Tuesday, May 21, 2024
HomeNewsSheekh Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta fowdadii golaha shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta fowdadii golaha shacabka.

Muqdisho (dailysomalia) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo baaritaan ku sameeya dhacdadii nidaam-darada aheyd ee 7-dii bishaan ka dhacday xarunta Golaha.

Guddigan ayaa ka kooban shan Xildhibaan, waxaana la faray in warbixin ka keenaan arrinkaas, islamarkaana natiijada ka soo baxda baaritaanka ay ku soo sameeyaan dhacdadaas dib ugu soo celiyaan guddoonka.

Sidoo kale guddiga ayaa sameyn doona xog ururinta iyo wareysiga xubnaha Golaha Shacabka ee xaadirka ku ahaa xarunta iyo qof kasta oo goob joog ku ahaa xarunta maalintaas.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina faray Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka in uu u fududeeyo wixii tas-hiilaad ah ee Guddiga u baahdaan.

Xubnaha guddigaan ayaa kala ah;

1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)
2. Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac
3. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin
4. Xildhibaan Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji
5. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments