Wednesday, September 18, 2024
HomeEditorialIsbeddelka Cimilada: waa maxay COP27? Muxuuse Muhiimad leeyahay?

Isbeddelka Cimilada: waa maxay COP27? Muxuuse Muhiimad leeyahay?

Isbadelka Cimiladu waa isbadel ku yimaada xaaladda cimilada ee goob gaar ah. Waxay noqon kartaa isbadelka ku yimaada xaddiga roobka ee goobtaasi hesho sanadkii ama isbadelka ku yimaada heer kulka goobtaas xilli cayiman sida bil ama xilli roobaad.

Waa maxay COP27?

COP waxay u taagan tahay Shirka Qaramada oo micneheedu yahay Shirka 197-da dal oo ku heshiiyey Axdi Qarameedka Isbeddelka Cimilada ee 1992.

197-dan dal ayaa ansixiyay heshiiska si wax looga qabto “faragelinta khatarta ah ee bini’aadamka ku hayo cimilada” iyo dejinta heerarka gaaska “Green House-ka” lagu sii daayo Atmoosfeerka. Hay’adda Cimilada ee Qaramada Midoobay ayaa sannadkiiba hal mar isugu yeerta dawladahaas si ay ugala xaajoodaan sidii si wadajir ah wax looga qaban lahaa isbeddelka cimilada.

Kulamadan ayaa ka socday magaalada Sharma el Sheikh oo ah magaalada loo tamashlo tago ee Masar oo ku taal xeebta badda cas.

Sannadkan Mawduuca #COP27 ee Sharm El Sheikh ayaa looga hadlayaa “Fulinta & Dhaqan galinta #COP26 qaraaro oo ay ka mid yihiin: wadamada hodanka ah si ay u abaabulaan oo maalgaliyaan $ 100 bilyan si loo yareeyo khatarta isbeddelka cimilada & taageerada wadamada ay saameeyeen & dalalka saboolka ah.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii magdhow looga siin lahaa dalalka saboolka ah dhaawaca weyn ee kasoo gaaray diirrimaadka dunida, arrintaas oo uu ka dhashay murug weyn.

Isbaddalka cimilada Adduunku sidee u saameeyay Afrika?

Qaaradda Afrika ayaa qaaradaha kale ee caalamka uga nugul isbaddalka cimilada ee haatan laga dareemayo adduunka, iyadoo khuburada Saynisku u sababaynayaan Afartan Sababood:

  • Bulshada ku nool Afrika ayay inta badan nolashooda ku tiirsan tahay cimilada maadaama nolasha boqolaal milyan oo qof oo Afrikaan ah ay ku tiirsan tahay roobka.
  • Cimilada qaaradda oo aan isku mid ahayn aadna u kala geddisan, arrintaa oo sababtay in isbadalka cimilada Afrika laga fisho waxyaabo badan oo la yaab leh.
  • Koonfurta iyo waqooyiga Afrika ayaa roobabkii ka di’i jiray ay aad u yaraadeen.
  • Heerka la qabsiga iyo u dulqaadashada isbadalkaasi cimilada ayaa ah mid aad u hooseeyo marka loo fiiriyo dunida inteeda kale; saboolnimo ayaa la degtay dad badan, halka dowladuhuna ay ku guuldarreysteen in arrintan isbadalka cimilada ay muhiimad gaar ah siiyaan.

Waa markii ugu horreysay uu shirkan ka dhaco Afrika, tan iyo markii 2016-kii cop22 lagu qabtay dalka Morocco, madax badan oo Afrikaan ah ayaa ka qeyb galay, Soomaaliya iyadoo muddo 40 sano ah abaartii ugu xumayd ku habsatay dhulka soomaalida, waftdi gaaraya ilaa 50 qof oo u Hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka (COP27) oo ka socda dalka Masar ayaa diiradda ku saaray sida isbeddelka Cimiladu uu u saameysay Adduunka iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay ee shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimiladu uu ku yeeshay Adduunka, waxa uuna adkeeyay gurmadka ay u baahan yhiin dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

“Sannadkan aan ku jirno in ka badan siddeed boqol oo milyan oo qof  oo Afrikaan ah ayaa waxaa heysta cunto yari. Soomaaliya gudaheedana, in ka badan 7 milyan oo qof ma dabooli karaan baahiyahooda cunto ee aasaasiga ah waxayna u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah. Waxaan u baahanahay in aan is waydiino sababta? Jawaabtu waa isbeddelka Cimilada iyo colaadda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu dalkeenu u nugul yahay isbeddelka Cimilada, ayaa sheegay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya abuurtay Wasaaradda degaanka iyo isbeddelka Cimilada, sidoo kalana daah-furtay Hindise lagu dhireynayo Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaa soo food saartay dhibaato bini’aadinimo oo aan inta awooddeena ah isku dayeyno in aan wax ka qabanno, taas oo ka dhalatay Abaaraha soo noqnoqda. Waxa kale oo na soo maray daadad ba’an kuwaas oo baabi’iyay kaabayaashii dhaqaalaha, dhul beereedkii ugu fiicnaa iyo sidoo kale hab-nololeedkii bulshadeenna. Dadkeenu ma awoodaan in ay beertaan dalagyada Abaarta jirta awgeed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dhismaha mustaqbal dhaqaale oo xasilloon, iyada oo laga faa’iideysanayo dhaqaalaha badda iyo fursadda beeraha ayaa xoojiyay ahmiyadda ay leedahay in dalalka Adduunku ay maanta muujiyaan isku-tiirsanaan, iyada oo aan loo eegin dal horumaray iyo mid soo karaya, si loo maareeyo duruufaha bani’aadannimo ee dadka dunidu ay wajahayaan.

The Daily Somalia.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments