanyihiin; kolka aad waydiiso waa waxa ay kuugu jawaabayaan: In aannu isku difaacno. Haddaba kaalintaasi sow tii dawladda maaha? Dawladda ayaa looga baahanyahay qorshe nabadayn dhab ah, caddaalad bulsho, qorshe amni, qorshayaal kalsooni lagu kala dhexdhigayo; dadka iyo dawladdooda iyo dadka shacabka ah/beelaha dalka wada leh dhexdooda.

Waa maxay xalku? Xalku waxa uu yahay:

  1. In dawladdu hawlgalka la dagaallanka argagixisada kadib basrriso ciidamada si gaar ah Daraawiishta. A. Iskudhafto. B. Diiwaan dhammaystiran iyo xuquuqo sugan u samayso C. beelaha hubka waaweyn leh ka iibsato D. Ciidan beeleed iyagu Ismaamullaa jiritaankooda tirtirto.
  2. In dawladdu abaabusho gogol dibuheshiisiin beeleedyo. Kuwa iskood u socdana taageerto.
  3. In dawladdu shaqogaliso cuqaasha iyo nabaddooda kaalingalka ah ee dalka. Xuquuqo rasmi ah oo qeexan iyo maamuusna siiso. Reer Puntland waxa ay leeyihiin hidde qumman kaas oo ah; cuqaasha iyo Isimadoodu In ay badbaado u yihiin xasilloonidooda iyo is ahaanshooda bulsho.
  4. In dawladdu samayso ciidamo iskudhaf ah oo u carbisan kahortaga iyo kaddaba-tagga isku dhac beeleedyada dhulka Puntland xukunto.
  5. Xoojinta iyo hawlgalinta Boolis akhlaaq lagu hirto iyo xuquuqo leh. Kuwaas oo hawlgalintooda loo daadajiyo; ilaa heer degaan ama tuulo.
  6. In dawladdu dacwad culus ku oogto cid walba oo lug ku yeelata abaabullada dagaallada sukeeye iyo isku soofaynta beelaha walaalaha ah ee dalka.

Biyo intaanay ku soo gaarin baa la iska moosaa. Sidoo kale Waxaa la yidhaahdaa: “waqtigu waa macallinka ugu weyn ee wax ku bara”. Dawladda Puntland wixii soo maray wax ha ka barato, waxa ku soo feed leh ha iska moosto.

WQ: Abdifatah Mohamud Dhegbahaaf (Amiir Cabdifataax)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments