Tuesday, March 18, 2025
HomeEditorialQabiillada Soomaalida oo Iska Caabbinaya “Jihaadiyiinta”

Qabiillada Soomaalida oo Iska Caabbinaya “Jihaadiyiinta”

Mukhtaar Roobow, oo mar ahaan jirey hoggaamiye Shabaab oo laga cabsado– [Shabaab waa] ururka ugu hodansan uguna halis badan ee al-Qaacida ka tirsan – ayaa farta ku fiiqay khariiradda Soomaaliya. [Roobow oo haatan] xubin ka ah golaha wasiirrada, ayaa taxay magacyada degaamo dhawaan dib looga qabsaday saaxiibadiisii hore. Dhulka qabiilka Xawaadle ee Hiiraan, bartamaha Soomaaliya, “way wada xoraysteen”. Badanka waddooyinka muhiimka ah ee gobolka sidoo kale waxaa gacanta ku haysa dowladda. Soomaaliya inteeda kalana? “Waxaa la joogaa xilligii ay Shabaab ka dabargo’i lahaayeen” ayuu ku jawaabay argagixiye hore, kaas oo madaxiisa ay mar Ameerikaanku dul dhigeen $5M. “Maalin walba guul hor leh ayaa laga gaaraa” [buu sii raaciyay].

Hase yeeshee, guulahaasi waxa ay ku yimaadaan xinjiro dhiig ah. 29-kii Oktoobar qaraxyo labo ahaa oo gawaari loo adeegsaday oo ka dhacay caasimadda Muqdisho, waxa ay galaafteen nafta ugu yaraan 100 ruux. Waxa uu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee dalka markii laga tago kii isla goobtaa [Zoobbe] ka dhacay shan sano kahor. Alshabaab si fudud ayay u sheegteen [weerarkaas], iyaga oo xusay in bartilmaameedkoodu ahaa wasaaradda waxbarashada, oo ay ugu yeereen “xarun cadow” oo carruurta Soomaaliyeed looga lumiyo caqiidada Islaamiga ah. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku dhawaaqay “dagaal kama danbays ah” oo ka dhan ah jihaadiyiinta ka dib dib-u-doorashadiisii madaxweynenimo bishii May, wuxuu ku falceliyay in weerarradan aargoosiga ahi ay muujinayaan in dowladdu ku guulaysatay [furimaha dagaalka].

In kasta oo sheegashadaasi ay u muuqato mid aan cago badan ku taagnayn, haddana waa run in maamulkiisu uu bilihii ugu dambeeyay sameeyay duullaan ka dhan ah jihaadiyiinta. Wax ku bilowday xagaagii kacdoon qabiil oo maxalli ah oo ka dhan ah damaca Shabaab ee waallida ah ee dalabaadka cashuurta─iyada oo lagu jirey abaartii ugu darnayd 40 sannadood─ayaa illaa xilligaas baahayay. Maleeshiyo beeleedyo loo yaqaanno Macawiisleey ayaa iska abaabulay dhowr degmo oo ka tirsan Hirshabeelle, mid kamid ah shanta maamul-goboleed ee Soomaaliya. Kacdoonnadaas hadda waxaa taageeraya ciidanka Qaranka, iyo diyaaraha dagaalka ee Maraykanka.

Dowladdu waxa ay sheegtay in ay gacanta dib ugu dhigtay toban magaalo oo waaweyn iyo tuulooyin tira badan. Taasi waxa ay ku dhalisay rejo dalka oo dagaal kula jiray jahaadiyiinta muddo ka badan 15 sano. “Kani waa duullaan taariikhi ah” waxaa yiri sargaal sare oo Maraykan ah.

Cayrintii jihaadiyiinta ee Hiiraan waxa ay dhaafisay gacan-ku-hayntoodii waddooyinka irmaan ee ganacsigu isaga gooshi jiray, kuwaas oo dhex mara bartamaha Soomaaliya, kana yimaada dakadda Boosaaso ee waqooyiga [dalka]. Sidoo kale waxa ay meesha ka saartay in Shabaabku gobolka [Hiiraan] ka dhigtaan saldhig ay ka weeraraan [dalka] dariska ah ee Itoobbiya, sidii ay yeeleen bishii Luulyo, markaas oo boqollaal dagaalyahannadooda kamid ah ay ka gudbeen xuduudda, oo ku qaadeen duullaankii ugu weynaa abid. Intaa waxaa dheer, jirtoo ay badanka duullaanadii hore hoggaamin jireen ciidamada Midowga Afrika [ee ATMIS], “mooggaan waxaa hoggaaminaya Soomaali” ayuu yiri Cumar Maxamuud, oo ka tirsan International Crisis Group (ICG), oo xarunteedu tahay Brussels, isla markaana ka faallooda xasaradaha.

