Puntland maxaa kala gudboon mowjadaha culus ee geeska ka bilowday. Howlaha geeska Afrika kusoo kordhay waa howl culayskooda leh oo gacmo waaweyn ayaa ku jira.
Waxaa ay u baahan tahay in Puntland si taxdar leh uga baaraan degto oo ay si degan oo qoto dheer oo strategy ah uga fakarto. Wax yaabaha aan is leeyahay hortabin bay leedahay waxaa ka mid ah.
1. Strategic patience ama wait and see policy, oo ah in qorshe fog la dejiyo oo in laga fogaado laablakac. Waa in position rasmi ah la qaato laakiin aan public laga dhigin. Waa in Wasiirada iyo masuuliyiinta dowladda laga xakameeyo in ay ka hadlaan arimahaan.
2. Waa in la xoojiyo fikirka sadexda waaqac ee Soomaaliya ka jira. Puntland waa waaqac rasmi ah oo abuuran. Waa in PL ahaataa awood siyaasadeed oo madax banaan sida ay hada tahay, waa in aan marna iyada oo dhab loo heshiin loo hoos geyn awoodaha muhiimka ah Federaalka Xamar ku kooban. Sidoo kalena la dhisaa awood u dhiganta tan koonfurta Yemen.
3. Waa in aan la ogolaan in dhulka PL noqdo goobta dagaal wakaaladeedka lagu galayo. Macanahayga waa in aan SL looga duulan marinada PL. Sidoo kalena xiriirka SL waa in la hagaajiyaa.
4. Waa in la dowladeeyo xiriirka EMAARAADKA oo laga saaro shakhsiyeynta sidoo kalena la raadiyo xiriirada kale ee hada gobolka kusoo kordhay.
5. Waa in Madaxwyne Deni uu qaataa fikirada Soomaaliyeed ee tiraahda “ Hadii Eebe xoolo kula maago dadkeeduu ku siiyaa”. Macanaha Wasiiradiisa iyo raga la shaqeeya waa in uu dib ugu noqdaa oo kusoo xushaa golaha wasiirada, rag iyo hablo xul ah oo labo arimood mid uun ku aadi kara. Qof ku filan siyaasad deegaankiisa ama qof leh aqoon maanta la jaanqaadi karta ama fahan iyo fikir xaaladaha taagan looga dabaalan karo.
6. Madaxweyne Deni waa inuu qaataa siyaasad degan oo dib u heshiisiin ah. Waa in uu qof kasta oo ay is qoomeen raadiyaa oo la fariistaa.
7. Rayul caamka dadweynaha waa in si dhab ah loo jiheeyaa oo aan la ogolaan in cid kale ay Qiiro been ah u shido.
W/Q: Idiris M.