Hannaanka cusub ee madaxweynaha [ee Shabaab ka dhanka ah] waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood: millateri, aydhiyoolaji iyo dhaqaalaha. Ugu horrayn, Dowladda Federaalku waxa ay saanad, shidaal iyo cunto siinaysaa Macawiisleyda. Halgamayaasha qabiillooyinku iyaga ayaa dhulkooda ka yaqaanna ciidanka xoogga, iyaga ayaana dagaalka uga xamaasad badan. Taageeradooda, madaxweynuhu waxa uu rajaynayaa in ay dhiirrigelin noqoto oo sidii tusbax furtay dalka oo dhan laga kaco, isaga oo maanka ku haya sidii Ciraaqiyiintu isaga dul qaadeen Daacish. Ugu dambayn, waxa uu ugu baaqay madaxda maamul-goboleedyada in ay ciidamadooda dhaqaajiyaan oo ka horgeeyaan maleeshiyaadka [Shabaab]. Sidoo kale, waxaa la wariyay in uu Maraykanka ka codsaday in uu fududeeyo habraacyadooda weerarada darooniska ee ka dhanka ah Alshabaab.

Isla markaa, dowladdu waxa ay aad isugu taxalujinaysaa in ay aamusiiso dicaayaadka Shabaab ee Online-ka. Waxa ay ku adkaysay in ay culimadu afka furtaan oo raddiyaan “jihaadiyiinta”. Sidoo kale waxa ay isku dayaysaa in ay dhaqaalaha kooxda wiiqdo, iyada oo fartay ganacsatada in ay diidaan [lacagaha ay bixiyaan ee ah] baadda. Mw. Xasan waxa uu sheegay in casharkii ugu muhiimsanaa ee uu bartay muddo-xileedkiisii hore, 2012 ilaa 2017, uu ahaa xeelad millateri oo kali ah aysan shaqaynayn.

Caddayntii ugu horraysay ee muujisay in uu doonayo hannaan cusub [oo uu ku wajaho Shabaab] waxa ay ahayd, in madaxweyne Xasan uu wasiirka arrimaha diinta u magacaabay Mukhtaar Roobow. Waxaa xusid mudan, madaxweynihii ka horreeyay waxa uu afhayeenkii hore ee Shabaab, [Roobow], galiyay xabsi guri. “Waxa uu noqon karaa mid muhiim ah” ayuu yiri Mw. Xasan. Waxa uu sheegay, tusaale ahaan, in uu Roobow dowladda ka caawin karo “in ay afkaarta diinta kala wareegto” jihaadiyiinta. Waxaa ka sii fiican, oo aan ka muhiimad yarayn taa hore, shaqo kale oo ah in si hoose ula xiriiro saaxiibadiisii hore, kuna qanciyo in ay soo goostaan.

Istaraatiijiyadda dowladda qudheedu waxa ay leedahay gaabisyo. Ku tiirsanaanta maleeshiyo-beeleedyada [oo qura] waxa ay ku dhammaan kartaa meel xun. Sida la wada og-yahay, maleeshiyooyinku tabobar ma haystaan, waana halis. Bishii hore guddoomiyaha Hiiraan xitaa waxa uu ugu baaqay in ay dilaan xaasaska iyo hooyooyinka xubnaha Alshabaab. Sidoo kale way adag tahay in guulahooda oo kale laga xaqiijiyo dalka qaybihiisa oo dhan. Maleeshiyooyinka qabiilka ee dhulka Shabaabku ku xooggan ee koonfurta, uma ay badna umana ay hubaysna sida kuwa Hirshabeelle. Dhanka kale, Shabaab waxaa lagu yaqaannaa in ay durba kusoo rogaalceliyaan degaamada gacantooda ka baxa.

Cumar Maxamuud, oo ka tirsan ICG, waxa uu ku dooday in ay dowladdu ugu dambaynta tixgeliso in ay wadahadal la furto jihaadiyiinta. Iyada oo ay yaryihiin dadka xiisaha u qaba arrintaan [wadahadalka]. “Luuqadda keli ah ee Alshabaab fahmaan waa rasaasta” waxaa yiri Roobow, kaas oo wiilkiisu dhawaan ku dhintay dagaalka ka dhan maleeshiyada [Alshabaab]. “Waa lamahuraan in la ciribtiro” [ayuu sii raaciyay]. Dhankooda, Alshabaab uma muuqdaan kuwo danaynaya in ay wadahadal galaan. Sidaas oo ay tahay, Mw. Xasan Sheekh waa uu ku fekerayaa [wadahadal], balse wakhti ku xiran yahay. “Markii aan gaarno heer cayiman, waxa aan furi doonnaa albaabada wadahadalka” ayuu yiri. “Laakiin hadda [jihaadiyiintu xitaa] diyaar ma ah” [ayuu sii raaciyay].

W/Q: wargayska The Economist

W/T: Madasha Hoobaan

Lifaaqa: https://econ.st/3DZo8gm

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments